Somaliland Web

                            
News      Links     Feedback         Somaliland Women
Somaliland currency | Somaliland flagConstitutionSomaliland mission   |  Somaliland forum

















Does Colin Powell have the courage to save Somaliland?
An oasis of stability in East Africa






Somaliland deserves recognition. reported by BBC






Uncertain Surrounding Climate Won't Undermine Somaliland, Says Rep






Somaliland referendum  impressingly free and fair
Photoes
SomalilandNews
SomalilandNet
RadioSomaliland
SomalilandForum
Sdwo
SomalilandGlobal
.........
More
Links
Articles
Somaliland independence on everybody's lips
Hadaanu nahay Somaliland D Watch  dhexdhexaad ayaanu ka nahay xisbiyada ku loolamaya Somaliland,waxaanu usoo jeednaa in geedi socodka dimquraadiyada ay Somali land ku talaabsatey in aan cidana curdin dhadhin,wixii arrimaha nabadgelyada dalka Somaliland  khalkhal gelin kara aanu dadka uga digno.

Haddaan u soo noqdo raaqiya oomaar xisbigee bey taageertaa?

a)      raaqiya si cad oon gabasho lahayn ayey London ugu oleleysaa xisbiga kulmiye

b)      Abaheed abdilaahi oomaar si le,eg ayuu hargeisa ugu ololeyaaxisbiga kulmiye

c)      Kolkii saxafada madax banana ee Somaliland qaar ka mida ay eedeymo u soo jeediyeen raqiya oomaar , waxaa difaaacey garabka haweenka ee xisbiga kulmiye iyagoo shir jaraa,id ku qabtey huteelka mingsing hargeisa.



Haddaan is weydiino maxey raaqiya oomaar wax uga qori weydey dagaladii habarhabartii iyo kuwii sokeeye ee ka dhacey dalka kuwaasoo  dawlada Somaliland ay madaxweyne ka ahaayeen cabdiraxmaan axmed cali iyo madaxweynihii dhintey alla ha u naxariistee maxamed ibrahim cigaal,dagaaladaasoo aad iyo aad u ba,naa  dad badani ay ruux iyo naf iyo maalba ku waayeen, qaar kalena barakac u geystey.

Ma waxay raaqiyi leedahay nimankaasi waa isaaq, midna waa inaadeerkey midna walaalkey eyey oryo walaal yihiin sidaa awgeed dembi ma qabto.



Raaqiyi maxay ka qabtaa gooni isu taaga Somaliland?

Haddaan dib u raacno taariikhda markii cabdiraxmaan tuur  shirka saxafiga ku qabtey adisababa uu kaga noqonaayey gooni isu taaga Somali land, raaqiyi waxay ku jirtey dadkii dhiiri geliyey cabdi raxmaan tuur,waxaney si cad oo gabasho lahayn maxfalo badan uga tidhi in aan Somaliland gooni isu taagi Karin,itobiyana cadowgeena kowaad tahay oo jarjareyso waxii la odhan jirey Somalia. Waxaa daliil kale ah markaad dib ugu noqoto buugii ay raaqiyi qortey , soomaliland  kolka ay sheegeyso

Waxaay ku tilmaameysey gobolada waqooyi galbeed.



Ugu dambeyntii kolkaad su,aalaha iyo jawaabtooda akhrisato waxaa kuu iftiimaya

Inay raaqiya oomaar buugeedi ay qortyey ugu adeegeyso kaambeyka  loolanka doorashada,ay dooneyso in xisbiga kulmiye uu ku fuulo jagada madaxweynimada iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Somaliland.



Raqiya A oomaar  miyey ogtahay in xisbiga kulmiye uu xubin sare ka yahay Xamse gaada weyne oo xasuuqi  iyo guumaadkii loo geystey dadkeena gacan weyn ku lahaa?

Malaga yaaba inaad raaqiya oomaarey aad qalinkaaga dagaal ooge ku noqoto?



Hadaanu nahay bahda Somali land D watch waxaanu arinkan u aragney inuu khalkhal gelin karo dalkeena taas ayaa nagu keliftey inaanu  ka indha qarsan kari weyno anagu kama soo horjeedno kulmiye ama raaqiya oomaar  xaasha lilaah, waxaanu rabnaa in tartanka doorashada loo tartamo iyadoon la adeegsan qabyaalad,goboleysi iwm.



Dembiileyashii ka qayb qaatey xasuuqi loo geystey ummada  dawladii afweyne iyo tii cabdiraxmaan tuur iyo tii maxamed ibraahim cigaalba kolka ay munaasib noqoto  in lasoo taago maxkamed cadaalad loona ogolaado qareen difaaca.

Sidaad ogtihiinba dadkii xasuuqa geystey ee naaziyiinta ahaa 1945 dagaalkii labaad ee aduunyada ilaa imiminka ayaa kolba ka la helo maxkamad lasoo taaga



Oodo dhacameed sidey u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa ,waxaa inala waajiba iminka inaan falawgeed qabono sidii doorasho xalaali u dhici lahayd looguna tartami lahaa jagada madaxweyne nimada iyo ku xigeenkiisa si cadaalad ah, waxaynu isku raacney in Somaliland gooni isu taagto lakiin iskumaynu raacin in madaxweynuhu isaaq noqdo.  Wa Bilaahi Towfiiq
Waxaanu isweydiiney  raqiya oomaar xisbigee bey taageertaa?
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
AXMED MUXUMED SANCAANI

SOMALILAND D WATCH LONDON UK