SOMALILANDWEB

 

GO BACK TO SomalilandWeb

 

 

trans trans
 
Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal

 

W

axaa shalay magaalada Pretoria ku geeriyooday, Madaxw- eynihii Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu  dhaaftay toddobaatan sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal Wasaare lixdamaadkii.

Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.
Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.
Wax barasha sare ayuu u tegay oo la xidhiidha xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.
Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.
Bishii may 12 dii, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.
Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee wuxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.
1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa kale oo uu  noqday wasiirka gaashaandhiga  ee Soomaaliya july, kadibna C/rashiid oo ra’iisal wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday wasiirkii waxbarashada,badhtamihii 1962 kii ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii SNC,markii danbena wuxuu ku biiray xusbigii SYL..
10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma'arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.
Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .
21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xidhay, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.
1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.
Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qayb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib haddana loogu doortay sanadkii 1997-dii.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land.
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.