MASHRUUC AH ROBOD

( Robot Project)


Sida aad shaxankan ku aragto waa Robod wada markab yar oo u kala gooshaya laba dakadood. Markabkan socdaalkiisa uu marba jiho u socdo wuxuu ku jirayaa mudo toban minid ah, oo tobankaas minidwaxay ku qaadanaysaa in Markabkaasi sedex jeer u kala goosho labadaas dakadood taas oo uu istaagayo markay tobankaas minid u dhamaato, wuxuuna dhaqaaqiisa bilaabaa oo kaliya haddii aad kurido meesha loogu talagalay lacag dhan laba karonka Danishka ah.


J.tus:1.1

Waxa kale oo labada Dakadood ku kala yaala laba Bandiiradood, Bandiirad kastana waxaa ku yaala laba nal oo mid ku yaalo dhismaha dheer ee bandiirada dusheeda, midna dakadda uu ku soo xidhanayo nalalkaas oo biliglaynaya oo sheegaya in markabku ku soo socdo. Dakadda markabku ku socoto Bandiiradeedu way biliglaynaysaa halka dakadda ay ka timid Bandiiradeedu aanay biliglaynaynin, hadhaw marka uu markabku soo gaadho dakadda wuxuu u noqonayaa si otumaatig ah marka uu ka noqdana waxaa damaysa Bandiiradii dakadda uu ka noqday halka ay ka shidmayaan dakaddii hore ee ay nalalka Bandiiradeedu dansanaayeen ee uu hadda Markabku ku sii socdo.

Robodkan waa tijaabo ku saabsan Adeegsiga Tamarta Danabka waana raad ka mid ah raadadka horumarinta tignolojiyada, sida lawada og soonyahayna qalabka maanta la adeegsado badankoodu waxay ku shaqeeyaan tamar danab.

Waxaan rabaa in aan sharaxaad ka bixiyo Hab-dhismeedka Qalabkan iyo sidii ay iigu dhalatay in aan dhiso( rakibo) oo aan wakhti u siiyo, waxaan filayaa waxaa haboon in aan soo hormariyo sidii ay iigu dhalatay oo aan ku xigsiiyo Hab-dhismeedka iyo qalabka uu ka koobanyahay.

Marka hore in aad adeegsato tamarta danabku waa wax u baahan aqoonteeda iyo xirfadeeda shaqo sidaa darteed mudo dheer aniga oo ku soo dhex jiray ka faa'iidaysiga tamarta danabka ayaanan hadana oran karin waan dhameeyay oo aqoon iigu laabani ma jirto, waayo sida ayna baahida bini'aadmigu u dhamaan ayaa aqoon in wax loo yeeshaana aanay u dhamaan oo marwalba fekrad cusub oo lagu daboolayo baahi markaa jirta ayaa la keenaa.

Hadaba haddii aan u daadago xiligii ay igu dhalatay fikradani waxay ahayd (Nove-1998), xiligaas oo ay ii dhamanaysay koorso farsamo oo ku saabsanayd u adeegsiga tamarta danabka xaga Warshadaha iyo Robodka taas oo aan baranayay ku adeegsiga tamarta danabka wajiyaal tamareedkale oo dhawr ah tusaale ahaan:-

" Danabka oo lagu maamulo Riley (awooda birlabdanab).
" Danabka oo lagu maamulo Haydaroolik(awooda saliid).
" Danabka oo lagu maamulo Ponamatik(awooda hawo).
" Computerka oo lagu maamulo PLC (progaram logik cantrol).
" Warbixinta adeegsiga Micro prosesorka.

Hase ahaatee xiliga ay igu dhalatay iyo xiliga aan ku dhaqaaqy ama aan dhamaystiray mudo dheer ayaa u dhaxaysay oo gaadhaysa labo sano iyo badh, taas oo ay ugu wacnayd waa marka hore ma sahlanayn in aan qalabka ay ka koobantahay mar qudha wada helo oo waxay doontay raadin iyo kharash, waa mida kalee waxaan ku dadaalayay sidii aan u heli lahaa aqoon dheeraada oo ku saabsan PLC iyo Micro-prosesorka oo taasina waxay noqotay ka mashquulid aan ka mashquulay fakradaas in aan hore ugu talaabsado, marka'aan sidaa leeyahayna tijaabadani ku saabsan Markabkan yari lama xidhiidho PLC iyo Microprosesorka oo kamid ma'aha qalabka ay ka kooban tahay, laakiinse waa aqoonta maanta la'adeegsado ee ugu badan Warshadaha iyo Robodyada.

Hadaba fagradani ma ahayn mid ku timiday baahi jirta oo aan rabo in aan daboolo laakinse waxay ku timid aqoontaa aan ku dhex jiray ee aan baranayay ee ah,Tamarta danabka iyo sida loogu adeegsado wajiyo kala gadissan ee aan kor ku soo sheegay, taas ayaan rabay in aan adeegsado oo aan ku adeegsado fikrad iga timid si aan ugu kalsoonaado fahanka aan ka qaatay aqoontaas, oo aan u adeegsan karo sidii aan doono si hadhaw haddii ay baahiyi timaad aanay xal u helideedu iigu adkaanin, Robodkana samayntiisa habkan aan adeegsaday waa danabka oo lagu maamulo Riley(birlab-danab).

Hadaba haddii aan u galo qaab dhismeedka qalabka, sida inooga muuqata shaxanka kor ku muujisan, waa sanduuq wajigahore uu quraarad( dhalo) yahay taas oo laga dhex arkayo Markabka yar ee kolba dakad gaadhaya iyo labada dakadood oo u muuqda laba magaalo, kuwaas oo ay ku yaaliin Bandiirado biliglaynaya, tusaale ahaan sidii wax Markabku soo eeganayo iftiinka ka baxaya bandiiradaha oo kale.

Waxa kale oo ku yaala labada dakadoodba guryo si qaabka guud ay ugu muuqato labo magaalo iyo dakadohoogii, laakiin Markabku wuxuu ku socdaa jidyar oo sida kan tareenka ah oo aynu sharixi doono ee ha u malayn in uu dhex mushaaxayo biyo, sanduuqa cabirkiisa iyo inta uu leegyahay waxaanku muujinaynaa shaxankan hoos ku muujisan.

Qalabka aan u isticmaalay dhismaha sare waa loox, waayo looxu waa qalabka ugu fudud in shay tijaabo ah marka hoore loo qaabeeyo, kadib haddaad rabto bir ama caag ka samee, sidaa darteed ayaan uga sameeyay loox, haddii aynu eegno shaxankan hoos ku muujisan waa marka qalabka laga eego labada dhinac, sida xaga hore iyo dhinaca bidixda ama midigta cabiraadaha aan adeegsaday ee tilmaamaya inta sanduuqu leegyahayna shaxanka ayaaban ku muujiyay.

J.tus:-1.2




Inaga oo wali ku guda jirna qaab dhismeedka guud ee sanduuqa, sanduuqu wuxuu ka kooban yahay laba qol oo kala sareeya, qolka hoos ku yaala waxaa ku rakiban Robodka wada markabka yar ee ku shaqaynaya tamarta danabka, qolka sarena waxaa ku yaal labda dakadood iyo Markabka yar iyo wajiga hore ee muraayada ah oo laga fiirsanayo markabka yar ee u kala gooshaya labada dakadood, dhinaca bidixda ee sanduuqa waxaa ku yaala qasnada lacagtu ku dhacayso isla markaana ah meesh laga maamulo robodka.

Haddii aynu shaxan ku muujino dhismaha bilawgiisii iyo sida ay u kala qoqobanyihiin labda qol ee kala sareeyaa waa sidan hoos ku muujisan, sida aynu wada ogsoonahay shaxanku wuxuu qayb wayn ka qaataa fahanka uu qofku ka qaadanayo figrada lagu soo bandhigay qoraal ahaan, waxa laga hadlayaana haddiiba uu farsamo ku lug leeyahay waa shay muhiima in shaxan iyo jaantusba lagu muujiyo, sidaa darteed ayaan u arkaa in ay muhiim tahay shaxanada aan soo qaatay si aan sharaxayga ugu muujiyo oo qofka akhristaha ahi uu sida ugu fiican ee aan usoo gudbiyay uu ugu fahmo ee uuna u arag si ka duwan.


J.tus:-1.3

Sida shaxankan inooga muuqata waxaan magacawnay sadex shay sedexdaas oo kala ah Sabarad(threaded rod), Udub(table drive) iyo Dhaqaajiye(motor) , hadaba waxaynu sharaxaad yar ka bixinaynaa sadex daa shay ee aynu magacawnay, haddii aynu soo qaadano mida hore ee ah "Sabarad" waa bir dhererkeedu dhanyahay 45cm dhumucdeeduna(jeexgudub) 4mm, taas oo ah sida Iskuruuga maraaro leh waxaana wareejinaya Dhaqaajiyaha, wareegaa ay wareegaysana waxaa ku dhex socda Udubka.

Haddii aynu soo qaadano Udub(tiir), udubku waa kan haya Markabka yar oo Markabka ayaan kor ka saari doonaa si uu Udubku ula socdo marka uu ku dhex socdo sabarada uu dhaqaajiyuhu wareejinayo oo marka dhaqaajiyuhu u wareego saacad wareeg(clock-wise) Markabku wuxuu u soconayaa midig haddiise uu dhaqaajiyuhu uu u wareego lid saacad wareeg(anti clock-wise) Markabku wuxuu u soconayaa dhinaca bidixda, waana habka Robodku u shaqeeyo dhab ahaan, waa suurtagal in hababku ay sii kala horumarsanyihiin maxaayeelay Robodyada casriga ah maanta waxaa loo adeegsadaa Software,laakiin qaab socodkoodu waxba ma kala duwana.

Waxaa kale oo inoo hadhay in aynu faalo yar ka bixino Dhaqaajiyaha, sida aynu ogsoonahay waa aalad ku shaqaysa tamar, taasoo ilaha tamaruhu haba kala duwanaadeene tamarta u gadisa tamar xurbin(wareeg), sidaa darteed ayaa Dhaqaajiyahani wuxuu ku shaqeeyaa tamar danab oo dhan 12V DC ah, wuxuuna xurbiyaa Sabarada oo sabarada iyo Dhaqaajiyaha waxaa u dhexeeya geerar ilko leh, kuwaas oo taageeraya awooda dhaqaajiyaha iyo wareegiisaba.

Waxaan shaxan ku muujinaynaa Udubka oo Markabka yari kor ka saaranyahay oo sanduuqa labadiisii qaybood ee kala sareeyay ee aynu kor kusoo sheegnay ay ka muuqdaan, si aynu aad ugu fahano qaab dhismeedka gudaha sanduuqa iyo sida uu u kala qaybsanyahay ee hawshu ay hadhaw isugu duba dhici doonto.

Waxaa kale oo shaxankan inooga muuqda laba tiro oo kala ah( 1 iyo 2), tirada 1 waxay tilmaamaysaa laba daawe(to electronic board) oo kala sareeya, kan hoose waxaa ku rakiban Dooriyeyaal (transfomers) danabka talan taaliga ah u badala danabka toosan iyo Rileyo, Rilayda oo aynu si gaar ah uga faaloon doono, tirada 2 waxay tilmaamaysaa Dooriye kalidii gooni u taagan kaas oo danabka siin doona nalaka kor kasoo laalaadsami doona ee ifinaya Markabka, dakadaha, Amin-xadeeyaha(timer) iyo qaybta codka samaynaysa tamar danabka uu bixinayaana waa 12VDC ah..


J.tus:-1.4

Waxaan filayaa in sharaxaadii guud ay intaasi ku filantahay, hadana waxaan u guda gali doonaa sida ay u dhisan yihiin Mareegaha danabka( electrical serkeut) iyo sida ay u shaqayn doonaan, runtiina waa wax xiiso leh in aad adeegsato tamarta danabka adiga oo cabiraya fekradaada iyo sida uu qalabku u shaqayn doono. Waxaan wada ognahay in qarnigan aan ku jirno iyo horumarkiisaba ay qaybway ka qaadatay adeegsiga tamarta danabku iyada oo loo adeegsanayo wajiyaal badan oo aynaan soo koobi karynin, kuwaas oo daboolay baahiyo badan oo bulshada caalamka haysan jirtay.

MAREEGTA DANABKA
EE
ROBODKAN


Run ahaantii sida aynu wada ogsoonahay danabka ama biriqda marka aynu taariikh ahaan uga hadlayno sida haatamba xiliyada ay daruuruhu isqabsadaan ee roob da'ayo ama sooba bilaabanayaba aan u aragno in uu danab soo dhicikaro aanan ognahay in uu waxyeelo gaysankaro ayuunbaa waayihii horena loo arkayay, laakiin lama yaqaan taariikhdii ay bilaabatay in laga faa'iidaysto oo la ogaado tamartaas danabka, sidaa darteed ka faa'ïidaysiga tamarta danabku waxay soo martay marxalado badan, runtiina shay wuxuu qiimo yeeshaa marka laga faa'iidaysto awooda ku jirta.

Tusaale:-
Baasiinku wuxuu qiimo yeeshay markii la ogaaday in uu u fudud yahay gubashada islamarkaana hab makaanikal markii loo adeegsaday uu noqday mid Motor dhaqaajinkara laakiin intii aan la'ogaan kafaa'iidaysiga tamartaa ku jirta Baasiinka waxba looma arkayn lamana aqoon, sidaa darteed ayaa danabku qiimo yeeshay oo kaliya markii la ogaaday awoodan uu leeyahay ee uu wax ku waxyeeleeyaa sida ay ku timid loona samayn lahaa isla markaana loo xakumi lahaa.

Waxaa horu marinta tamarta danabka isaga danbeeyay Saynisyahano badan oo midba faa'iido horleh oo lagaga faa'iidaysto tamart danabka uu daah furayay, taasina waxay keentay in bulshada caalamaka ku dhaqan ay saamayso oo ay ka wada faa'iidaystaan tamartaas, in kasta oo kafaa'iidaysiga laga faa'iidaysanayo tamartaasi lakala badsado oo ay ku xidhantahay bulsho walba aqoonta ay u leedahay iyo ilaha soo saarka tamarta danabkoodu awooda ay leeyihiin.

Waxaa kale oo aan intaa ku dari lahaa tamarta danabku waxay qayb laxaadle ka qaadataa horumarka bulsho iyo dhaqaale waana wax loo baahanyahay in awood ay saaraan wadamada soo korayaa, ee aan iyogu nasiib u yeelan in ay samaystaan ilo danab oo ku filan bulshadooda ama wadamadooda, halka ay inbadan oo wadamadaa soo koraya ka mid ahi ay awoodooda saaraan Hub ay ku dagaalamaan iyo saanado ciidan oo ay bakhaaro ku kaydsadaan arintan oo ka fog jihaynta horumarineed ee bulsho.

Hadaba haddii aynu u guda galo Robodkan ku shaqaynaya danabka ee wada Markabkan yar ayaa wuxuu ka kooban yahay:-

" Dooriye(transfomer).
" Labaqotinle(diod).
" Labaqotinle-ifa(L.E.D).
" Madhxiye(capacitor).
" Xadeeye volt(Voltage regulator).
" Riley(relay).
" Amin(timer).
" Nal(lamp).
" Dhaqaajiye(motor).
" Fure-danab(switch) iyo Micro-switchs.
" Cod Turubo
" Cod Markab.
" Caabbiga ku xidhan iftiinka(Light Dependent Resistor)
" Badbaadiye mareeg(feus).

Waxaynu jaantus ku muujinaynaa si aynu muuqaal ahaan ugu fahano qalabka aynu kor kusoo taxnay iyo qaabka ay isku raacsanyihiin mareeg ahaan, sidaa daarteed aynu marka hore soo qaadano Dooriye.

DOORIYE
( Transformer )


Dooriyuhu hawsha uu inoo qabtaa waa Tamarta danab oo uu inoo yareeyo isla markaana qulqulka maayadu ay korodho ama Tamarta danab oo uu inoo badiyo isla markaana qulqulka maayadu ay yaraato, sidaa darteed Dooriyahan jaantuska inooga muuqda waaxaa soo gala danab dhan 220V oo AC ah waxaana ka baxa 9V oo DC ah.

Sida jaantuska inooga muuqata dooriyuhu wuxuu ka kooban yahay duub hore(xaasaw duuban) iyo duub danbe, labada duub waxaa u dhexeeya bir xadiid la habeeyay si duubka hore uu ugu saaqo duubka danbe, dooriyuhu sidiisaba waxaa soogala danab talan taali ah AC waxaana ka baxa isla danab talan-taali uun ah, sidaa darteed ayaa waxaa loo baahday qalab kale oo kusii xidhiidhsan dooriyaha oo danabkii talan-taaliga ahaa inooga dhiga danab toosan DC.

J.tus:1.5

 

Haddaba qalabkaas dooriyaha ku sii xidhiidhsan ee danabka talan taaliga inoogu badalaya danab toosani waa Labaqotinle, Madhxiye iyo Xadeeye volt, xadeeye volt oo isagu wixii dheerada ee lasocda tamarta danab ee soo gudubtay labaqotinlaha iyo madhxiyaha inaga celiya oo soodaya kaliya tamar danabka korkiisa ku qoran ee aynu dooranay maxaa yeelay wuxuu leeyahay noocyo badan.

Aynu jaantus ku muujino qaabka uu qalabkani u suurto galiyay in danabka taalan taaliga(AC)ah uu u gadiyo danab toosan(DC) iyo heerarka uu maro marka lagu eego aalada looyaqaan Oscilloscope.



Labaqotinlaha iyo Madhixiyuhu waxay leeyihiin sumad iyo muuqaal ay u muuqdaan oo lagu yaqaan marka ay meel yaalaan in kasta oo madhxiyuhu uu leeyahay muqaalo kala duwan isla markaana uu u qaybsamo madhxiyuhu dhamaantiis laba nooc oo mid labadiisa qotin aad u eegayso tabane( - ) iyo togane( + )lana yidhaa (electrolytic capasitor) midnkan kalena labadiisa qotin umakala eegaysid tabane iyo togane. Hadda waxaynu adeegsanay madh- xiyaha labadiisa qotin aad u eegayso tabane iyo togane( Polarised electrolytis capacitor) sidaa darteed bal aynu jaantus ku muujino.

Waxaynu soo magacawnay oo kale xadeeye volt(voltage regulator) isaga hawshiisu waa in uu inasiiyo sida magaciisaba inooga muuqata tamar kayd(volt) oo aan ka badnayn ama aan ka yarayn inta aynu rabno.

Tusaale:-
Waxaa ka soo gudbay laba qotinlaha (diod) iyo madhxiyahaba tamar kayd dhan 15V waxaanan u baahanahay 9volt, markaa waxaan dooranaynaa xadeeye danab ah ( uA7809 ) xadeeyaha waxaa kasoo gudbi kara oo kaliya 9volt, wuxuuna lumiyay 6V ee tamar kaydkii dheeraadka ahaaya, muuqaalkiisa bal aynu jaantu ku muujino.

Sida jaantuskan inooga muuqata waa laba xadeeye danab (Voltage regulators) oo mid waxaa ka soo gudbi kara tamar kayd dhan 9V midka kalena 12V oo habka aynu u akhriyayno ayaa ah tusaale ahaan 78xx waa sumad ka dhaxaysa xadeeyeyaasha, sidaa darteed waxaynu akhriyaynaa tirooyinka ku qoran labada boos ee banaan ee aan ku muujinay xx, tiradaas ayaa ah midan aan ku xisaabtamayno ee qiimaha tamar kaydka ka gudbaya.

DOORIYE YAASHA AYNU U ADEEGSANAY
ROBODKAN
( Step down transformers )

Haddii aynu dib u fiirino jaantuuskii(J.tus:-1.4) waxaan ku muujinay laba daawe(board) oo mid sareeyo midna hooseeyo, hadaba kan hooseeya aynu soo qaadano jaantuskiisa oo ka kooban laba Dooriye, labada dooriye mid waxaan ka helaa 9V DC oo dooriye (a) ah, midka kalena 12VDC oo waa dooriye (b) sida jaantuskan hoose ku muujisan, waxaa kale oo ku yaala Rileyda hagta dhaqaajiyaha oo dhaqaajiyaha u suurto galisa in uu marba jiho u socdo taas oo habkaasi iyo sida rileydu u suurto galisay aynu ku muujin doono Mareegta oo muhiim ah in aynu fahano.


J.tus:-1.6

Qalabkan ku muujisan Jaantuskan (J.tus:-1.6) sida aynu horeba uga soo hadalay waa qalab muhiim ah habdhiskiisu ama waxaynu oran karnaa waa halbawlaha Robodka yar, maxaa yeelay labadan dooriye kiiba waxaa soogala 220V oo AC ah, wuxuuna inoo suurto galiyaa in aan ka qaadano 9V oo DC ah iyo 12V oo DC ah, waxaa kale oo ku rakiban Rileyda oo aynu jaantus ku muujindoono.

RILEYADA

(relays)


Haddii aynu faalo ka bixino Rileyda, waa xaasaw duuban oo ku dul duuban bir xadiida(coil with core), sida aynu ku aragno jaantuskan hoos ku muujisan, waayirkaas duuban haddii labadiisa cidhif tamar danab(Volteg) lasiiyo waxay abuurtaa birlab(magnet) ay ku soo jiidanayso birta u dhaw, birtaas oo u shaqaynaysa habka fure-danab sida ka muuqata jaantuska( eeg birta ay ku qorantahay 2 ) oo haddii aynu xidhno furaha kowaad sida jaantuska ka muuqata Rileyda "C " waxay soo jiidanaysaa qotinka labaad oo maarka hore ku xidhiidhsanaa qotinka sadexaad haatana ku soo xidhmaya qotinka afraad, waxaana shidmaya nalka "B" waxaana damaya nalka "A" oo hadda shidan.


J.tus:-1.7

Waxaa kale oo mareegtan Rileyda inoo sharaxaysa ee kor ku muujisan ka faa'iidaysanaynaa in aynu Rileyda ku xakumikarno laba mareegood oo kala tamar kayd isdheeri(potential difference) ah, tusaale ahaan mareegaha uu ka koobanyahay Robodkan wada Markabkan yari waa kala tamar kayd isdheeri sidaynu ugasoo hadalay Dooriye yaasha aynu adeegsanay oo aynu ka qaadano tamar kayd isdheeri dhan 12V iyo 9V, in ay isla shaqeeyaana waxaa inoo suurto galiyay Rileyda.

Waxaa iyadna muhiim ah in aan jaantus ku muujino habka ay mareegta danabka ee Rileyda, dhaqaajiyaha iyo nalalka labaqotinlaha-ifa(L.E.D) ee bandiirada ku yaalaa isugu xidhan yihiin.
Rileyda waxaynu u bixinay K1 sidaa darteed fureyaasha mareegta ku jira ee ay ku qorantahay K1 waxaa xakuma rileyda oo haddii furuhu uu furanyahay oo aanay rileydu danab lahayn, marka ay rileydu danab hesho waxaa hubaal ah in furahaasi xidhmi doono, oo tusaale ahaan jaantuskan hoose inaga oo sharaxayna haddi aynu riixno furaha ah S1 waxaynu danab siinay rileyda sidaa darteed waxaa is xidhaya furaha ay rileydu maamusho ee K1, haddaba haddii aynu siidayno furihii S1 oo uu furmo wali rileydii way danabaysantahay maxaa yeelay wuxuu danabku u sii marayaa fureheeda xidhmay ee K1 oo marka lariixo furaha kale ee S2 ayaa rileyda la danabtiri karaa ama la damin karaa.


M.1.1


Sida aynu mareegtan ku aragno haddii aynu sharaxaad ka bixino xarfahan ku muujisan.
Waxay u taagan yihiin:
F = furuhu wuu furanyahay
X = furuhu wuu xidhanyahay
S1 = waa fure sidiisaba furan laakiin hadii lariixo uun xidhma, haddii lasii daayana sidiisii ku noqda oo furma.
S2 = waa fure sidiisaba xidhan laakiin hadii lariixo uun furma, haddii lasii daayana xidhma.
K1 = waa fure yaasha ay Rilaydu xakunto, waana qaar furan iyo qaar xidhan sidaa darteed Rilaydu markay danab
hesho, fureyaashaas waxaa ku dhaca in kuwii xidhnaa ay furmaan kuwii furnaana ay xidhmaan.

Hadaba waxaa jira qariidad loo sameeyay si horay loogu ogaado fureyaasha xidhan iyo kuwa furanba marka ay Rilaydu aanay danab helin, waana kan ku muujisan mareegta (M.1.1) ee lagu muujiyay tirada, waxaa kale oo mareegta ku muujisan Dhaqaajiyaha oo aan ku muujinay calaamada -M- , waxaa kale oo aan mareegta ka fahmaynaa in ay mareegtu kala qay-bsantahay oo qaybta dhaqaajiyaha raacsan ay ku shaqayso 12VDC, mareegta qaybteeda kale ee diodaha ifaana ay ku shaqayso 9VDC ah, laakiin hal Rilay ayaa hawsha labadan mareegoodba isu wadda. Qalabka danabka u kala qaybiyana waataan horay ugaga soo hadalay jaantuskii(J.tus.1.6).

DHAQAAJIYE
(Motor)


Waxaa kale oo iyadna in aan shaxan ku muujino loobaahanyahay Dhaqaajiyaha iyo qaabdhismeedkiisa, Dhaqaajiyuhu markiisii hore wuxuu ka shaqaysiinjiray Vido,kadib markii Vidyoogii xumaaday ayaan uga faa'iidaystay in aan u adeegsado Robodkan Dhaqaajinaya Markabkan yar.


J.tus.1.8


Waxaan horey uga soo faaloonay qaabka uu Markabka yari uu u dhaqaaqo oo waxaynu sheegnay in uu Markabku saaranyahay Udub ku dul socda sabarad uu Matoorku wareejinayo, sidaa darteed ayaan waxaa haboon in aan jaantus ku muujino qaabka ay isugu xidhan yihiin Matoorka, sabarada wareegaysa iyo udubku si aynu u fahano qaab dhismeedka suurto galiyay in dhaqaajiyuhu ka shaqaysiiyo Markabka yar.


J.tus:-1.9

Waxaa kale oo aan shaxanka(shaxan 1.9) ka fahmaynaa in fureyaashii aynu u bixinay S1 iyo S2 ay ku jiraan oo ay ku dhex rakiban yihiin, sidaa darteed ayaynu sharaxaad ka bixinaynaa siday ku yimaadeen. Waxaa jaantuskan inooga muuqata Riixaha S1 iyo S2 oo ah qaybta hoose ee Udubka, qaybtaas oo ku dulsocota Sabarada taas oo leh laba gees oo haddii Udubku tago dhinaca midigta wuxuu riixayaa furaha S1 taas oo ay Rilaydu danab helayso isla markaana furayaashii K1 ay isla badalayaan, Dhaqaajiyaha wareegiisuna uu isla badalayo oo uu u wareegayo jihadii uu u wareegayay maahee jihada kale, taas oo uu Udubku u soo soconayo dhinaca bidixda ilaa uu gaadho furaha S2, wuxuu bilaabayaa Udubka gees kiisu in uu riixo furaha S2, kadibna waxaa danabku ka go'ayaa Rilayda, halkaasna fureyaasha K1 waxay isla badalayaan Rilayda, halkaas oo Udubka xambaarsan Markabka yari hadana midig ugu soconayo, ilaa mudo sadex minit ah ayay ku qaadanaysaa in uu Udubku u kala socdo labada fure ee S1 iyo S2 laakiin guud ahaan aminta socodku bilawdo ilaa inta uu ka istaagayaa waa mudo toban minid ah.

AMIN(Timer)

Waxaa iyadana inaan faalo ka bixino ah amminta(timer) oo ah qalabkan suurto galinaya in Markabkan yari shaqeeyo ammin go'an oo toban mint ah kadibna istaago, sidaa darteed aynu is waydiino sidee, oo aynu ka jawaabno su'aashan ah, maxaa inoo suurto galinaya in aan Ammin samayno?. Haddii aan ka jawaabo waxaa inoo suurto galinaya markaan haysano qalabkan :-

" Madhxiye
" Caabbi
" Ammin xadeeye


Aynu soo qaadano tan hore ee ah Madhxiyaha oo haddii labadiisa qotin lagu xidho danab togan iyo mid taban uu ku saaqmo danabku ilaa uu lamid noqdo ama uu u dhawaado tamar kaydka uu leeyahay isha danab ee ku xidhan Madhxiyaha, waxaanan ognahay haddii Madhxiyaha labadiisa qotin aynu ka furno isha danabka, Madhxiyihii wuxuu inoola mid yahay ishii danabka oo wuxuu inoo kaydiyay danabkii, islamarkaa haddii isaga oo danabaysan aynu labadiisa cidhif halmar taabsiino xaasaw(fiilo) waxaa ku dhaca danab tiran.Hadaba Madhxiyuhu in uu danabaysmo ama danab tirmo labada jeerba ammin ayay ku qaadataa sidaa darteed ayaa sida ay Madhxiyeyaashu u kala mug wayn yihiin ayaa ammin tooduna u kala dheeraataa.

Xeerka tamar kaydka Madhxiyaha:-

Tusaale:-
Madhxiye mugiisu dhanyahay 470uf ayaa labadiisa cidhif lagu xidhay tamar kayd, kadib danab hayaanka dhex maraya mareegtu waa 3mA oo joogto ah ammin dhan 400ms.Hadaba imisa ayay noqonaysaa tamar-kaydka ku saaqmay Madhxiyaha?.
Si aynu uga jawaabno su'aasha waxaa haboon in aynu marno habkan.

Xeerka tamar kaydka Madhxiyaha oo ah:-



Waxaanan haysanaa:
I = 3mA
T = 400ms
C = 470uf

Sidaas darteed tamar-kaydka madhxiyuhu waa:-



Tamar kaydka madhxiyuhu waxay noqotay 2.53V, Waxaa habboon in aynu Garaaf ku muujino, Madhxiyeyaashu siday u kala mug waynyihiin ayaa amminta ay ku qaadanayso saaqniinka danabkuna ay u kaladheeraanaysaa.

Saaqniinka Madhxiyaha:-
Waxaynu aragnay sida ay u kordhayso tamar-kaydka Madhxiyuhu marka aynu mareegta siino danab hayaan joogto ah, bal aynu sii gudagalo sida ay arintaasi ku dhacday oo aynu soo qaadano jaantus aynu ku muujinay mareeg ahaan.


Mareegtan aynu kor ku muujinay waxay ka kooban tahay Batari, Fure, Caabbi, Madhxiye iyo Gudbiye(conductor). Marka hore furuhu wuu furan yahay sidaa darteed Madhxiyuhu wax tamar-kayd ah maleh oo tamar-kaydka Madhxiyuhu waa 0V, isla markaana wax danab hayaan ihi kama dhacayo mareegta.

Hadaba marka aad xidho furaha isla markaaba waxaa bilaabanaya qulqulka maayada oo gaadhaya heerka ugu sareeya, kadibna waxaa bilaamaya tamar-kaydka madhxiyaha ku saaqmaya isla markaana waxaa bilaabmaya in uu hoos u soo dago qulqulkii maayada ee sareeyay, haddaba tamar kaydka oo marba marka ka danbaysa kordhaysa marka ugu horaysa ee furaha la xidho sidaynu horeyba ugu soo tilmaanay tamar-kaydku waxay ku dhantahay Caabbiga ( R) korkiisa, Madhxiyaha tamar-kaydkiisu markaa waa 0V sidii ay tahay mareeg binis(short circuit).

Xeerka qulqulka maayada ee mareegtan:-

Sidaan ognahay ammintu way socotaa islamarkaana tamar-kaydka Caabbiga ku sugani way sii yaraataa halka tamar-kaydka Madhxiyaha ku saaqmayaa sii kordhayo marba marka ka danbaysa.

UR = Tamar kaydka Caabbiga.
UB = Tamar kaydka Batariga.
UC = Tamar kaydka Madhxiyaha.
Markaa:-
UR = UB - UC .

Qulqulka maayada waxaa xukuma UR, wuxuuna bilaabaa in uu siiyaraado marba marka ka danbaysa, halka tamar-kaydka Madhxiyaha ku saaqmayaa ka sii kordhayo marba marka ka danbaysa. Markasta oo saaqniika Madhxiyuhu sii kordhaba marka ugu danbaysa wuxuu ku dhawaadaa ama la tamar kayd noqdaa isha danabka(Batariga), isla markaana danab-hayaanka Madhxiyuhu wuxuu ku dhawaadaa 0A.

Haddii aynu furaha mareegta furno hadda, Madhxiyuhu wuxuu haynayaa(kaydinayaa) tamar-kayd lamid ah ama uba dhaw middii isha danab(Batariga).

AMIN JOOGTO AH

Aminta joogtada ah waxaa loo qoraa (taw), halbeegeeduna waa seken.
Qiimaha Caabbiga ayaa xakuma laxaadka qulqulka maayada, sidaa darteed haddii qiimaha Caabbigu wayn yahay waxaa dheeraanaya aminta Madhxiyuhu ku saaqmayo, halka haddii Caabbigu yaryahay aminta ay ku qaadanaysaana ay yaraanayso.

Waxaana lagu helaa:-


Tusaale:
Mareeg ka kooban Caabbi(R = 1M), Madhxiye(C = 3.3uF) una xidhan isdabayaal, waa imisa aminta ay ku qaadanaysaa saaqniinka ay tamar-kayd isdheeridu ku saaqmayso madhxiyaha?.

Sida aynu jawaabta ku helay waxay ku qaadatay amin dhan sadex dhibic sadex seken (3.3 sec), Hadaba arintani miyayna xiiso lahayn!!!!.

AMINTA IYO MAREEG
FUDUD


Sida aynu jaantukan kore ku aragno waa mareeg fudud, marka hore madhxiyaha danab tir, adiga oo riixaya furaha, taas oo macnaheedu yahay in aynu aragno qaabka ay u socoto tamarkaydka ku saaqmaya Madhxiyaha iyo xoojiyaha(NE555N) oo marka ugu horaysa bixinaya tamarkayd xaddi hoose ama 0V, waa mar kasta oo lagu sameeyo danab tiran, Madhxiyuhuna wuxuu bilaabaa hadana in uu saaqmo oo amintu markay gaadho 0.7 t, tamar kayd isdheeridu waa 50%, sidaa darteed ayaynu jaantuskani ku aragnaa in xoojiyuhu markuu gaadho(0.7 t) tamar-kaydka uu bixinayaa sareeyo oo ay lamid noqoto ama u dhawaato Vcc.
Vcc = waa tamar kaydka isha danabka ( Batariga), ee mareegtu marka horeba danabka ka qaadato.

Hadaba kolba amminta aynu rabno waxaynu ka dooranaynaa qiimayaasha kala duwan ee ay leeyihiin R iyo C , waana habkan midka ay adeegsadaan farsamo yaqaanada qaybaha Elektaroonigu ama aynu u adeegsanayba aminta Robodkan wada Markabkan yar.

AMIN XADEEYE 555


Mareegta LM/NE 555 waa amin-xadeeye wuxuuna leeyahay sideed lugood ( 8 pin ) waxaanan ku muujin doonaa jaantus hawsha sida uu u qabto iyo lugwaliba shaqadeeda, haddaba Xoojiyahani 555 inaga oo adeegsanayna ayaynu mashruuc( Projact) dhisikarnaa ku salaysan aminta aynu rabno in aan adeegsano.Tusaale ahaan sida mashruucan ah, Robodkan wada Markabkan yar.

MUUQALKA AMIN XADEEYAHA 555


Muuqaalkan kore ee mareegta 555 wuxuu inaga caawinayaa in aynu ka garano qalabkan kale eelamuuqaalka ah laakiin majiro qalab kale oo wata tiradan 555.
mareegtan waxaynu soo aragnay muuqaalka guud, bal hadana aynu eegno(8 lugood) iyo adeegsigiisa, waana shaxankan hoos ku muujisan.

1. Gnd = Qotin taban.
2. Trigger = Kuxidhiidhi Qotinka 6 aad.
3. Output = Qotinka aminta aynu adeegsan doono.
4. Reset = Qotinka danab tiranka.
5. Control Voltage = Qotinkan ma'aynu adeegsan.
6. Threshold = Qotinka la xidhiidha saaqniinka iyo tiranka Madhxiyaha.
7. Discharge = Danab tiranka madhxiyaha
8. Vcc = Qotin togan



Waxaa kale oo haboon in ayanu muujino Mareegta aminta, mareegta ka hor waxaynu dooranayna Caabbiga iyo Madhxiyaha ku haboon aminta aynu rabno, waxaana haboon in aynu adeegsano xeerarkan:-
Habkii aynu ulasoo bixi lahayn lugta sadexaad( Pin 3 ) ee mareegta amminta 555, amminta ay ku qaadanayso inay danab bixiso(danab saaqnaato).

Habkii aynu ulasoo bixi lahayn lugta sadexaad( Pin 3 ) ee mareegta aminta 555, aminta ay ku qaadanayso inayna danab bixin(danab tirnaato).

Si aynu aad ugu fahano labadan aminood ee aynu kor ku soo sheegnay aynu ku muujino garaaf:-



Labadan aminood ee T1( Danab saaqnid ) waa 9V , T2( Danab tiran) waa 0V.
Haddii aynu sii qeexno aminta hore (Danab saaq) ee lugta sadexaad( pin 3 )ee garaafka aminta 555 waxay bixinaysaa danab dhan 9V, laakiin amminta labaad (Danab tiran) ee lugta sadexaad ( pin 3 ) ee garaafka aminta 555 wax danaba mabixinayso, haddii aynu si kale u nidhaa aminta hore ( Nalku wuu shidmaa ), laakiin aminta labaad (Nalku ma shidmo), waxaana inoo muujinaya garaafkan hoose:-
" N.daaran = Nal daaran
" N.dansan = Nal dansan


Habkii aynu kulasoo bixi lahayn lugta sadexaad( Pin 3 ) ee mareegta 555, aminta ay ku qaadanayso is ku jirka labada aminood ee aynu soo sheegnay ( T1.danab saaqnaan iyo T2.danab tiran). Waa sidan:-
T = Kal

garaaf ahaan haddii aynu ku muujinano Kal waa sidan:-

Waxaynu soo baranay xeerarkii aynu kula soo bixi lahayn aminta aynu doonayno in aynu adeegsano, waxaana inoo suurto galinaya.
" Amin xadeeye NE555.
" Caabbi.
" Madhxiye.

Hababka uu Amin-xadeeyuhu u shaqeeyaa waa laba nooc oo kala ah:-
" In qalab shaqaynayay uu joojiyo amin la xadeeyay(layaqaan) kadib.
" In qalab taagan ama dansan uu ka shaqaysiiyo amin la xadeeyay(layaqaan) kadib.

Haddaba habka aaynu adeegsany waa habkan hore ee ah in qalab shaqaynayay uu joojiyo ammin layaqaan kadib, maxaa yeelay amin-xadeeyahani wuxuu joojinayaa dhaqaajiyaha yar amin toban minid ah kadib. Mareegta bilawgeeduna waa sidan hoos ku muujisan.


Xeerka aynu amintan kula soo bixi lahayna waan soo aragnay oo waa:-
Waxaynu haysanaa Caabbi dhan( Rb = 1.2M ), iyo Madhxiye dhan( C1 = 702uF ).
Hadaba waa imisa aminta inoo soo baxaysaa si aynu u adeegsano ?.


Haddaba aminta inoosoo baxday waa 589.68 sek taas oo aad ugu dhaw mudo toban minit ah, sidaa darteed ayaan horey uga soo hadalay in mudo toban minit ah uu soconayo Markabkani yari. Waxaa iyadna in aynu ogaano u baahan Caabbiyada iyo Madhxiyeyaasha labaduba waxay leeyihiin qiimeyaal u dagsan oo marka aynu xeerka adeegsanayno si aynu amin ulasoo baxno in aynu ku xisaabtano ah, tusaale ahaan waxaynu soo adeegsanay Madhxiye qiimihiisu yahay 702uF, qiimahana kama helayno jadwalka u dagsan ama Madhxiye uu ku qoranyahay qiimahaasi, sidaa darteed ayaynu adeegsanaynaa laba qiime oo aynu heli karno sida: 680uF iyo 22uF, taas oo marka aynu labada Madhxiye mareegtooda si barbaro ah isugu xidhno ay qiimo-hoodu isku darsamayaan, qiimahaas oo ah 702uF.

Waxaa kale oo iyadna in aan iswaydiino oo aan ogaano ay muhiim tahay, bal sida ay u suurto gashay inaga oo tamar danabka aynu adeegsanaynaa tahay danab toosan ( DC ), hadana aynu u helay amin, maxaa yeelay amintu waa rogaalka rakaadka(Frepuency oo lagu tibaaxo Hz) oo halka rakaad waa hal wareeg (0 ilaa 360 digri) dhamays tiranka halkaa wareegna wuxuu qaadan karaa amin gaaban ama amin dheer, waxaa kale oo iyadna suurto gal ah in wareega rakaadku uu badanyahay laakiin ay ku qaadato amin gaaban, tusaale ahaan tamarta danab ee dhexmarta mareegta guryuhu waa 220V rakaadkuna waa 50Hz sidaa darteed haddii aynu amin ahaan u eegno waa amin aad u yar oo waa 20ms marka 50 wareeg ay jarmeen, maxaayeelay waxaynu nidhi amintu waa rogaalka rakaadka.

Sidaynu horeyba u soo baranay, waxaynu nidhi Madhxiyuhu marna wuu danab saaqmaa marna wuu danab tirmaa, inta falkaasi socdana waxayqaadataa amin waana midaas mida ay amintu inoogu suurto gashay, haddii aynu tirino Rakaadka( Frequency ) ee xeerka hoos ku qoran ina tusayo waa 4Hz oo macnihiisu yahay afar wareeg mudo layaqaan, sidaa darteed ayaa waxaa jira xeerar aan adeegsanayno oo haddii aynu haysano rakaad waan ogaan karnaa aminta ay ku qaadatay, haddii aynu haysano amina waan ogaan karnaa rakaadku inta wareeg ama Hz ee uu sameeyay waana sidan soo socota:-
F = Rakaad(Friquency).
T = Kal (Time).


Garaafkan hoose wuxuu inoo muujinayaa sida uu u muuqdo danabka soogalaya amin xadeeyaha iyo kan ka baxayaa, oo amin-xadeeyaha lugtiisa lixaad waxaa ku xidhan Madhxiyaha iyo Caabbiga oo danabka ay bixinayaan ay ka muuqato daacsanaan, laakiin marka aynu fiirinodanabka lugta sadexaad waxaynu arkaynaa in amin xadeeyuhu sii habeeyay oo aanay ka muuqan wax daacsanaanihi.


HABKA AYNU UGU ADEEGSANAY AMINTA
ROBODKAN

Amin-xadeeyahani sida uu hawshan u suurto galiyay waa isaga oo lugtiisa sadexaad( pin 3 ) markay danab heshay amin toban minid ah kadib ay siisay danab Rilayda (K2), taas oo furtay mareegta Rilayda (K1). Rilayda(K1) waa midii aynu ku soo baranay jaantuskii(J.tus:1.7) oo marka uu danabku istaago waxaa istaagaya Robodka iyo Nalalka oo dhan. Waana tan jaantuus ahaan iyadoon amin xadeeyaha aynu soo dhisnay dhex galinay mareegtii hore si ay isula shaqeeyaan hawshana u wada qabtaan.

Sidii aynu horeyba ugu soo baranay jaantuskii(M1.1), - F - waxay u taagan tahay fure-Rileyda oo furan, - X - waxay u taagantahay fure-Rileyda oo xidhan, S3 waa fure sida caadiga ah furan laakiin haddii lariixo xidhma, waana furaha aynu u adeegsanayno lacagta dhan 2Kr oo marka lagu rido sanduuqa yar ay riixdo sidaana uu ku xakumo amin xadeeyaha 555, waxaanan amar ku siinay ammi xadeeyaha in uu Markabka yari shaqeeyo mudo toban daqiiqo ah kadibna joojiyo.

Waxaa kale oo aan mareegta ku aragnaa, IC = waxay u taagantahay ( Integrat Circuit), waana mareeg isku dhafan oo ku jirta sanduuqa yar ee sideeda lugoodle kaas oo ah amin-xadeeyaha aynu soo baranay.

TURUMBO

(M66T MELODY GENERATOR)

Turunbadu waxay ka samaysantahay mareeg danab, taas oo lagu kaydiyay dhawaaq Turumbada, dhawaaqaas oo sida turumbada u ciyaya. Haddaba mareegtani waxay la shaqaysaa Markabkan oo Marka uu Markabku ka amba baxayo(dhaqaaqo) dakada ayaa waxaad maqli dhawaaqa turumbada, mudayar kadib way is damin oo hadana waxaa bilaami cod dheer oo ah kan digniinta Maraakiibtu marka ay baxayaan ama soo xidhanayaan lamid ah, taas oo ah mareeg kale oo aynu iyadna ka hadli doono. Mareegtase aynu hadda ka hadlaynaa waa mareegta dhawaaqa turumbada waxaanan ku muujin doonaa jaantuskan hoose:-

Sida jaantuskan inooga muuqata qalabkani wuxuu ka kooban yahay xubnaha kala ah, IC1 iyo IC2 oo ah (Integrated Circuits) sumadooduna waa sida ciwaanka aynu ku soo xusnay ee ah (M66T) waana xubinta uu codku ku duuban yahay(ku jiro) waxaa kale oo uu ka kooban yahay Caabbiyeyaal iyo xubin maqal (PIEZO). PIEZO waxan ka maqalaa dhawaaqa turubada sida sameecada, sida uu jaantuku inoo muujinayo waa laba xubin maqal(PIEZO) iyo laba fure oo la shaqeeya Markabka, kuna kala xidhan labada dakadood oo kolba dakada uu ka dhaqaaqayo ayaa fureheegu xidhmaa sidaana ay xubinta maqalku inoogu soo gudbisaa codka turumbada. In aynu adeegsano Caabiyada waxaa keenay qalabkan mareegtiisu waxay ku shaqaysaa 3V oo kaliya laakiin isha danabka ee aynu haysanaa waa 9V sidaa darteed ayaynu adeegsanay Xeerkan aynu kula soo baxayno 3V ee aynu u baahanahay si ay mareegteenu inoogu shaqayso saabaankeenana ayna waxyeelo ka timaada qulqulka maayadu u soo gaadhin.


CODKA DIGNIINTA MARKABKA

Codkan ah digniintu wuxuu yeedhaa oo kaliya marka uu Markabku ku soo xidhanayo dakada iyo marka uu ka baxayo, waxaanan muujinaynaa jaantuska mareegta codka digniinta samaysa.

Xubnaha ay mareegtu ka koobantahay:

R1 = 330K C1 = 4.7uF/16volt
R2 = 330K C2 = 2.2uF/16volt
R3 = 63K C3 = 100nF, ceramic
R4 = 33K C4 = 100uF/16volt
R5 = 33K C5 = 47nF, ceramic
R6 = 68K LS = 8 ohm, 0.25 - 2watt.
Re = Reed Relay (glass tube).
IC = NE556 (or use two 555's).
D1 = IN4001
D2 = IN4001
Xubinta maqalka (8 ohm).

Sida ay u suurto gashay in aan adeegsano isla markaan mareegtu ay shaqayso oo kaliya (sida aynu horey u soo tilmaanay) marka uu Markabku baxayo ama ku soo xidhanayo dakad waa iyada oo udubka haya Markabka ee socda ay ku yaalaan laba birlab oo cidhifyada udubka ku yaal, sida aynu wada ogsoonahayna udubku wuxuu u socdaa marna Midig marna Bidix, sidaa darted ayaa marka ay birlabtu la simantahay Reed Reley ay mareegtu xidhantaa ama hadii aynu sikale u nidhaa ay mareegtu danab heshaa sidaana uu codka digniinta ah ee Markabku uu u yimaad ama uu u shaqeeyaa, marka udubku dhaafo Reed Relay da codkii wuu damayaa. Markasta oo Markabku dhaqaaqo isla markaana labada birlabood la sinaadan Reed Relay da mareegtu way shaqaynaysaa oo xubinta maqalka ayaa inasoo gaadhsiinaysa codka.

GAARAA BILDHAAN

Haddii aynu qeexno Gaaraa bildhaan waa xubin marna ifta marna danta amin qiyaastii 5 seken ah, sidaa darteed in aan ku biiriyo xubintan Markabka waxaa keenay, kadib markii bandhig ahaan aan u geeyay xarunta soomaalida ee dagan magaalada Aarhus ee ku taal dalka Danmark, Dadka qaarkii ayaan arag ama ayba u maleeyeen alaab meesha iska taala maxaa yeelay markabka yari ma shaqaynayo ilaa meesha loogu talagalay lagaga rido lacag dhan 2kr, haddaba dadku marka ay soogalaan jimciyada U.Q.Soomaaliyeed, ayaa si ay u daawadaan oo ay u fahmaan in ay tahay qalab shaqaynaya oo loogu tala galay daawasho, ayaa uu gaaraa-bildhaanku u noqday mid soo jiita caruurta ama bulshada, ra'ayigan cusub markii aan ku biiriyay qalabkan qaabkiisii hore wax ayaa iska badalay oo waxaynu ku muujinaynaa shaxankan:


waxaa kale oo aynu jaantus ku muujinaynaa mareegta uu ka dhisanyahay gaaraabildhaan ku iyo xubnaha uu ka koobanyahay. Waxaa xubnaha uu ka koobanyahay ka mid ah Caabbiga ku xidhan iftiinka(LDR) oo isagu ku shaqaleh in uu qalabkan xakumo oo markii uu iftiin jirana uu ogolaada in uu Gaaraa-bildhaanku shaqeeyo, haddiise uuna iftiinjirin ama nalka jimciyada la damiyo isna uu damiyo qalbkan iyada oo aan loobaahan qof u yimaada oo damiya.


ROBODKA IYO U ADEEGSIGA
IL DHAQAALE

Haddaba Robodkan waxaad ka abuuri kartaa dhaqaale oo waxaad ku rakibi sanduuq bir ka samaysan oo u samaysan sida qasnada, kaas oo leh meel lacagta lagaga rido, shaqadana bilaaba oo kaliya marka lacagta loogu talagalay lagu rido, arintaasi in ay suuro gashana waxaa qaybwayn ka qaata fure-danab oo aynu horay u soo tilmaanay ( S3) kaas oo ku xidhan amin-xadeeyaha(Timer) tusaale ahaan:-
waxaad ku riday 2 kr , adoo ku ridaya meesha loogu tala galay, isla markaa Robodku wuxuu shaqaynayaa ilaa 10 min, waxayna isku daminaysaa si otumaatik ah, markasta oo in ladaawado ladoonayo waa in lagu ridaa 2kr. Sida inooga cad warbixintan waa hab aad ku abuuri karto il dhaqaale adiga oo ka faa'iidaysanaya adeegsiga tamarta danabka, haddaba aynu shaxan ku muujino qasnada furaha u ah in uu daarmo Robodka wada markabku waxaana ku dhex rakiban furihii mareegta S3. Shaxankuna waakan hoos ku muujisan.


AWOOD

Sidaynu horay ugu soo tilmaanay Robodku wuxuu u baahanyahay danab si uu hawl u qabto, sidaa darteed waa in aynu naqaan tamar danabka uu adeegsanayo si aynu u helo qiimaha ku baxaya iyo qiimaha uu soo saarayo haddiiba aynu u adeegsano il dhaqaale, sidaa darteed waxaynu adeegsanaynaa xeerka lagu helo Awoodda oo ah:

Haddii aynu qeexno awood, Awood waa dhaqsaha ay tamari wajigeedii uga gadismayso. Halbeega awoodda ee waat waa awoodda tamar geddiyaya hal juul sekenkiiba.

Tusaale:
Haddii maayad dhan 0,1A ay dhexmarayso Riley tamar kayd keedu tahay 12V, soo saar Awoodda ay Rileydu ku shaqaysay?

P = U . I = 12 . 0,1 = 1,2W

Haddii aynu ogaanay Awoodii rileydu ku shaqaysay oo ah 1,2W markaa tamar danab 1,2 Juul ah ayay rileydu adeegsatay oo ay u gadisay xoog birlab danabeed sekenkiiba.

Xeerka laguhelo tamarta danab waa: Awood . Amin

As = P.ts(J,W.s)

Waxaa kale oo aynu tamarta danab ku heli karnaa sidan:

Ah = P.ts(Wh)

h oo u taagan >>hour>>= oo lamid ah saacad.

Tusaale:
Haddii akumulatar ah Nikal-kadiam oo 1,25V aynu danabaynayno, maayad dhan 200mA, 15 saacadood . waa imisa tamar danabka(awood) ku kaydsantay?

Awooda danabawga:
P = U.I = 1,25 . 0,2 = 0,25W

Kaydka tamr danabka waat-saacadiiba.
Ah = P.th =0,25.15=3,75Wh

Juul.

Iibka tamar danabka:
Qiimaha lagu iibsanayo waxaa gooya Warshada Danabka ama Wakaalada danabka, taas oo ay ku qiimayso kolba lacagta wadankaa la adeegsado, tusaale ahaan haddii aan soo qaato wadanka Danmark waxay u qiimeeyaan, hal Kron kiilowaad-saacadiiba(kWh). Xeerka qiimaha lagu helaa wuxuu noqonayaa sidan:

" Kp = qiimaha iibka
" Pr = Qiimaha. kWh-kiiba

Bal aynu eegno tusaalahan:
Qiimaha-kiilowaat-saacadiiba, xeer ahaan waxay noqonaysaa Pr, waa 0,6kr,/kWh.
Haddii nal awoodiisa ifeed yahay 60W uu shidnaado mudo dhan 8 saacadood. Waa imisa qiimaha aad bixin?

Waxaynu soo baranay in Ah = P.th markaa Ah = 60 . 8 = 480Wh


Qiimaha-iibku waa:


Waxaynu jidadkan aynu isku tusaalaynayno Iibinta tamarta danabka u qaadanay, si ay inoogu fududaato habkii aynu ulasoobixi lahayn tamarta danab ee uu Robodku adeegsaday iyo qiimaha ku baxaya. Haddaba marka robodka danabka la siiyo waxaa shidma Gaaraa-bildhaanka iyo labaqotinlaha ifa oo isagu sheega in uu danabku xidhan yahay iyo inkale isla markana waxaa dhexmara maayad dhan 0,04A, tamar kaydkuna waa 220V.
Waxaynu soo baranay in awood lagu helo Maayada oo lagu dhuftay tamar kaydka sidaa darteed P= U.I = 0,04.220 = 8,8W

Waxaa kale oo jirta haddi robodka ladhaqaajiyo waxaa maraya maayad dhan 0.13A, tamar kaydkuna waa inteedii sidaan og nahay oo waa 220V markaa P=U.I = 0.13.220 = 28,6W

Haddaba haddii robodka danab aynu siino muddo 12 saacadood ah qiime inteedhan ayaynu bixinaynaa?

Waxaynu naqaan in Ah = P.th = 8,8.12 = 105,6Wh
Qiimaha halkii kiilo waat waa 1,5kr
Sidaa darteed:


waxaa kale oo in aynu iswaydiino ah waxaynu soo sheegnay in robodku ku shaqeeyo 2kr mudo 10 minit ah, marka uu dhaqaaqana uu adeegsado 28,6W, haddaba waxaynu ognahay halkii saac in ay lamidtahay 60 minid, taas macneheedu waa robodku wuxuu soo saaray 12kr saacadiiba, haddaba waa imisa qiimaha aynu bixinayna ee robodku adeegsaday saacadii?
Ah = P.th = 28,6.1 = 28,6W
Waxayu naqaanay qiimaha halkii kiilo waat oo ahaa 1,5kr
Sidaa darteed:

Mashruuc3 Mashruuc4