|
MAQAAL
Maqaalkani Aayatiin oo ka hadlaya horumarka farsamo
ee dalka Hindiya ayaa wuxuu soo qaatay Pro.Sadaqoopan
oo u dhashay Hindiya oo ka hadlaya siday ku gaadheen horumarka
ay ku faanayaan maanta wuxuuna sheegay, midhahan aan maanta
guranayno waxaan bilawnay mudo laga joogo 50 sano wax
ka badan horteed oo 1950 ayaa Raysal wasarihii xukumayay
dawlada ee Jawaharlal Nehruugu, ahaana Raysal wasaarihii
ugu horeeyay oo ay Hindiya yeelato markay isticmaarkii
Ingiriiska ka hoosbaxday. wuxuu raysal wasaarahaasi aasaasay
dugsiga Teknolojiga ee Hindiya(Indian Institute of Technology)
loona soo gaabsho (IIT), kaas oo laga baranayay xirfada
farsamo iyo aqoonta dabiiciga ah. Raysal wasaaruhu wuxuu
ku amray in dugsigaas mid lamid ah dhamaan wadanka oo
dhan lagafuro.
|
Pro. Sadaqoopan oo maamule ka ah ayaa isaga oo hadalkiisa
sii wata wuxuu yidhi wuxuu qorshahaasi noo socday ilaa
dhamaadkii 1970, waxaanan markaa soo gaadhnay heerka waxbarasho
ee dunidu markaas maraysay. Sida dhabta ah ardaydii waagaas
gashay dugsigaas waxay dhamaantood noqdeen kuwo si wanaagsan
wax u bartay, noqotayna mid ay ku faanaan Hindiya maanta.
Kacaankaasi wuxuu noqday mid aan shanqadh lahayn, dunida
inteeda kalena aanay filayn. Hindiya waxay noqotay waddan
ka horumaray wadamadii horay u sheegan jiray in ay iyagu
ugu horeeyaan cilmiga tiknolojiga. 1981 ayaa arday ka
soo baxay dugsigaas IIT, lana oranjiray Narayana Murthy
uu furtay shirkad la magacbaxday INFOSY.Wuxuu shirkadaas
ku bilaabay lacag dhan qiyaastii 330$. Wuxuu ahaa nin
aad iyo aad ugu wanaagsan xaga kumbuyuutarka waxaanan
oran karnaa Murthy waa Bill Gates ee Hindiya. Shirkadaasina
maanta waa shirkadaha ugu waawayn Hindiya oo waxaa ka
shaqeeya shaqaale dhan ilaa 36.000.
|
Haddaba waxaan maqaalkan u soo qaatay in aan aqoonyahanada
Soomaa- liyeed u soo gudbiyo in ay farsamadu tahay wax
bulsho ama umadi ay ku horumari karto, waxaanan sidaa
u leeyahay in kasta oo wadankeenii uu xag siyaasadeed
iyo xag maamulba burbursanyahay haddana waxaa ka jira
waxbarashooyin ilaa heer Jaamacadeed ah oo laga furay,
laakiin way ka maqantahay ama booskeedii lama buuxin kor
u qaadida aqoonta farsamo ee bulshada, waxaanan filayaa
in bulshada Soomaaliyeed ay wali ku jirto fikradii qaldanay
ee ay ka aaminsanaayeen qofka farsamayaqaanka ah ee biraha
tuma oo aanay uba haysan in farsamadu tahay xeelada maanta
aduunku ku kalatagay. Waxayna aniga ila tahay in qofkasta
oo Soomaaliya oo maqaalkan akhristaa uu ku fakaro sidii
uu u difaacilahaa qofka farsama yaqaanka ah, taas oo aan
uga jeedo waxaa jira aduunka warbixin la is gaadhsiiyo
taas oo bulshada tusaysa waxaasi in uu yahay wax qaaliya
qofka hawshaa hayaana uu yahay qof laqadariyo si ay bulshada
ugu bataan dadka farsamayaqaaku. Waxaa fakradan ila qaba
Walaalkeen:- Xirsi faarax Xayir.
|