bisin.gif (2340 bytes)
In The Name of Allah The Most Gracious The Most Merciful

Sheeko

Usha Haddi la jiifshona banaan
   

Nin baa, wax la yidhi, meel u boqor ahaa. Malintii dambaa sac beer daaqay. Markaasaa ninkii beerta sacu daaqay lahaa suldaankii u soo ashtakooday.

Markaasaa suldaankii xukun bixiyay oo yidhi intuu ushiisii kor u qaada: "Ninkii saciisu beer nin kale leeyahay daaqo ushaasuu hadhuudh ku qarinayaa."

Maalintii dambe ayaa suldaanka qudhiisu sac uu leeyahay beer daaqay. Markaasaa suldaankii loo soo sheegay oo la yidh: "Sacaagii baa beer daaqay." Markaasaa suldaankii yidhi: "Hadda usha haddii la jiifshona banaan."

 

or