| Somaliland Web |
![]() |
| |
Does Colin Powell have the courage to save Somaliland? |
| Somaliland deserves recognition. reported by BBC |
| Photoes |
![]() |
![]() |
![]() |
| SomalilandNews SomalilandNet RadioSomaliland SomalilandForum Sdwo SomalilandGlobal .........More |
| Links |
| Articles |
| Developed and developing countries have been led by a line of women who ruled with various levels of success: Margaret Thatcher in Britain; Corazón Aquino in the Philippines; Benazir Bhutto in Pakistan; and much earlier, Golda Meir in Israel. Woman has the right to participate in public affairs. Both in the Qur'an and in Islamic history we find examples of women who participated in serious discussions and argued even with the Prophet (P) himself, (see Qur'an 58: 14 and 60: 10-12). |
| Jan 30 2003 London (Jam)- Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah haweenka reer Somaliland ee deggan dalka Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana hore u ahaan jirtay guddoomiyaha guddida Jaamacadda Hargeysa, ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in damac ka hayo kursiga ugu mudan Somaliland, iyada oo aan ka socon midna saddexda xisbi- siyaasadeed ee dalka ka jira. Haddaba, Tifaftiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya London Cabdixakiim Maxamed Sheekh ayaa dhawaan wareysi dhinacyo badan leh la yeeshay Marwo Foosiya. Wareysigaasina waxa uu dhacay sidan: S. Maxaa kugu kalifay inaad isku soo sharaxdo Madaxweynenimo? J. Noloshayda intii badnayd waxaan ahaa dadka afka qalaad lagu yidhaahdo (Activist) Mutadawac ama marka aan hayo shaqooyin sida Safaraaddaha UN-ta waxaan had iyo jeer isku dayi jiray in aan u shaqeeyo dadka baahan, intii dambe aan jooga Maraykan, Itoobiya, Nayroobi, iyo Hargeysa-ba waxaan aad ugu dadaali jiray sidii dadka tabaalaysan aan u caawin lahaa laga soo bilaabo 1988 ayaan imid Dulcad iyo meelihii kale ee qaxootiga waxa aan arkay xaaladda ay dadkeennu ku sugan yihiin, kadib waxaan go’aansaday in aan sameeyo xarumo carruurtii da’da u dhexeysa 3-6jir ee waalidtoodu ku dhinteen dagaaladii iyo in aan tababar u sameyno dumarka si ay dumarku hadhow nolol maalmeedkooda ula soo baxaan, taa waxa ka horaysay 1981kii, markii dawladdii dadka laysay ay waddanka haysatay, ayaan ka baxsaday Safaraaddii Baarliin galayna Kuwayt. Dawladda Kuwayd, waxaan ka soo dhammeeyay Malcaamado, iyo dhakhtaro ay dumarku ku umulaan, inkasta oo ay dad kale sheegtaan oo xitaa dawladdii markaa jirtay ay ku faanto, laakiin caddaynteedii ayaan hayaa, waxa ka dambaysay Jaamacaddii aan asaasay oo u asaasay dadka danyarta ee aan fursadda u helayn in ay meelo kale waxbarsaho u tagaan, waxyaabahaasi oo dhan markaan eegay, taariikhdaa laga soo bilaabo mustacmarkii markuu dalka ka tagay in aan ummadda waxba loo qaban, 12kii sannadood ee Somaliland xorta ahayd waxa dadku qabsadeen mooye, waxay dawladdu qabtay ma jirto, ta awgeeda aniga oo aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda leh ayaa waxaan arkay in ummaddu ii baahan tahay, madaama waddankeenu yahay waddan khayraad badan, oo u baahan in si wanaagsan loo maareeyo, waxan ogahay in muddo yar waddankeenu ku gaadhi karo horumar lagu diirsado. Waxyaabahaasi oo dhan markii aan arkay ayaa waxay igu keliftay in aan doono kursiga ugu mudan. S. Waxa aad ugu dheeraatay waxqabad aad sheegtay in aad bulshada u qabatay waxyaabaahasi oo dhan ma waxaad doonaysay in aad ku soo fuusho sallaanka siyaasadda? J. Maya, igama ahayn in salaanka ku fuulo, ee waxa loo kala dhashaa firfircoonida iyo waxqabadka, taasi oo aan ka Dhaxlay Aabahay oo ka mid ah asaasayaashii tacliinta Somaliland, waxa kale oo igu dhalisay iyana, markaan arkay wax kasta oo aan dhisay in la burburinaayo, markaasi ayaan garowsaday in loo baahanyahay ruux ilaaliya oo u hawlgala dhismaha qaran taagan oo la jaanqaada dunida aynu maanta ku noolnahay. S. Waddankii saddex xisbi ayaa ka tarmaya doorashooyinka Madaxweynenimada, kee baad iska soo sharaxaysaa? J. Asxaabta imika jirta midna kuma jiro, laakiinse anigu waxaan isku soo sharaxaya aniga oo Musharax xor ah (Independent), oo wixii aan xaq u leeyahay aan marsado, ummadduna wixii ay xaq u leedahay loo oggolaado, waay,o doorashadu waa Choice, kalmadda waxa loo yidhi qofkuna wax uu kala doorta wuxuu doonayo ee ay dantiisu ku jirto. S. Sida ku cad xeer hoosaadka doorashooyinka waxa isa soo sharaxi karaa saddexda xisbi ee ku guulaystay doorashayinkii, markaa halkee baad ka soo galaysaa? J. Waa khasab Dimuqraadiyaddu waxa weeye ‘one man one vote’ innagu ma haysano oo waa tan la leeyahay xisbi kaliya ayaa wax xoogaya markaa anigu saddexdan xisbi midna umaan footeyn ee waa khasab. Dumar halkii lagu go’aamiyay oo Baarlamaan iyo Guurti ahi may jirin waana duudsi. Waxaanan u arkaa in ay khalad tahay in saddex xisbi ummaddu u xidhnaato. Waxa aan qabaa dumarku inta raggu garanayaan in aanu garanayno oo waliba ka wax qabad badanahay, markaa xaq ayaanu u leenahay. S. Ummad waliba waxay leedahay dhaqan, innaga dhaqankeennu wuxuu ku salaysan yahay diinta Islaamka, taasi oo aan ogoleyn in dumarku tallada qabtaan? J. Dadku waxay isku khaldaan diinta iyo dhaqanka. Diinta hadday tahayna dalalka adduunka ugu ad adag Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridkaba haween ayaa hoggaanka u hayay. Muddo badan dumar uun baa isku hirdiyaayay (Bangaladaash). Dalka Islaamka ugu weyna gabadha dumar ah ayaa ka madax ah ee (Indooniisiya), Pakistan iyo Turkigana dumar ayaa madax ka soo ahaa. Haddaba in aanay diinta ahayn ee ay dhaqan Carbeed tahay halkaas ayaa kuu caddeynaysa, waayo intaas oo dal midna Carab maaha innaguna maadaama aynu la jaarnahay dhaqankoodii ayaynu qaadanay. Hase yeeshee, kutubta iyo tafaasiisha midna meel ay kaga taallo dumar madax ma noqon karaan ma jirto. Sida Suuratul Al- Nisaa ku cad rag iyo haweenku way kala duwan yihiin marka la eegayo xeerarka dhaxal qoyska, laakiinse halkay ku qoron tahay dumar madax ma noqon karaan, hadday qoran tahay oo ay jirto dalalkaa waaweyn ee diinta ku adag ee Islaamka ahi may sameeyeen. S. Haddiiba sharciyan laguu diido in aad isa soo sharaxdo maxaad samaynaysaa? J. Marka hore distoorkani wuu khaldan yahay, anoo ixtiraam u haya Baarlaamaanka, guurtidahadda iyo Xukuumaddaba markii la samaynayay dadka intiisa badan oo dumarka ahi may joogin. Mar kastana waan ka doodayaa dad badan oo indheer garad ah oo dibed iyo gudahaba joogaana way igula taliyeen. S. Xisbiyada Imika jira midna ma isku dhowdihiin? J. Asxaabta imika jirta haddaan ku qanacsanahay ismaan sharaxeen, sida uu mid waliba u aaminsan yahay in uu ugu wanaagsan yahay, ayaan aniguna aaminsanahay inaan ugu saxanahay, waxaan qabtay qabtay ma jiro 20kii sannadood ee ugu danbeeyay, tusaalena waxaa inoogu filan 1991, markii Sheekh Yuusuf alle ha u naxariiste u ahaa Wasiirka arrimaha dibadda waxaan la shaqeeyay shan bilood oo xitaa aan la xidhiidhay shirkaddo ictiraafka raadiya oo waliba soo helay, laakiinse dawladihii dalka isaga danbeeyay ayaa diiday, caddaynteediina waan hayaa. S. Marka la eego haddaladaada waxaa ka muuqata isku bogid ama is cajabin marka Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘nin is faanshay waa Ri’ is nuugtay,’ markaa miyaanad u ekayn qof is cajabiyay? J. Ismaan cajabine intaan qabtay ee dalka aan u qabtay aad iyo aad ayey u badan tahay, waxyaabihii la qabtayna ayna midho dhal lagu diirsado ayna keenin, aniga oo waaqica ka turjumaya ayaa u soo bandhigaya shacbiga waxaan u qabtay, anoo marka aan tusayo halka ay runtu ku jirto, waxaan aan sheegayo oo dhan qoraal baan u haaya. S. Haddiiba aad ku guuleysato madaxtinimada Somaliland xukuumaddaadu ma waxay u badnaanaysaa haween? J. Haddii aan guuleysto ruuxii kartidiisa leh ee wax qaban kara ayaa ila shaqaynaya rag iyo haweenba. Waxaana hubaal ah in dalka wax badan loo qaban karo. S. Halkee baad wax kaga bilaabaysa? J. Haddii Eebbe-na gaadhsiiyo, horta marka hore waxaan sameynayaa tiro koob aan ku ogaanayo tirada dhabta ah ee shacbiga Somliland, waxaad mooda in ay dad kale qaateen, in tacliinta kor loo qaado, in si wanaagsan loo mareeyo dhaqaalaha waddanka, in caafimaadka loo sameeyo. In shaqooyin loo abuuro in laga faa’iidaysto khayraadka dalka. Midda kale, masuulayad ma aha in dalalka jeerka aanu dadkooda ka shaqaysiino, innaga oo ay dadkeennu u baahan yihiin shaqo ayey laga maarmaan noqonaysaa in aan ka saarno dalka dad badan si ummaddeennu shaqooyin u helaan, waxyaabihiisa iyo kuwa kale oo badan ayaa ka mid shaqooyinka aan qaban doono haddii masiirka umadda aan qabto. Aniga oo waliba muddo gaaban ictiraaf ku keeni doona. S. Waxaad carrabka ku dhuftay in shaqooyinka laga qaaday dadkii Somaliland, maanta innagu waxaynu joognaa Yurub oo ku noolnahay marka hadalkaaguna wuxuu u muuqda sidii kooxaha garabka midigta (Rightwing) oo kale soow ma aha? J. Maya, Arrinkaygu ma aha sida kooxaha garabka midigta (Rightwing), wax walba oo dunida jooga qorshe ayuu ku socdaa, tusaale xaafadda aan deggannahay golohiisa degaanku waxay eegayaan qorshe, qorshahaas imisaa shaqeeya imisaa shaqo la’, dad xad dhaaf ah ayaa ii soo gala oo is wata beritool in laga bato ma laga yaabaa, waxaan ula jeeda in qorshe dhammaysiran la sameeyo oo wax lagu xakamaynayo iyada la raacayo sharciga. S. Waxaad aad ugu dheeraatay arrinta Ictiraafka, marka aad leedahay ictiraaf baan keenaya ma waxaad haysa wax dhab mise waa tii siyaasiinta? J. Ictiraafkan dadka looga dhigayo wax weyn oo adag ma aha ee waa wax fudud, Laakiinse waxa uu u baahan yahay in loo shaqeeyo, sidaan hore kugu sheegay inkasta oo aad tidhi waad faanaysaa, laakiinse qarka ayaan u saarmay in aan ictiraaf u helo waddanka, aniga markaasi siyaasada iyo musharaxnimo midna ku jirin, laakiinse caawinaya Sheekh Yuusuf Cali oo ahaa Wasiirka arrimaha dibadda, oo ku soo xidhaya niman macallimiin iigu ahaa Jaamacadda oo u ololaynaaya Eriteriya, markii aan xaaladda waddanka ugu waramay ayey I tilmaameen oo xitaa gaadheen in ay ictiaafka ku keeni karaan muddo gaaban, naasiib darro se dawladihii iska dambeeyay waddanka ayaa ka cago jiiday oo diiday. S. Caddayntaa aad sheegayso wax qoraal ah ma u haysaa? J. Haa waan u hayaa, in kasta oo afka laygaga yidhi markhaatiyadiina ay joogaan. S. Ma laga yaabaa in ururkaagu uu yahay mid culeys saaraya xisbiyada siyaasadda? J. Anigu waxaan ku leeyahay ma ihi bareeshar guruub ee waxaan isku soo sharaxayaa madaxtinimo oo dadkaan dantooda tusayaa haddii ay markaa i doortaana ahlan wasahlan haddii ay I dooran waayana ahlan wasahlan aniga mar walba dadaalkaygii halkii ayuun buu yaalaa. S. Foosiya, Goorma ayaad waddankii ku noqonaysa? J. Hadduu Eebbe idmo waxaan ku noqonayaa toddobaadka soo socda. Haddaba, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxay dareen aad ah ka muujisay sida haweenka reer Somaliland ay uga qayb qaadan karaan saaxadda siyaasadda Somaliland, taasi oo ay ku dhaliishay hab socodka dowligga ah ee Somaliland maanta ka jiraa in aanu u oggolaan dumarka doorkii ay ka qaadan lahaayeen hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ka hana qaada dalka. Waxa kale oo ay ka deyrisay sida xukuumadihii Somaliland iskaga dambeeyay ay ugu guuldaraysteen in ay gaadhsiiyaan ummadda himilooyinkii ay higsanayeen oo ay ugu horeyso waa sida ay hadalka u dhigtaye ictiraafku. Waxayna si aad ah ugu dheeraatay in wax laga beddelo distoorka si looga dhigo mid haysta kalsoonida haweenka oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa ugu badan bulshada tiro ahaan, isla markaana dhaqaalaha dalka laf dhabarta u ah. Dhinaca kale, haddaynu ka eegnana maaha markii ugu horreysay ee gabadh reer Somaliland ah damac ka galo kursiga ugu mudan dalka, balse waxa jirtay in gabadh hore doorashadii 1997kii ay ku dhawaaqday in ay u sharaxan tahay jagada madaxtinimada Somaliland inkastoo ay ka tanaasushay markii dambe. Isku soo wada xoori oo rabitaanka Foosiya Xaaji Aadan waxa la odhan karaa waa mid ka tarjumaya sida haweenku uga niyad jabsan yihiin siyaasadda iska daba wareega ah ee ragga, waxayna u muuqataa in ay culays ku saarayso nimanka ku tartamaya siyaasadda Somaliland in haddii aanay dalka horumar gaadhsiin karin ay arrintu u dhacayso Ragga tooda araganay dumar tallo malagu dayay. Posted by Khadar Xasan Jamhuuriya London. Email: jamhuuriya@hotmail.com |
| Waraysi:Haweenay isku soo sharaxday Madaxtinimda Somaliland. |
![]() |
| Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan |