Marka aynu ka hadlayno computer waxaynu xasuusnaanaynaa laba arimood
oo muhiim ah oo uu ka koobanyahay kuwaas oo kala ah saabaan(Hardware)
iyo barnaamuj(Software). Haddii aynu soo qaadano midan hore ee hardware
waa weedh ka turjumaysa dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay ama laga dhisay
computer-ka, marka la'isku soo wada koobana waxaa layidhaa computer configuration.
Sida uu inoo muujinayo jaantuskan kor ku muujisani waa qaabka ay u dhisantahay
Ubucda computer-ku Ama aan idhaahdo ay warka isugu gudbiyaan xubnaha uu
ka koobanyahay. Haddaba in xubnaha uu ka koobanyahay warka u kala helaan
hab dhakhso ah ama hab gaabinaysa waxaa xakuma ama ay ku xidhan tahay
amin(Clock) oo lagu cabiro halbeega secen ama roogaalkeeda herts(Hz).
Waxaa kale oo jirta xubin baaqyada kala dirta oo sida loo amray u kala
fulisa xubintaas oo ah CPU(Central processing unit) waxayna ka dhisantahay
mareeg isku dhafan(IC) ama aan idhaahdo malaayiin sadex qotinleyaal (transistor)
ah. Waxaa kale oo jirta gudbiyeyaasha u kala qaada wararka xubnaha aas'aasiga
ah kuwaas oo sida jaantuskan kore inoo muujinayo kala ah.
Waxaa kale oo jirta xubin lagu kaydiyo kaliya baaqyada ina haga marka aynu war u gudbinayno computer-ka kuwaas oo ah baaqyo aynaan masixi karin marnaba ee la akhrinkaro oo kaliya xubintaas oo layidhaa xusuusta ROM(Read Only Memory). Waxaa kale oo jirta xubin inoo kaydisa baaqa inta aynu hawsha ku jirno ee aynu computer-ka wax ku qorayno ama wax kalsoobaxayno taas oo layidhaa xusuusta RAM(Random Acces Memory) xubintan oo lumisa wixii ay inoo haysay haddii computer-ka la damiyo halka xubinta aynu ka soohadalnay ee ROM ayna lumin. Waxaa kale oo jirta xubin gudbisa baaqeena inoona soo gudbisa baaqa computer-ka xubintaas oo layidhaa I/O(Input/Output).
Computer-ku waa qalab inoo kaydiya war isla markaana inoo shaandheeya ama inoo xisaabiya xisaabta aan gashano oo inasiiya jawaabta, kumana koobna intaas oo kaliya ee waxaa loo adeegsadaa qaybo badan oo laxidhiidha dhaqdhaqaaqa nolosha,sida warshadaynta, isgaarsiinta, cimilada, hagidda robodyada, hagidda diyaaradaha iyo hagidda dayaxgacmeedka iwm. Wuxuuna ka koobanyahay xubno badan oo elektroonik ah wuxuuna isugu habaysan yahay sidii ay u dhexmari lahaayeen baaqyada soogala iyo kuwa ka baxa. Software:- QBASIC waa barnaamujka (program-ka) lagu dhiso ama lagu sameeyo programmes-ka, taas oo aad samaynayso barnaamuj (program) kuu gaar ah oo adigu sidaad doonto u hagayso ama amar ku siinayso cumputer-ka. Miyayna ahayn arin aad u xiisale in aad program kuugaar ah samysato!!!!!!!!. Haddii aynu tusaale u soo qaadano, kasoo qaad adiga oo warqad u qoraya saaxiibkaa oo raba in uu kusoo booqdo, waxaad uqori tilmaanta jidka uu soomari ama meelfog hakayimaado ama meeldhawe wixii uu soo raacayo Diyaarad, Bas ama Gaadhi. Haddaba saaxiibkaa si uu u akhriyo warqada miyayna haboonayn in aad ugu qorto luqad uu garanayo oo uu akhrin karo, Waxaa kale oo muhiim ah in aad ku qorto far uu akhrinkaro si uu u fahmo tilmaantaada. Haddii warqada aad qortay ka koobantahay dhawr bog waa in aad ugu qortaa tiro siday bogagu u kala horeeyaan, si uu ugu akhiriyo siday isugu xigaan. Haddaba marka aad ku qorayso program luqada QBasic, waa adiga oo computer-ka
u qoraya warqad.
PRINT waa amarka ugu horeeya ee luqada QBasic ee aad baratay oo Waxaad hadda amartay computer-ku in uu kutuso ama uu kuusheego qiimaha X. Haddaba habkee ayuu inoogu sheegayaa jawaabta aynu ka sugayno, si uu computer-ku jawaabta inoogu soo qoro waxaynu adeegsanaynaa furaha xarfaha(key board) oo waxaynu riixaynaa F5 , haddii kale oo aynu adeegsanayno Hage(mous) waxaynu ku taabanaynaa dusha amarka loo yaqaarn Run kadibna waxaynu ka dooranaynaa oo aynu Hagaha ku amraynaa Start sida inooga muuqata shaxankan hoose.
Haddaba marka aynu qabano intaa aan soo sheegnay waxaa inoogu soo qormaya daaqada jawaabtii ama qiimihii "X" ee aynu cumputer-ka waydiinay, daaqaduna waxay isku badalaysaa sida ku muujisan shaxankan hoose.
Jawaabtii aynu computer-ka waydiinay waxay noqotay 1073 sidaa darteed
X = 1073, kadib waxaynu riixaynaa sida uu ina amrayo computer-ku furaha
aan doono(Press any key to continue) oo waynu ku soo noqonaynaa daaqadii
hore ee aynu program-ka ku qoraynay.
Markasta oo aynu u baahano qiimihii "X" oo aynu riixno F5 waxaa is hoos taxmaaya jawaabihii aynu hore u waydiinay iyo kuwa hada aynu waydiinay macnaha kuwii hore isma masaxayaan, sidaa darteed waxaynu kaga hor tagaynaa oo aynu baranaynaa CLS oo ah xaraf u taagan clear screen tan oo computer-ku fahmayo in aanad rabin in aanay muuqan wixii ka horeeyay waxan aad hada waydiisay, ama haddii aan sikale u idhaa aad masaxdo wixii hore ee ahaa jawaabihii hore, waxaanad arkaysaa jawaabta hadda uun aad ka codsatay waa haddii aad program-ka u qorto sidan hoos ku muujisan.
Haddaba si computer-ku inoogu xasuusto program-kan aynu samaynay oo marka danbe ee aynu u baahano aynu u waydiino waxaynu u bixinaynaa magac, oo waxaynu adeegsanaynaa si aynu ugu bixino magaca Alt + F kadibna waxaynu riixaynaa "A" oo u taagan "Save As" waxaana furmi doona daaqad u diyaar ah in aad ku qorto magacii aad u bixinlahayd program-kan, waana shaxankan hoos ku muujisan.
Kadib marka aad aragto daaqadan waxaad magaca ku qoraysaa meesha u banaan ee File Name horeeda, tusaale ahaan waxaynu u bixinay Xisaab, kadibna OK, hadda waxaynu ku kalsoonahay haddii computer-ka aynu damino oo marka danbe ee aynu shidno u baahano program-kii waxaynu waydiinaynaa uun magicii aynu program-ka u bixinay ee ahaa Xisaab. Waxa kale oo aan daaqadan ku aragnaa C:\QBASIC oo ah qolka aynu magacan dhigayno ee aynu hadhaw marka aynu u baahano kala soo bixi doono. Waxaa kale oo aynu daaqadan ku aragnaa [-A-],[-B-],[-C-] iyo [-D-] oo kolba kii aan doorano ayaa ah qolka aynu program-ka ku kaydsanay oo tusaale ahaan haddii aynu doorano [-A-] waxaa is badalaya qolkii hore ee ahaa C.\QBASIC oo wuxuu isku badalayaa A:\QBASIC. Haddaba marka aynu adeegsanayno qolkan [-A-] waxaynu computer-ka galinaynaa Disket waayo waxaynu hadda coputer-ka amarnay in uu program-ka inoogu duubo Disket-ka. Waxaynu dhisaynaa markale program:
B(balac), J(joog) iyo Bad. Haddaba markasta oo aynu dhisayno program waa muhiim in aan ka fakarno
qaabkii(statemants) aynu ugu sheegilahayn computer-ka intaynaan hawsha
bilaabin. 10 CLS waxaan program-yadeena ugu danbaysiinaa END oo ah in aan dhamaynay dhismihii
program-ka. Haddana waxaynu qoraynaa program si computer-ku inooga caawiyo shaxankan hoos ku muujisan:
J(joog), DH (dherer) iyo B(ballac) 10 CLS Markasta oo aad program qorayso siday u kalla sareeyaan laymanku u samee
tiro sobobtoo ah computar-ku wuxuu u akhrinayaa sida ay laymanku isugu
xigaan, markasta oo aad qorto tirada laynka u dhaxaysii meel banaan kadibna
qor hawshii aad computer-ka u diraysay. Sidaynu horay u soo sheegnay markasta
oo aad qorto program u samee magac oo dhig xusuusta computer-ka sidaynu
horey u soo aragnay. Waxaa kale oo aynu baranaynaa IF THEN ELSE sadexdan amar waxaad iyaga dhigi kartaa hal layn ama amar kaliyaad ku dhiibi kartaa hal mar taas oo computer-ku fahmayo. IF macneheedu waa HADDII, THEN iyadna macneheedu waa INTAA KADDIB, ELSE iyadna waxay la macno tahay AMA. Haddaba bal aynu samayno program aynu adeegsanayno amaradan aynu soo
baranay. 10 CLS Marka aad haddaba program-ka socod siiso(RUN) ee aad riixdo F5 waxaa daaqada ku soo qormi WAA IMISADII SAACADU ? haddii aad ku qorto 2.20, wuxuu kuugu jawaabi JOOG DUGSIGA haddii kale oo aad ku qorto 2.40 wuxuu kuugu jawaabi WAAD FASAXAN TAHAY. Waxaa kale oo in aan ogaano ah laynka 40, program-ku wuxuu inoo sheegayaa haddii K ka wayntahay 2.30 laynka ku xiga ayuunbuu computarku amar u haystaa in uu ku xijiyo akhrintiisa, haddii kale se wuxuu u boodayaa laynka 80. A > B = A way ka wayntahay B
Tusaale: Sidaynu horey u soo baranay markaynu riixno F5 waxaa inoosoo bixi doona daaqadii inooga jawaabi lahayd su'aalaha aynu qabno waxaana daaqadaasi ku soo qormi doona sidan soo socota: *** XEERKA OHM *** Input MARKA HORE QOR QIIMAHA QOR MAAYAD <AMPERE> ? 0 TAMAR KAYD = 28 VOLT Output MIYAAD XISAABIN WAXKALE ? Markasta oo aynu u baahano in aynu xisaabino xeerka Ohm waxaynu adeegsanaynaa program-kan, sadexda halbeeg ee xeerku ka koobanyahay sida Ampere, Volt iyo Ohm kolba kan aynu raadinayno qiimihiisa ayaynu ku qori eber(0) labada kalena waaban naqaan oo qiimeyaashooda ayaynu ku qori sida tusaalahan kor ku qoran. Marka ugu danbaysa wuxuu soo qori MIYAAD XISAABIN WAXKALE? Haddii aad riixdo xarafka "H" computer-ku wuxuu kaa sugayaa in aad markale qorto layliga kale ee aad ka shaqaynayso si uu kuugu soo saaro qiimaha aad raadinayso, haddii kale oo aad riixdo xarafka "M" waxaad ku soo noqonaysaa daaqadii aad program-ka ku dhistay.
|