COMPUTER-KA

Marka aynu ka hadlayno computer waxaynu xasuusnaanaynaa laba arimood oo muhiim ah oo uu ka koobanyahay kuwaas oo kala ah saabaan(Hardware) iyo barnaamuj(Software). Haddii aynu soo qaadano midan hore ee hardware waa weedh ka turjumaysa dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay ama laga dhisay computer-ka, marka la'isku soo wada koobana waxaa layidhaa computer configuration.
Software waa luqada ama program-ka ay iskula xidhiidhaan xubnaha uu computer-ku ka kooban yahay ama dadkuba kula xidhiidhaan si ay ugu gudbiyaan baahidooda si uu uga caawiyo ama sidii laba computer iyo in ka badanba la'iskula xidhiidhin karo.

Sida uu inoo muujinayo jaantuskan kor ku muujisani waa qaabka ay u dhisantahay Ubucda computer-ku Ama aan idhaahdo ay warka isugu gudbiyaan xubnaha uu ka koobanyahay. Haddaba in xubnaha uu ka koobanyahay warka u kala helaan hab dhakhso ah ama hab gaabinaysa waxaa xakuma ama ay ku xidhan tahay amin(Clock) oo lagu cabiro halbeega secen ama roogaalkeeda herts(Hz). Waxaa kale oo jirta xubin baaqyada kala dirta oo sida loo amray u kala fulisa xubintaas oo ah CPU(Central processing unit) waxayna ka dhisantahay mareeg isku dhafan(IC) ama aan idhaahdo malaayiin sadex qotinleyaal (transistor) ah. Waxaa kale oo jirta gudbiyeyaasha u kala qaada wararka xubnaha aas'aasiga ah kuwaas oo sida jaantuskan kore inoo muujinayo kala ah.
· Address bus
· Data bus
· Control bus.


Haddii aynu soo qaadno kan hore ee ah Addres bus waxaa mara baaqyada u kala gooshya xubnaha xusuus haynta qaabilsan(memory). Data bus waxaa mara baaqyada u socda Aaladaha uu computer-ku hago sida: Printe-ga, robodyad iyo warshadaynta.
Control bus waxaa mara baaqyada xiliyaysan ee u kala gooshaya dhamaan xubnaha uu computer-ku ka koobanyahay.
Haddaba baaqyada ama amarada maraya marinadan aynu soo sheegnay xaga aas'aasiga waa isagamid oo sidaynu baran doono waa logik 1(high) ama logik 0(low) oo sidaynu ogaan doono waa binery system. Sida shaxanadan hoos aynu ku muujin doono, halka qurub waxaa looyaqaan(bit) Afarta qurub waxaa looyaqaan (nibble) Sideeda qurub waxaa looyaqaan (byte) Lix iyo toban ka qurubna waxaa looyaqaan (word).

Waxaa kale oo jirta xubin lagu kaydiyo kaliya baaqyada ina haga marka aynu war u gudbinayno computer-ka kuwaas oo ah baaqyo aynaan masixi karin marnaba ee la akhrinkaro oo kaliya xubintaas oo layidhaa xusuusta ROM(Read Only Memory). Waxaa kale oo jirta xubin inoo kaydisa baaqa inta aynu hawsha ku jirno ee aynu computer-ka wax ku qorayno ama wax kalsoobaxayno taas oo layidhaa xusuusta RAM(Random Acces Memory) xubintan oo lumisa wixii ay inoo haysay haddii computer-ka la damiyo halka xubinta aynu ka soohadalnay ee ROM ayna lumin. Waxaa kale oo jirta xubin gudbisa baaqeena inoona soo gudbisa baaqa computer-ka xubintaas oo layidhaa I/O(Input/Output).

Luqadda computer-ka

( Computer language)

Computer-ku waa qalab inoo kaydiya war isla markaana inoo shaandheeya ama inoo xisaabiya xisaabta aan gashano oo inasiiya jawaabta, kumana koobna intaas oo kaliya ee waxaa loo adeegsadaa qaybo badan oo laxidhiidha dhaqdhaqaaqa nolosha,sida warshadaynta, isgaarsiinta, cimilada, hagidda robodyada, hagidda diyaaradaha iyo hagidda dayaxgacmeedka iwm. Wuxuuna ka koobanyahay xubno badan oo elektroonik ah wuxuuna isugu habaysan yahay sidii ay u dhexmari lahaayeen baaqyada soogala iyo kuwa ka baxa.

Software:-
In aynu cumputer-ka la xidhiidhno oo uu baaqeena ama warkeena inoo kaydiyo ama uu inoo jawaabo oo uu inooqabto hawlahaa faraha badan ee aynu qaarkood kor ku soo tilmaanay waxa suurto galinaya waxaa loo kala saaraa laba qaybood oo kala ah operating systems iyo applications software. Haddii aynu soo qaadano operating systems, waa windows-ka sida:- windows (98/ME/2000/NT/Xp) iwm. waxaase jira marka aynu samaynayno barnaamuj (program) aynu leenahay macnaha maskaxdeena aynu ka keenay programmes aynu adeegsano, kuwaas oo ay ka mid yihiin BASIC,QBASIC IYO LIBERTY BASIC I.W.M
Inkasta oo ay badanyihiin programmes-ka la adeegsadaa haddana waxaynu soo qaadanaynaa kuwan aynu soo sheegnay maadaama ay fududyihiin isla markaana ay isku bah yihiin, iyaga oo isku bah ah ayaa waxaynu adeegsanaynaa oo aynu baranaynaa QBASIC oo u taagan "Quick Beginners All-purpos Symbolic Instruction Code", Sida uu inoo muujinayo shaxankan kor ku muujisani, inaan u gudbino baaq cumputer-ka waxaa inoo suurto galinaya inaga oo adeegsana QBASIC PROGRAM sidaa darteed waxaynu wax ka ogaanaynaa adeegsiga luqadan QBASIC si aynu inaga iyo cumputer-ku isku fahano. Waxaa suurto gal ah haddaba in aad wax ka taqaano computer-ka programmes-kiisa. Tusaale ahaan programmes-ka qoraalka , xisaabinta ama cayaaraha. Kuwani oo ah programmes laguu dhisay oo ka soo fushay maskax qofkaleh isaga oo adeegsanaya QBASIC ama kuwo kaleba.

QBASIC waa barnaamujka (program-ka) lagu dhiso ama lagu sameeyo programmes-ka, taas oo aad samaynayso barnaamuj (program) kuu gaar ah oo adigu sidaad doonto u hagayso ama amar ku siinayso cumputer-ka. Miyayna ahayn arin aad u xiisale in aad program kuugaar ah samysato!!!!!!!!.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano, kasoo qaad adiga oo warqad u qoraya saaxiibkaa oo raba in uu kusoo booqdo, waxaad uqori tilmaanta jidka uu soomari ama meelfog hakayimaado ama meeldhawe wixii uu soo raacayo Diyaarad, Bas ama Gaadhi. Haddaba saaxiibkaa si uu u akhriyo warqada miyayna haboonayn in aad ugu qorto luqad uu garanayo oo uu akhrin karo, Waxaa kale oo muhiim ah in aad ku qorto far uu akhrinkaro si uu u fahmo tilmaantaada. Haddii warqada aad qortay ka koobantahay dhawr bog waa in aad ugu qortaa tiro siday bogagu u kala horeeyaan, si uu ugu akhiriyo siday isugu xigaan.

Haddaba marka aad ku qorayso program luqada QBasic, waa adiga oo computer-ka u qoraya warqad.
Waxaad u sheegaysaa computarka hawsha aad rabto in uu qabto iyo qaabka uu isugu xijnayo ama siduu u kala horaysiinayo marka uu qabanayo hawsha aad u dirtay .Tusaale ahaan waxaad rabtaa in aad computer-ka u dirto xisaab in uu kuu xaliyo aad rabto, taas oo aad isku dhufanayso sadex tiro oo kala ah 29 iyo 74 iyo 0.5, haddaba adoon raadsan program xisaabta laggaga shaqeeyo oo aad kaga shaqaysid xisaabtan ee waxaad samaysan program kuu gaar ah. Marka hore waxaad furaysaa program ka QBasic oo marka ay soo baxdo daaqadii loogu tala galay in wax lagu qoro sidan hoos ku muujisan ugu qor.

PRINT waa amarka ugu horeeya ee luqada QBasic ee aad baratay oo Waxaad hadda amartay computer-ku in uu kutuso ama uu kuusheego qiimaha X. Haddaba habkee ayuu inoogu sheegayaa jawaabta aynu ka sugayno, si uu computer-ku jawaabta inoogu soo qoro waxaynu adeegsanaynaa furaha xarfaha(key board) oo waxaynu riixaynaa F5 , haddii kale oo aynu adeegsanayno Hage(mous) waxaynu ku taabanaynaa dusha amarka loo yaqaarn Run kadibna waxaynu ka dooranaynaa oo aynu Hagaha ku amraynaa Start sida inooga muuqata shaxankan hoose.

Haddaba marka aynu qabano intaa aan soo sheegnay waxaa inoogu soo qormaya daaqada jawaabtii ama qiimihii "X" ee aynu cumputer-ka waydiinay, daaqaduna waxay isku badalaysaa sida ku muujisan shaxankan hoose.

Jawaabtii aynu computer-ka waydiinay waxay noqotay 1073 sidaa darteed X = 1073, kadib waxaynu riixaynaa sida uu ina amrayo computer-ku furaha aan doono(Press any key to continue) oo waynu ku soo noqonaynaa daaqadii hore ee aynu program-ka ku qoraynay.
Marka aynu tagno daaqadii aynu program-ka ku qoraynay, haddii inaga oon waxkale samayn aynu markale riixno F5 daaqadu waxay soo qoraysaa laba jeer oo jawaabtii 1073 ah, sida hoos ku muujisan maxaa yeelay waxaan masaxmin jawaabtii hore markii labaadna wuu ku hoos qoray.

Markasta oo aynu u baahano qiimihii "X" oo aynu riixno F5 waxaa is hoos taxmaaya jawaabihii aynu hore u waydiinay iyo kuwa hada aynu waydiinay macnaha kuwii hore isma masaxayaan, sidaa darteed waxaynu kaga hor tagaynaa oo aynu baranaynaa CLS oo ah xaraf u taagan clear screen tan oo computer-ku fahmayo in aanad rabin in aanay muuqan wixii ka horeeyay waxan aad hada waydiisay, ama haddii aan sikale u idhaa aad masaxdo wixii hore ee ahaa jawaabihii hore, waxaanad arkaysaa jawaabta hadda uun aad ka codsatay waa haddii aad program-ka u qorto sidan hoos ku muujisan.

Haddaba si computer-ku inoogu xasuusto program-kan aynu samaynay oo marka danbe ee aynu u baahano aynu u waydiino waxaynu u bixinaynaa magac, oo waxaynu adeegsanaynaa si aynu ugu bixino magaca Alt + F kadibna waxaynu riixaynaa "A" oo u taagan "Save As" waxaana furmi doona daaqad u diyaar ah in aad ku qorto magacii aad u bixinlahayd program-kan, waana shaxankan hoos ku muujisan.

Kadib marka aad aragto daaqadan waxaad magaca ku qoraysaa meesha u banaan ee File Name horeeda, tusaale ahaan waxaynu u bixinay Xisaab, kadibna OK, hadda waxaynu ku kalsoonahay haddii computer-ka aynu damino oo marka danbe ee aynu shidno u baahano program-kii waxaynu waydiinaynaa uun magicii aynu program-ka u bixinay ee ahaa Xisaab.

Waxa kale oo aan daaqadan ku aragnaa C:\QBASIC oo ah qolka aynu magacan dhigayno ee aynu hadhaw marka aynu u baahano kala soo bixi doono. Waxaa kale oo aynu daaqadan ku aragnaa [-A-],[-B-],[-C-] iyo [-D-] oo kolba kii aan doorano ayaa ah qolka aynu program-ka ku kaydsanay oo tusaale ahaan haddii aynu doorano [-A-] waxaa is badalaya qolkii hore ee ahaa C.\QBASIC oo wuxuu isku badalayaa A:\QBASIC. Haddaba marka aynu adeegsanayno qolkan [-A-] waxaynu computer-ka galinaynaa Disket waayo waxaynu hadda coputer-ka amarnay in uu program-ka inoogu duubo Disket-ka.

Waxaynu dhisaynaa markale program:
Waxaynu rabnaa in aynu dhisno program aynu kula hadlayno computer-ka si uu inooga caawiyo jawaabta qiimeyaasha xisaabtan inaga oo adeegsanayna QBASIC.

B(balac), J(joog) iyo Bad.
Bad = J*B
Tusaale:-
J = 25 sm
B = 40 sm
Bad ? jawaabta waxaynu ka sugaynaa computer-ka.

Haddaba markasta oo aynu dhisayno program waa muhiim in aan ka fakarno qaabkii(statemants) aynu ugu sheegilahayn computer-ka intaynaan hawsha bilaabin.
Waxaynu baranaynaa INPUT, tan oo ka mid ah amarada aynu adeegsanayno oo macnaheeduna tahay in aad dhigto ama ku qorto tiro computer-ka mar kasta oo program-kii aad qortay aad socodsiiso(RUN).
Haddii aynu qorno program-kii aynu ku amri lahayn computer-ka si uu inoogu xisaabiyo qiimaha Badka laydiga kor ku muujisan waa:-

10 CLS
20 INPUT "QOR JOOG"; J
30 INPUT "QOR BALAC";B
40 CLS
50 PRINT "QIIMAHA BADKU WAA = "; J*B
60 END

waxaan program-yadeena ugu danbaysiinaa END oo ah in aan dhamaynay dhismihii program-ka.
Haddaba marka aynu dhamayno qoridda program-ka sidaynu horeba usoo sheegnay waxaynu taaban furaha F5 si uu inoogu socdo (RUN) program-ku, kadib waxaynu daaqada ka arkaynaa sidan:-
QOR JOOG markaas ayaynu ku qoraynaa qiimaha jooga tusaale 20 kadibna waxaynu taabanaynaa ENTER , kadib waxaynu arkaynaa QOR BALAC iyadna qiimeheeda ayaynu qoraynaa tusaale 10 kadib ENTER markaas ayaa waxaa inoosoo bixi jawaabtii xisaabtan oo waxaa soo qormi QIIMAHA BADKU WAA = 200.
Program-kan QBASIC waxaad ku adeegsan kartaa sumadaha xisaabaadka sida:
Ku dhufo *
Qaybi /
Ku dar +
Ka jar -

Haddana waxaynu qoraynaa program si computer-ku inooga caawiyo shaxankan hoos ku muujisan:

J(joog), DH (dherer) iyo B(ballac)
MUG = J * DH * B

10 CLS
20 INPUT " QOR JOOG"; J
30 INPUT "QOR DHERER";DH
40 INPUT "QOR BALLAC";B
50 CLS
60 PRINT " QIIMAHA MUGU WAA =";J*DH*B
70 END

Markasta oo aad program qorayso siday u kalla sareeyaan laymanku u samee tiro sobobtoo ah computar-ku wuxuu u akhrinayaa sida ay laymanku isugu xigaan, markasta oo aad qorto tirada laynka u dhaxaysii meel banaan kadibna qor hawshii aad computer-ka u diraysay. Sidaynu horay u soo sheegnay markasta oo aad qorto program u samee magac oo dhig xusuusta computer-ka sidaynu horey u soo aragnay.

Waxaynu markale baranaynaa Amaradan ay ka midkayihiin GOTO oo macnaheedu tahay amar aynu computer-ka ku siinayno in uu akhriyo laynka aan u tilmaano. Tusaale haddii aynu qorno GOTO 100 laynka labaad ee program-ku wuxuu akhrinayaa laynka 100.

Waxaa kale oo aynu baranaynaa IF THEN ELSE sadexdan amar waxaad iyaga dhigi kartaa hal layn ama amar kaliyaad ku dhiibi kartaa hal mar taas oo computer-ku fahmayo. IF macneheedu waa HADDII, THEN iyadna macneheedu waa INTAA KADDIB, ELSE iyadna waxay la macno tahay AMA.

Haddaba bal aynu samayno program aynu adeegsanayno amaradan aynu soo baranay.
Tusaale ahaan waxaynu samaynaynaa program kuu sheegaya in aad Dugsiga ka rawaxdo ood gurigii tagto iyo inkale. Waxaynu oranaynaa haddii saacadu dhaafto 2.30 waad fasaxan tahay haddii kale waxad joogi Dugsiga.

10 CLS
20 PRINT"WAA IMISADII SAACADU"
30 INPUT;K
40 IF K>2.30 THEN GOTO 50 ELSE GOTO 80
50 CLS
60 GOTO 100
70 PRINT"WAAD FASAXAN TAHAY"
80 CLS
90 PRINT"JOOG DUGSIGA"
100 END

Marka aad haddaba program-ka socod siiso(RUN) ee aad riixdo F5 waxaa daaqada ku soo qormi WAA IMISADII SAACADU ? haddii aad ku qorto 2.20, wuxuu kuugu jawaabi JOOG DUGSIGA haddii kale oo aad ku qorto 2.40 wuxuu kuugu jawaabi WAAD FASAXAN TAHAY.

Waxaa kale oo in aan ogaano ah laynka 40, program-ku wuxuu inoo sheegayaa haddii K ka wayntahay 2.30 laynka ku xiga ayuunbuu computarku amar u haystaa in uu ku xijiyo akhrintiisa, haddii kale se wuxuu u boodayaa laynka 80.

A > B = A way ka wayntahay B
A < B = A way ka yartahay B
X ^ 2 = X2


Waxaynu dhisaynaa program aynu kula hadalo computer-ka si uu inooga caawiyo xisaabinta ama soosaarida qiimeyaasha Xeerkii Ohm.

Tusaale:
100 REM WAXAA LAYIDHAA PROGRAM-KAN "OHM"
110 CLS
120 PRINT"*** XEERKA OHM ***"
130 PRINT : PRINT : PRINT"MARKA HORE QOR QIIMAHA"
140 PRINT : PRINT"QIIMAHA AANAD GARAN QOR EBER"
150 PRINT : PRINT"QOR QIIMAHA OO <RETURN>"
160 PRINT : PRINT : PRINT : INPUT"QOR MAAYADA(AMPERE)"; I
170 PRINT : INPUT"QOR CAABIGA(OHM)"; R
180 PRINT : INPUT"QOR TAMAR KAYDKA(VOLT)"; U
190 CLS
200 IF I = 0 THEN 240
210 IF R = 0 THEN 260
220 IF U = 0 THEN 280
230 PRINT"QALAD HADDII AAD QORTO ! ": GOTO 140
240 I = U/R
250 GOTO 290
260 R = U/I
270 GOTO 290
280 U = I*R
290 P = U*I
300 PRINT "TAMAR KAYD = ";U;" VOLT"
310 PRINT : PRINT "MAAYAD = ";I;" AMPERE"
320 PRINT : PRINT "CAABI = ";R;" OHM"
330 PRINT : PRINT"AWOOD = ";P;" WATT"
340 PRINT : PRINT : PRINT " MIYAAD XISAABIN WAX KALE?"
350 PRINT : PRINT " QOR H(HAA) AMA M(MAY)"
360 LET A$ = INKEY$
370 IF A$ = "H" THEN 110
380 IF A$ <> "M" THEN 360
390 END

Sidaynu horey u soo baranay markaynu riixno F5 waxaa inoosoo bixi doona daaqadii inooga jawaabi lahayd su'aalaha aynu qabno waxaana daaqadaasi ku soo qormi doona sidan soo socota:

*** XEERKA OHM *** Input

MARKA HORE QOR QIIMAHA
QIIMAHA AANAD GARAN QOR EBER
QOR QIIMAHA OO <RETURN>

QOR MAAYAD <AMPERE> ? 0
QOR CAABI <OHM> ? 1200
QOR TAMAR KAYD <VOLT> ? 28

TAMAR KAYD = 28 VOLT Output
MAAYAD = 0.02333333333 AMPERE
CAABI = 1200 OHM
AWOOD = 0.653333333 WATT

MIYAAD XISAABIN WAXKALE ?
QOR H (HAA) AMA M (MAY)

Markasta oo aynu u baahano in aynu xisaabino xeerka Ohm waxaynu adeegsanaynaa program-kan, sadexda halbeeg ee xeerku ka koobanyahay sida Ampere, Volt iyo Ohm kolba kan aynu raadinayno qiimihiisa ayaynu ku qori eber(0) labada kalena waaban naqaan oo qiimeyaashooda ayaynu ku qori sida tusaalahan kor ku qoran.

Marka ugu danbaysa wuxuu soo qori MIYAAD XISAABIN WAXKALE? Haddii aad riixdo xarafka "H" computer-ku wuxuu kaa sugayaa in aad markale qorto layliga kale ee aad ka shaqaynayso si uu kuugu soo saaro qiimaha aad raadinayso, haddii kale oo aad riixdo xarafka "M" waxaad ku soo noqonaysaa daaqadii aad program-ka ku dhistay.

Hordhac Computer 1 Computer 2 Computer 3 Computer 4