SOMALILANDWEB

 

GO BACK TO SomalilandWeb

 

 

trans trans
 

Dhambaal furan ( open letter )

 

Ku:- Mdaxweynaha Somaliland 10th Aug.02

Md. Daahir Rayaale Kahin

 

 

Warar xogaaal ah oo aanu ka helnay magaalada Jabuuti iyo xarunta Yurub ( Broksel –Biljim ) waxa ay shegayaan in Maaamulka Jabuuti ololo-weyn qaaday lagabilaabo bishii hore, kaaso ah sidii loo khal-khalin-lahaa aqoonsiga Somaliland ee Yurub maanta gacanta ku hayso hirgelintiisa.

Waxa olalahaa ka mid ah in Maamulka Jabuuti, isagoo ku hadlaaya magaca I.G.A.D, uu u soo gudbiyey xarunta Yurub- Bruselis - Biljim warar nuxurkoodo-yahay in midowga Yurub joojiyo kuna deg-degin aqoonsiga Somaliland, sababtoo ah in hadda Maamulka Jabuuti wado waan-waantii lagu gaadhilahaa heshiis midha dhaliya oo ka dhex-dhaca Somaliland iyo Somaliya. Si taa loo sugo, Bishan ( August 2002 ) Jabuuti waxay ka keentay wafdi balaadhan Muuqdisho kaasoo hadda ku sugan magaalada Hargeisa.

Marka la eego ololahan cusub ee Maamulka Jabuuti qaaday si uu Somaliland uga curyaamiyo aqoonsigii aduunweynaha ee fooda ku soo haya iyo qorshahii hore ee Jabuuti ee ku salaysnaa in jabhad cusub oo shisheeya ah lagu beero Somaliland ( kuwaaso qaxooti lagu tilmaamayo ), waxa iska cad oo markhaati madoon ah in Maamulka Jabuuti aanu baddalin siyaasadisii ku salaysnayd burburinta gobonimada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxa Golohu ( Council ) Madaxweynaha ka codsanayaa in arrintaa loo bendhigo Ummadda Somaliland, loona sameeyo gudi heer qaran ah oo xal u hesha sidii looga hortegilahaa dhibaatadaa iyada ah.

 

Miss F. Ali

Secretary of the Council