MASHRUUC

(PROJECT)


Waxaan halkan ku baran doonaa Mashruucyo ku saabsan adeegsiga tamarta danabka iyo in laga gungaadhikaro hawshii la rabo in laqabto iyada oo markaas ay kuu bilaaban tahay aqoonta aad markaa ku adeegsanaysaa, maadaama aynu soo baranay cutubyo ka hadlaya aqoon ku saabsan farsamada danabka waxaad hindisi kartaa waxyaabo badan.

Shaxankan kor ku muujisan wuxuu markhaati kayahay markii aan ku guda jiray samaynta Robodka aynu sharixi doonno. Taas oo ahayd bishii lixaad ee 2001, haddaba waxaa jira magaaladan aan ku noolahay ee Aarhus meelo garaajyo ah dagmaduna leedahay oo qalabka wax lagu sameeyo oo dhan ay yaalaan looguna talagalay dadka farsamayaqaanada ah ee doonaya in ay iskood wax u samaystaan xiliyadooda fasaxa ama firaaqada iyaga oo laga qaado lacag aan saas u badnayn, taas oo loogu danaynayo bulshada ku nool dagmadan, tanina waxay ahayd arimaha i caawiyay.

Halkani waxaynu kaga sheekaysan doonaa Mashruucyo ka hadlaya tubtii aan u soo maray in aan sameeyo tijaabooyinkan aan arki doono iyo tubtii aqoona tignolojiyada maantu soo martay, taas oo aan uga dan leeyahay in dhalinyarta Soomaaliyeed kuwooga xiiseeya farsamada iyo tignolojigu ay ka faa'iidaystaan si ay maskaxdoodu ugu firfircoonaato oo aqoon tan ka saraysa ay u tiigsadaan oo ay wax u soo saaraan si ay u anfacaan naftooda iyo dalkoodaba.

Waxaanan og nahay maanta haddii qof Soomaaliyihi aqoon uu soo saaray aduunka laga maqlo, in qofkasta oo Soomaaliya ay arintaasi sumcad u soo jiidayso oo aanay ku koobnaanayn uun qofkii markaa soo saaray, Waxaana taas markhaati inooga ah aqoonyahan kasta oo wax soo saaray waxaa ku xusan waddankii uu u dhashay.

 

MAQAAL

Maqaalkani Aayatiin oo ka hadlaya horumarka farsamo ee dalka Hindiya ayaa wuxuu soo qaatay Pro.Sadaqoopan oo u dhashay Hindiya oo ka hadlaya siday ku gaadheen horumarka ay ku faanayaan maanta wuxuuna sheegay, midhahan aan maanta guranayno waxaan bilawnay mudo laga joogo 50 sano wax ka badan horteed oo 1950 ayaa Raysal wasarihii xukumayay dawlada ee Jawaharlal Nehruugu, ahaana Raysal wasaarihii ugu horeeyay oo ay Hindiya yeelato markay isticmaarkii Ingiriiska ka hoosbaxday. wuxuu raysal wasaarahaasi aasaasay dugsiga Teknolojiga ee Hindiya(Indian Institute of Technology) loona soo gaabsho (IIT), kaas oo laga baranayay xirfada farsamo iyo aqoonta dabiiciga ah. Raysal wasaaruhu wuxuu ku amray in dugsigaas mid lamid ah dhamaan wadanka oo dhan lagafuro.

 

Pro. Sadaqoopan oo maamule ka ah ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi wuxuu qorshahaasi noo socday ilaa dhamaadkii 1970, waxaanan markaa soo gaadhnay heerka waxbarasho ee dunidu markaas maraysay. Sida dhabta ah ardaydii waagaas gashay dugsigaas waxay dhamaantood noqdeen kuwo si wanaagsan wax u bartay, noqotayna mid ay ku faanaan Hindiya maanta. Kacaankaasi wuxuu noqday mid aan shanqadh lahayn, dunida inteeda kalena aanay filayn. Hindiya waxay noqotay waddan ka horumaray wadamadii horay u sheegan jiray in ay iyagu ugu horeeyaan cilmiga tiknolojiga. 1981 ayaa arday ka soo baxay dugsigaas IIT, lana oranjiray Narayana Murthy uu furtay shirkad la magacbaxday INFOSY.Wuxuu shirkadaas ku bilaabay lacag dhan qiyaastii 330$. Wuxuu ahaa nin aad iyo aad ugu wanaagsan xaga kumbuyuutarka waxaanan oran karnaa Murthy waa Bill Gates ee Hindiya. Shirkadaasina maanta waa shirkadaha ugu waawayn Hindiya oo waxaa ka shaqeeya shaqaale dhan ilaa 36.000.

 

Haddaba waxaan maqaalkan u soo qaatay in aan aqoonyahanada Soomaa- liyeed u soo gudbiyo in ay farsamadu tahay wax bulsho ama umadi ay ku horumari karto, waxaanan sidaa u leeyahay in kasta oo wadankeenii uu xag siyaasadeed iyo xag maamulba burbursanyahay haddana waxaa ka jira waxbarashooyin ilaa heer Jaamacadeed ah oo laga furay, laakiin way ka maqantahay ama booskeedii lama buuxin kor u qaadida aqoonta farsamo ee bulshada, waxaanan filayaa in bulshada Soomaaliyeed ay wali ku jirto fikradii qaldanay ee ay ka aaminsanaayeen qofka farsamayaqaanka ah ee biraha tuma oo aanay uba haysan in farsamadu tahay xeelada maanta aduunku ku kalatagay. Waxayna aniga ila tahay in qofkasta oo Soomaaliya oo maqaalkan akhristaa uu ku fakaro sidii uu u difaacilahaa qofka farsama yaqaanka ah, taas oo aan uga jeedo waxaa jira aduunka warbixin la is gaadhsiiyo taas oo bulshada tusaysa waxaasi in uu yahay wax qaaliya qofka hawshaa hayaana uu yahay qof laqadariyo si ay bulshada ugu bataan dadka farsamayaqaaku. Waxaa fakradan ila qaba Walaalkeen:- Xirsi faarax Xayir.


Qore:C/raxmaan Yuusuf Colhaye

Aarhus, Danmark

E-mail address: dahir83@hotmail.com

Tel: 0045 86 755105

Mob:0045 28257549

 

 

 

 

Hordhac Mashruuc1 Mashruuc2 Mashruuc3 Mashruuc4