TUBTII BILAWGA ADEEGSIGA
TAMARTA DANABKA

Mashruucan ku saabsan tubta waayo aragnimada ee adeegsiga tamarta danabka in laga hadlaa waa qaabka ugu haboon ee aqoon loo gudbinkaro, markaa waxaa ila haboon in aan ka waramo xiligii aan bilaabay ama ay igu dhalatay in aan adeegsado tamarta danabka, markaa xiligan oo aan dugsiga dhexe ku jiray ayaan bilaabay in aan xiiseeyo ogaan shaha Danabka (Elektric) iyo waliba sida looga faa,iidaysan karo. Waxaan xasuustaa xiliyadii aan isku dayay in aan sameeyo qalab iigu adeegaya tamarta danabka, xiligaas oo taariikhdu ahayd 1978 waxbarashadayduna ahayd dugsiga dhexe, waqtigaas oo aan xiiso wayn u hayay in aan wax ka ogaado danabka iyo sida looga faa'iidaysan karo ayaa waxaan soo qaatay laba batari fure iyo matoorka yar ee rikoodhada ku jira waxaanan ka sameeyay balfiso ama marawaxad ku shaqaysa batari sida ku muujisan jaantuska soo socda.


Arintani waxaa arkay oo hindisahani igu dhiiri galiyay Jaamac Cali Bulaale Ale ha u naxariistee oo waqtigaas ahaa Sarkaal ciidamada booliiska xamar ah kaas oo igula taliyay in uu i gayn doono dugsi baraayfid ah oo laga barto danabka (elektric ) inta dugsiyada caadiga ahi fasaxa yihiin, lana oranjiray dugsiga Joorje, dugsigaas oo uu lahaa nin ay saaxiib ahaayeen Jaamac. Waxaan tagay dugsigii Joorje halkaas oo aan wax kabaranayay mudo sadex bilood ah, taas oo iinoqotay arin iga caawisay ka faa'iidaysiga danabka, xiisihii aan u qabayna wuu sii kordhay oo waxay ii horseeday in aanan ka daalin isla markaana aanan tijaabooyinkii uun aanan ku ekaane aan caawiyo qofkii gurigiisa cilad danab ay ka gasho isla markaana maraka qaar waxaa igasoo galijiry dhaqaale.

Aqoonta aan halkaas ka helay waxaa ka mid ahaa magacyada saabaaanka danabka, magacyada tuulalka, danabka iyo noocyadiisa, badbaadiyaha danabka, sidii aad mareeg guri u xidhi lahayd iyo sidii aad cilada danabka u soo saari lahayd iwm.

Sida aynu wada ogsoonahay aqoonta maado loo yeeshaa kuma dhamaato mudo go'an ama laguma wada baran karo mudo ga'an. Aqoon walibana waxay leedahay fure, furahaas oo sida aad ku heli lahayd ay tahay hadba dadaalka aad ku raadiso iyo niyada aad u hayso marwalbana ay imanayso baahi in ladaboolo u baahan iyada oo la adeegsanayo aqoontaas.

Waxaa jirta wax aad ogtahay ama aad aqoon u leedahay laakiin aqoonta aad walaxdaas u leedahay aanay dhamaystirnayn ama haddii aan si kale u idhaahdo aaqoonta aad u leedahay aanay gaadhin heerkii aad ku xalin lahayd hawlo dheeraada oo ay wadato inta aad ka taqaano mooyee. Tusaale ahaan bal aan u soo qaadano wixii aan kala kulmay arintaasi, waxaan wax ka aqaanay dooriyaha ( transfomar ), kaas oo aan u baahano ama adeegsano haddii danabka aan haysanaa ka tamar kayd(volt) badanyahay qalabka aan adeegsanayno, sidaa darteed dooriyuhu wuxuu inoo yareeyaa tamar kaydkii oo haddii tamar kaydka aan haysanaa ahaa 220V, kan uu u baahanyahay qalabka aan adeegsanaynaana uu yahay 6V, markaa waxan adeegsanaynaa dooriyaha si uu 220V uu ugu badalo 6V ee qalabku u baahan yahay sida jaantuskan hoose.

Haddaba maalin maalmaha ka mid ah taariikhdu markay ahayd 1981, ayaa Maxamad Aadan ( camash ) oo aanu saaxiib ahaayn isla markaana isku fasal ahayn Dugsiga Banaadir sare lana socday dadaalka iyo xiisaha wayn ee aan u hayo danabka iyo barashadiisa ayaa wuxuu ii sheegay in uu doonayo rikoodhadii hore ee la'oran jiray garamfoon oo batari ku shaqeeya, in aan danab(koranto) uga dhigo.

Sidaa darteed waxaan ogaaday in garamfoonku ku shaqeeyo lix batari kuwaas oo isku darkoodu uu dhanyahay 9V, markaa waxaan soo qaatay dooriye tamar kaydka(volt) soo galayaa yahay 220V kan ka baxayaana uu yahay 9V. Hawshii ayaan galay oo Waxaan xidhay mareegtii dooriyaha iyo garamfoonka laakiin nasiib daro mashaqayn garamfoonkii, markaa waxaan is waydiiyay siday wax u jiraan, waxaanse ogaaday in ay jirto aqoon ii dhimani sidaa darteed aan raadiyo sobotan uu u shaqayn waayay.

Haddaba marka arimo noocaas ahi ilasoo gudboonaadaan waxaa jiray rag aanu saaxiibo ahaayn aqoona u lahaa danabka oo aan u bandhigi jiray waxaana ka mid ahaa Maxamad Cilmi ( biyoole ), Maxamad wuxuu ii sheegay in dooriyuhu yahay oo kaliya mid inoo dooriya danabka talan taaliga ah (AC) isla markaana danabka talan taaliga ahi soogalo kana boxo sidaa darteed garaamfoonku wuxuu u baahnaa danab toosan (DC), waxaanan isla garanay in batarigu yahay danabka toosan(DC) oo ahaa kan marka horeba uu ku shaqaynayay.

AC = Alternating Current

DC = Direct Current

Haddaba waxaa is way diinle dooriyuhu wuxuu isiiyay 9V laakiin waa danabka talan taaliga ah, waxaanse u baahanahay si garaamfoonku iigu shaqeeyo 9V oo danabka toosan ah. Maxamad wuxuu ii sheegay in loo baahan yahay qalab layidhaa Labaqotinle ( diod ) kaas oo shaqadiisu tahay in uu danabka talan taaliga ah u ogolaada in uu kala soocmo si uu u noqdo danab toosan, bal aan qalabkan ku muujino jaantus.

Sida jaantuska inooga muuqata labaqotinle ( diod ) wuxuu leeyahay laba albaab ( irid ), albaab waxaa ka gali kara oo kaliya toganaha kan kalena tabanaha, markaa halkaa waxaynu ka fahmaynaa in uu laba dariiq kala mariyay toganihii iyo tabanihii isdhex socday markii danabku talan-taaliga ahaa, waxaa kale oo jirta in lagusii xidhiidhiyo madhxiye yaal si aynu u buuxino labada tuurood dhexdooda oo aan si xidhiidh ah uga dhigno danabka.

Xiligaasi waxaan ogaaday in aytahay arinwayn oo ku soo biirtay aqoonta aan u lahaa danabka, sidaa darteed waxaa ii fududaatay sidii aan u adeegsan lahaa danabka talan-taaliga ah (AC) oo aan ugu badali lahaa danabka toosan( DC ). Waxaanan bilaabay hindisooyin horle oo ka sii horumarsan kuwii aan horey u samayn jiray.

Markaa tijaabooyinka aan hindiso isla markaana aan isku dayo inaan sameeyo waqti iyo maalba waan u huri jiray, waxaana jirta sidaynu horeba usoo tilmaanay tijaabooyin badan oo aan sameeyay. Waxaynu soo qaadanaynaa tijaabada aan sameeyay 1981, tijaabadaas oo ahayd marawaxadii ama qaboojisadii aan sameeyay 1978 oo aan horumariyay, taas oo aan ku kordhiyay wax yaabo dhawr ah sida:- Nal ama Guluubka wax lagu akhristo isla markaana Nalka iyo marawaxadu waxay ku wada shaqaynayaan batari iyo danabka talantaaliga ah (AC) oo aan u badalay danabka toosan ( DC ) taas oo aan adeegsanayno hadba kaan markaa haysano sida aynu ku aragno jaantuska hoos ku muujisan, taas oo aan ugu talagalay batariga haddii danabka xaafadu go'o ama aan la tago meel aan danab lahayn.

Inaga oo kolba mid soo qaadanayna tijaabooyinkii aan sameeyay ayaa waxaan ogaanaynaa markasta oo aqoontu kobocdaba waxtarkeeda ayaa korodha oo Waa in aan ogsoonaanaa in aqoontu sideedaba tahay waayo aragnimo iyo tijaabooyin bini-aadmigu ku talaabsaday qoraalna ay ka sameeyeen si jiilba jiilka ka danbeeya ay ugu sii gudbiyaan.

Aqoontu ma'aha wax dhamaad leh, ee waxay ku xidhantahay baahida bini'aadmiga, sidaynu wada ogsoonahayna baahida bini'aadmigu dhamaad male, sidaa darteed waxaa jira waxyaabo badan oo aynaan hada aqoon u lahayn laakiin qof ayaa hibo Eebe u siiyaa in uu umada ka jaahil bixiyo sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in aad marka hore ku dadaasho in aad aqoon yeelato oo aad barato qoraaladii ay dhigeen dadkii ku guulaystay ogaanshaha aqoonta aad raadinayso, kadib ayaad cabiri kartaa sidii aad xal ugu heli lahayd baahida aad qabto amaba bulshadaadu, adoo adeegsanaya aqoontaa aad baratay iyo waayo aragnimada aad u leedahay.

Bal waxan soo qaadanaynaa tijaabo aan hindisay 1980 laakiin aanan samayn sobobtoo ah iima ahayn suurtogal in aan wada helo qalabka tijaabadu ay ka kooban tahay oo dhan, haddiise lasameeyo shaki kuma jiro in ay shaqaynayso.

waxtarka qalabkan:- waa Dawan ku shaqeeya waqti(amin) oo sida jaantuska inooga muuqata biyaha taangiga kasoo dhacaya ee ku shumaya weelka godan waxay abuuraan culays uu weelkaasi ku riixo qoriga kor u baxaya isla markaana riixaya kabaalka taabanaya furaha dawanka, waxaanan ka faa'iidaysanay tamar makaaniko iyo midda danabka waana jaantuskan hoos ku muujisan.


Waxaan jaantus ahaan ku muujin jiray walxaha ama shayada aan markaa doonayo in aan sameeyo, maxaa yeelay waa jidka fudud ee lagu ogaankaro in walaxdan la samaynayaa noqon doonto sidii loobaahnaa iyo in kale. Waxaanse ogaaday(sanadkan 2001) isla markaana aan tijaabo ku sameeyay in qofka raba in uu sameeyo qalab ku shaqeeya waqti sida saacada la buuxiyo iyada oo hawl qabanaysa, hawshaas oo noqon karta in ay ku toosiso, nal shido ama damiso, miino qarxiso, dhaqaajiye(motor) joojiso ama socodsiiso iwm. Taas oo lagasamaynayo mareeg yar oo elektaroonik ah, haddii aan barbar dhigno shaxankan kore oo taangiga iyo biyuhu ay u taaganyihiin madhxiyaha iyo elektaroonada, maxaa yeelay waxaa jirta in madhxiyuhu danab-saaqmo marna danabtirmo sida taangiguba marna biyaha looga buuxiyo marna biyuhu ay uga dhamaadaan. Waxaanan kaga hadli doonaa marka aynu ka hadlayno Robodka soo socda.

Jaantuskan soosocda waxaan u soo qaatay sida uu madhxiyuhu u danabaysmayo marna u danabtirmayo, kaas oo ku xidhan mareeg lagu muujiyay qaabka uu u shaqeeyo Amin xadeeyaha loo yaqaan 555 oo isna aynu ku barandoono qaybta aynu kaga hadli doono Robodka.

 

Sidaynu horeba usoo sheegnay tijaabooyinka aan sameeyay way badnaayeen, Waxan markana soo qaadanaynaa tijaabo aan sameeyay 1983 taas oo ahayd sanduuq quraarada (dhalo) kaluunka lagu rido oo aan habka fogaan araga ama ( Tv ) u rakibay, isla markaana laba nal ama laba guluub oo midabale labada gees ee dhalada kaga rakibay sida jaantuskan hoose ina tusayo.

Sidaynu horeba usoo tilmaanay qaabkan u samaysan sida fogaan aragu waa sanduuq quraarada oo biyo iyo kaluun ku jiraan qaabka ama qolofka sarena waa loox iyo safiito waxaanad ka daawanaysaa kaluunka dhex mushaaxaya (dabaalanaya) quraarada, adiga oo adeegsanaya labada midab ee ka kooban cadaan iyo buluug hadba midka aad rabto, laba fure ayayna kala leeyihiin labada midab furaha 1aad waa nalka cad furaha 2aad waa nalka buluuga.


In aan tijaabooyinka sii wado waxaa igu dhiiri-galin jiray dadbadan oo uu ka mid ahaa Axmad muuse Axmad(Good) Eebe naxariistii jano haka waraabiyee oo ahaa nin jaamici ah kana baxay jaamicada Gahayr qaybta xanaanada xoolaha, Axmad wuxuu igula talin jiray in aan qoraal ka reebo tijaabo kasta oo aan ku guulaysto in aan ka shaqaysiiyo. Axmad wuxuu igu amaani jiray sida layaabka leh ee aan jaantus ahaan iyo shaxan ahaanba ugu muujiyo walxda aan ku talajiro inaan tijaabiyo, waxaa kale oo kamid ahaa dadkii igu dhiiri galinjiray Maxamed Faarax oo hadda macalin ka ah jaamacad ku taala cariga Maraykanka.

Haddaba waxaan dabayaaqadii 1983 ku xerooday Xalane sadex bilood kadibna waxaan ka hawlgalay Gobolka Gado anaga oo ahayn laba Dugsi oo kala ahaa Dugsiga Banadir sare iyo Dugsiga Xisaabaadka iyo Cabiraada, taas oo aan ku jiray qaybtii lagu qoray dagmada Buulo-Xaawo, magaca hawlgalka ee aanu markaa sidanaana uu ahaa Gurmadka Mashaariicda Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed (G.M.H.Q.S). Tijaabooyinkii aan samaynayay waxaa galay hakad maadaama aan hayay hawl qaran.

Sanadkii 1985 waxaan aad isugu hawlay sidii aan u samaynlahaa qalabka la'iskula hadlo si Guriga(xaafada) iyo tukaan aan lahayn oo iskujiray fogaan qiyaastiidhamayd 50m ay ku wada xidhiidhi lahaayeen.
Inkasta oo aanan aqoon balaadhan u lahayn xaga elektrooniga hadana waxaan adeegsaday aqoontii aan u lahaa elektariga oo waxaan ku talajiray in aan rikoodh naga xumaaday kala boxo qaybta xoojiyaha codka ( amblifarer ) sidaana aan mareeg hadalka qaada aan u sameeyo, hadaba aniga oo samaynaya jaantuskii aan mareegta u xidhilahaa ayaa waxaa iiyimid oo arkay nin aanu saaxiib ahaayn oo layidhaahdo Faarax Cusmaan, Faarax wuxuu yaqaanay Maxamad -------- oo aqoon u lahaa elektarooniga isla markaana wuxuu Faarax tusay jaantuuskii aan sameeyay, taasina waxay keentay in aan isbarano Maxamad taas oo ii ahayd guulwayn maxaa yeelay Maxamad wuu iga caawiyay oo wuxuu isiiyay Ambilifarer ku haboon mareegtii aan xidhayay si warku ugu kala gudbo tukanka iyo guriga.


Waxaynu hadda eegaynaa sidii aan u sameeyay mareegtii Ambilifaayarka iyo qaabkii ama muuqaalkii aan u rakibay, waxanan ku muujinaynaa jaantuskan soo socda.

 

Haddii aynu sharaxaad ka sii bixino sadexdan jaantus ee kala ah A , B iyo C, waa sidan soo socota:-

A - waa muuqaalka sare ee aaladu u muuqato:-
Si aynu u adeegsano aaladan waxaynu shidaynaa furaha koowaad kaas oo tamartii danabka siinaya aalada, waxan ku xijinaynaa furaha labaad isaguna wuxuu yeedhiyay dawanka si qofka dhinaca kale joogaa uu u fahmo in looga yeedhayo aaladan si loola hadlo sida telefoonka, Furaha ay ku qorantahay sadex wuxuu leeyahay laba dhaban oo ay ku kala qorantahay H iyo M kuwaas oo u taagan marka furuhu taaganyahay H waad ku hadlaysaa aaladan si qofka xaga kale joogaa kuu maqlo, markase furuhu taaganyahay M waxaad maqlaysaa qofka kulasoo hadlaya.

B - waa mareegta danab ee aaladu u xidhantahay:-
Mareegtani waxay ku shaqaysaa danabka toosan (DC), sidaa darteed waxaan adeegsanay qalabka danabka talantaaliga ah ( AC ) u badala danabka toosan (DC) si mareegtu inoogu shaqaso, waxaynu nidhi danabka talantaaliga ahi waa 220V/50Hz waxanan u baahanahay danab dhan 9V oo DC ah si mareegtu inoogu shaqayso, bal hadaba qalabkan hawshan wada aynu mid-mid u tilmaano si aynu u fahano mareegtan iyo shaqadeeda.

* Dooriye (Transformer) waa qalab ku shaqeeya danabka talantaalig ah shaqadiisuna tahay in uu yareeyo ama kordhiyo tamar kaydka, markaa waxaynu soo qaadanaynaa nooca inoo yaraynaya ee 220V/50Hz u badalaya 9V/50Hz.

* Labaqotinle (diod) waa qalab inoo suurto galinaya in danabka talantaaliga ah (AC ) ee dooriyuhu inooga dhigay 9V/50Hz, aan u badalikarno danabka toosan (DC) oo ah 9V/0Hz , haddii aan si kale u nidhaa wuxuu lumiyaa ama tirtiraa hirbaacyada qayb sida aynu jaantuska kore ku soo aragnay.

C - Waa dawan danabeed ku shaqeeya danabka talantaaliga ah oo tamar kaydkeedu dhan tahay 220 V iyo laba fure oo ah nooca labada dhaban ah oo suurto galinaya in guriga iyo tukaanka kolba kii u baahda in uu codtabiyaha ku hadlo uu dawanka horta yeedhiyo sida telefoonkaba dawan kiisu ugu yeedho qofkii lala hadlilahaa. Kadib sanadkii 1987 ayaa waxaan bilaabay waxbarasho soconaysay 1½ (sanad iyo badh) taas oo ku saabsanayd danabka guud-ahaan(General electric)meeshaas oo ahayd dugsi farsamo oo uu caawinjiray Jarmalku lana oranjiray Xarunta Tababarka Farsamada Warshadaha, kadib markii uu iidhamaday waxaa i qaadatay Wakaaladii xooga korantada ee Muqdisho halkaas oo aan ka shaqaynayay ilaa 1990

Hordhac Mashuuc1 Mashruuc2 Mashruuc3 Mashruuc4