Marka aan leeyahay LQI waxaan uga jeedaa (laba-qotinlaha ifa) loona yaqaan luqadaha kale LED(light-emiting diode) Runtii computar-ka looma adeegsado oo kaliya in wax lagu qoro, lagu xisaabiyo ama wax lagu sawiro oo kaliya ee waxaynu halkan ka baranaynaa in aynu wax ku hagi(maamuli) karno sida LQI(labaqotinlaha ifa), laambada guriga, robot iyo waxyaabo kale oo badan. waataynu horena uga soo sheekaynay in cumputer-ku ka midyahay kuwa tignolojiyada maanta haga. Runtii aniga waxay ii ahayd mid xiisole markii aan baranayay in computar-ka waxlagu hagi karo, waxaanan filayaa in adna uu ku xiiso galinayo in aad arintan ogaato baratana. Waxaynu horay uga soo hadalay in computer-ku ka koobanyahay Hardware iyo Softiware, sidaa darteed ayaa hardware-kiisu uu leeyahay print port taas oo aynu adeegsan karno si aynu u hagno aaladahan aan korkusoo tilmaanay, waxaa iyadna aan meesha ka maqnayn waa in aan haysanaa softiware oo sidaynu horay ugu soo baranay waxaynu adeegsan program-ka Qbasic. Haddaba print port waa qotino uu danabku ka bixikaro kana soo galikaro (input/output) waxaynu hadda adeegsanaynaa 8 bit sida jaantuuskan hoose inoo muujinayo
Waxaynu horay ugasoohadalay mareegaha iskudhiska(integrated circuits) taas oo aynu kusoo baranay in tamar-kaydka lasinayo(input) uu yahay 5v, tan uu bixinayaana (output) uu yahay ama ku dhawyahay 5v sidaa darteed Microprocessor-kuna waa lamid, haddaba inaga oo adeegsanayna parallel port ayaa waxaynu xidhaynaa mareeg ka kooban, 8 xabo oo caabiya ah iyo 8 xabo oo labaqotinlaha ifa ah. Haddaba waxaynu horey ugasoo hadalay labaqotinlaha ifa oo aynu nidhi inuu shidmo(ifo) wuxuu u baahanyahay in uu helo tamar-kayd dhan 1.8v ilaa 2v iyo 20mA sidaa darteed ayaa waxaan u baahanay caabiyo ku haboon labaqotinlaha ifa (LQI) maadaama aynu parallel port uu bixinayo(output) tamarkayd dhan 5v.
Waxaana haboon in aynu adeegsano xeerkii Ohm ee oranaya R=V/I sidaa darteed ayaa waxaynu nidhi R=5v/20mA = 5v/0.02A markaa R=250 Ohm laakiin waxaynu horey u soo sheegnay in 250 Ohm aynaan ka soo helayn shaxda loodajiyay caabiyad sidaa darteed waxaynu helaynaa oo aynu adeegsanaynaa 270 Ohm. Waxaa kale oo in aan ogaano ah LQI wuxuu leeyahay laba qotin oo sida shaxanka kore inoo muujinayo lagu magacaabo Cathode oo qotinka taban ah iyo Anode oo qotinka togan ah.
Waxaana iswaydiin mudan marka hore in aynu ogaano computer-ka aynu haysano ee aynu adeegsanayno in aan naqaan LPT1 adarayskiisa sida badan waxaad eegtaa sadexdan adarays ee kal ah 0378, 0379 iyo 037A. computer-kan an adeegsanaynaa waa Compaq 1200 labtop sida shaxankan hoose ku muujisan.
Sidaa darteed adarayskiisu waa 0378, adaraysyada oo dhami waxaan ku diraynaa
xisaabta habdhiska sal 10-aad (decimal system). Sida shaxanka hoose inoo
muujinayo marka aynu LQI ee 8 xabo ah daarayno mid walba waxaa shidaya
xisaabtan habdhiska sal 10-aad(decimal) ee aynu hoos ku sharaxnay oo aynu
softiwar ahaan u adeegsanayno oo aynu ku qorayno program-ka Qbasic.
Hadda markii aynu u qorno progaram-kan aan kor ku muujinay ee aynu riixno RUN kadibna START waxaynu amar ku siinay computer-ka in uu shido hal LQI ee midigta u xiga sida aynu ku muujinay shaxankan hoose.
Shaxankani kore wuxuu ka koobanyahay 8-dii labaqotinlaha ifa ee aynu kor ku soo tilmaanay sidaa darteed programyadu waxay inoo suurto galinayaan in aynu adeegsano tirada sal 10-aad (decimal) sidaa darteedna kolba aynu doorano tiro ka kooban 8-da labaqotinlaha ifa ah ee aynu rabno in aynu daarno ama damino. Haatana aynu damino isla LQI ee aynu daarnay u fiirso program-kan hoose maxaynu badalay?. 10 REM** DAAR LQI AMA DAMI**
Waxaan markale daaraynaa LQI ee taxa kaga jira tirada labaad, waxaanad qortaa program-kan hoos ku muujisan ee sidii horeba aynu ku qornay Qbasic. 10 REM** DAAR LQI AMA DAMI**
Waxaynu soo aragnay in haddii progaram-ka hal aan doorano uu labaqotinlaha kowaad ifayo, haddii labo aan dooranan uu labaqotinlaha labaad ifayo laakiin haddii aynu sadex doorano waxaa ifaya labaqotinlaha kowaad iyo kan labaadba sida shaxankan hoose inatusayo.
laakiin hadii aynu rabno in sida ay LQI isugu xigaan isugu xijino waxaynu dooranaynaa qiimaha 4 aad, arintana waxay inoo cadaysay in sal-10 (decimal) aynu u adeegsanayno isku xijinta labaqotinlaha ifa bal aynu qorno program-kii iyo shaxankii muujinayay 8-da LQI. 10 REM** DAAR LQI AMA DAMI**
Waxaa Eebe mahadiis ah in casharadaa aynu soo qaadanay fahanay maadaama aan u soo bandhigay qaab fudud oo si dhibyar loo fahmi karo, sidaa darteed waxaynu u galaynaa in aynu tusaalihii u horeeyay ee aynu LQI midigta u xiga ka dhigno gaaraa bildhaan ( macnaha uu daarmo mudayar kadibna damo). Waakan program-kii inoo suurto galinayay. 10 REM** Gaaraa Bildhaan ** Waxaa kale oo aynu dooranaynaa in uu LQI daarmo kadib mudoyar damo oo
haddana daarmo, bal fiiri program-kan soo socda. Labaqotinlah ifaa in uu daarmo oo haddana damo waxaa inoo suurto galiyay sidaynu horeba u soo tilmaanay program-kan kore, waxaana inoo suurto galiyay mudada uu LQI uu daaranyahay ama dansanyahay darka(laynka) 80 aad ee FOR J = 1 TO 50000.
Haddaba ma samayn karnaa Nalka Taraafikada maadaama aynu soo baranay hagida LQI oo aynu tusaalooyin dhawra ka soo bixinay, jawaabtu waa haa oo inagoo ka faa,iidaysanayna tusaalooyinkii hore waxaynu adeegsanaynaa program-kan soo socda. 10 CLS Sida shaxankan hoose inoo muujinayo waxaynu nalka tarafikada u qaybinay 3- nal oo jidka 1- aad ah iyo 3- nal oo jidka 2- aad ah, sidaa darteed jidka 1-aad waxaa hagaya tirooyinka kala ah 1, 2, iyo 4, jidka 2- aad isna waxaa hagaya tirooyinka kala ah 8,16 iyo 32. haddaba marka program-ka aynu u sheegno tirada 1+32 markaa jidka 1-aad wuu xidhanyahay jidka 2-aadna wuu furanyahay sida shaxankuba inoo muujinayo. Haddaba sida aynu program-ka ku soo aragnay labada tiro ee ah 32 iyo 4 marnaba ma kulmayaan oo manoqon karaan 32+4 waayo haddii ay kulmaan labada jidba way furmayaan halkaana shil ayaa ka imankara.
Marka aynu baranayno Xiriiriyaha-ifa sida shaxankan hoose ku muujisan, wuxuu mareegtiisa gudaha ku hagaa ilays(iftiin) oo marka uu ifo labaqotinlaha-ifa wuxuu xidhaa mareegta sadex-qotinlaha(transistor) sidaa darteed waxaa iyadna xidhanta mareegta dibadda.
Haddaba Xiriiriyaha-ifa waa dhawr nooc waxaanan soo qaadanay oo aynu hadda adeegsanaynaa nooca 4N22 sida shaxankan kore inooga muuqata oo waa Labaqotinle ifa iyo sadex-qotinle NPN kuwan oo gal kuwada jira, marka aynu doonayno in aynu hagno mareegta dibadda taas oo mareegtaasi ku shaqayn karto danab tamar-kaydkiisu meeldhexaad yahay ama sareeyo sida jaantuskan hoose inoo muujinayo ayaynu adeegsanaynaa Aaladan ah Xiriiriyaha-ifa. Runtii arintani waa mid xiisole maadaama aynu computer-keena ku haggi karno mareeg kasta oo tamarkaydkeedu hooseeyo ama sareeyo, hadda mareegtan aynu hoos ku muujinay waa mid aynu adeegsanay hal-qurub(1bit) oo kaliya taas oo computer-keenu uu hagayo mareegta Relay-da oo 9V ah, sidaa darteed Relay-du waxay sii hagaysaa mareeg ku shaqaynaysa tamar-kayd sare sida 220V.
R1 = 1,2k Ohm Mareegtani waxay ahayd midii labaad ee si gacan ka qabada aan u samaynay aniga iyo Per Bo Jensen oo korso elektoniga iyo computer-ka ah qaadanaynay taas oo taariikhdu ahayd 2002, waxaanan adeegsanynay program-ka lagu sawiro mareegaha ee loo yaqaan Eagal waxaan shaxankan hoose ku muujinaynaa anaga oo hawshaas ku guda jirna iyo mareegtii aanu markaa samaynay sharax ahaana jaantuuskan kore ayaa inooga filan.
tijaabadan kadib waxaan ku dhaqaaqay in aan sameeyo tijaabooyin kale oo dhawra sida Optobox, haddii aan kaaga waramo Optobox waa sanduuq loogu talagalay in lagu xiriirsho ama uu u dhexeeyo Computer-ka iyo wixii markaa lagu hagayo sida wiish looga shaqaysiin karo robod oo kale, wiishka oo u soconaya midig, bidix, kor iyo hoos. Waxaa kale oo aan sameeyay Optobox lagu hagayo Nalka taraafikada, waxaana Eebe mahaddiis ah fakarkan ayaa ahaa mid aniga iga soo fulay oo fakarkayga ku dhisnaa, maaddaama aan ka soo sheekaynay waayo aragnimo hore oo i caawin kartay. Sidaan horey u soo sheegay waxaan hoos ku muujinaynaa Optobox-ka Nalka taraafikada taas oo aynu ku xiriirinayno Computer-ka si aynu ugu hagno.
Waxaa kale oo shaxan ahaan ku muujinaynaa Optobox-ka aynu ku hagi doono wiishka, kan oo aynu muujinay muuqaal kiisa xaga hore iyo xaga danbe sida aynu ka aragno shaxankan hoose.
Haddii aan u galo xagga wiishka, wiishku markiisii hore wuxuu ahaa mid ku shaqeeya Batari looguna talagalay in lagu hago rimud, waxaanse u badalay in lagu hago Computer-ka sidaynu horay u soo tilmaanayna uu isku xidhayo Optobox-ku, wuxuuna u muuqdaa shaxankan hoose:.
waxaa kale oo muhiim ah in aynu muujino qaabka aynu isugu xiriirinay wiishka iyo 0ptobox-ka, sida ka muuqata sirial sochet ku xirmaya optobox-ka waxaan ku qornay tirooyin taas oo ah gudbiye yaasha ka yimid wiishka islamarkaana ku xidhmi doona mareegta aynu ku dhex samaynay optobox-ka bal fiiri shaxankan:
Haddaba mareegtan aynu hoos ku muujinay waa mareeta haggaysa wiishka oo sida mareegtu inoo muujinayso waa 5 sadex qotinle(transistors) oo hagaya 5 relay, isla markaana 5 relay waxay hagayaan M1 iyo M2 oo aan uga jeedo labada dhaqaajiye (motor) ee wiishka hagaya iyo hal lambad oo gaaraabildhaanta.
Waxaa kale oo aynu jaantuskan soo socda ku muujinaynaa qaabka cumputer-ka iyo optobox-ku maareegta uu ka koobanyahay ay u wada xiriiraan isla markaana ay wiishka u hagaan.
Waxaa kale oo muhiim ah in aaynu tilmaano Looxa elektroniga(photo resist board) ee aan ku dhisay mareegta Optobox-ka, taas oo marka hore mareegta aan ku sawiray barnaamujka Eagal .
Haddii aynu sharaxaad ka bixino barnaamujka aynu ku samaynay Jaantusyada Elektroniga, waa barnaamuj casri ah oo lagu sameeyo Mareegaha elektroniga. Barnaamujkan waxaa ku kaydsan Saabaanka elektroniga oo aad u fara badan kaana caawinaya dhisida kolba mareegta aad markaa dhisayso. Haddaba habka aynu u adeegsandoono barnaamujkan waxaynu shaxan ku muujin doonaa sida aynu u dooranayno kolba xubnaha mareegta aynu dooranayno ee aynu u baahanahay.
Sidaynu horay u soo tilmaanay barnaamukani waxaa ku xeraysan saabaanka elektarooniga oo marka aad dhisayso jaantus wuxuu barnaamujkani kuu dhibyarayn in aad lasoo baxdo saabaankii aad mareegta ka dhisaysay , hadda waxaan u baahanahay oo mareegta aynu dhisayno ka mid ah parallel-sochet noociisu yahay M25HPS sidaynu hoos ku muujinay.
waxaa kale oo mareegta aynu dhisayno ka mid ah Xiriiriye-ife(optocouple) kan oo aynu dooranayno noocan hoose ee 4N35.
Waxaa kale oo mareegteena ka mid ah oo aynu dooranaynaa noociisa sadex-qotinle(transistor) sida barnaamujkani inoo muujinayo.
Intaa kadib marka aynu ku dhisno mareegtan barnaamujkan Eagal waxa aynu u baahanahay oo aynu soo diyaarsanaynaa waraaqaha looyaqaan Kalke ama pcb mask kuwan oo aynu ku daabacayno mareegta aynu sawirnay, waxaa kale oo aynu soo diyaarsanaynaa looxyada lagu dul rakibo saabaanka elektaroniga nooca looyaqaan "photo resist board" noocan oo ah mid ka qaalisan Looxyada elektroniga ee kale.
Sida ka muuqata shaxankan sare waxaa ku dahaadhan bac madaw ama bluga intaan arkay oo ka ilaalisa iftiinka maxaa yeelay iftiinku wuu dhaawacaa ama wuuba masaxaa dheeha maarta ah ee lagu buufiyay. Haddaba waxaa jira aalad sanduuq ah sida shaxankan hoose inoo muujinayo loona-yaqaan Iftiinka falaadhaha cinabka (U.V.Lacht) tan oo aynu falaadhaha iftiinkeeda ka faa'iidaysanayno oo dul dhigayno warqadii Kalke ee mareegtu ku sawirnayd kadibna photo resist board ayaynu ka goynaynaa bacdii madoobayd ee ku dul dahaadhnayd waxaanan sii dul dhigaynaa sawirkii mareegta ee warqadii Kalke kadibna waan ku daboolaynaa kuna daaraynaa iftiinka aaladan U.V.Lacht, muddo hal iyo badh"1.1/2" daqiiqo ah kadibna waan ka daminaynaa oo ka qaadaynaa.
Talaabooyinka kale ee aan qaadaynaa waa inaga oo marka horaba sii diyaarsanay
biyo aynu ku milnay "kaustisk soda" habka aynu u milnayna waa
inaga oo hal litir oo biyo ah ku milnay fur ama 2fur mugood oo maadadan
kaustisk soda ah, furkaas oo
Haddaba waxaynu soo qaadanaynaa foto print-hii waxaanan ku dhex riddynaa weelkii uu ku jiray milanka kaustisk sodaha ahaa waanan ku ruxaynaa inaga oo faraha gashanayna gacmo gashi(hand galof) waayo waa milan in aan ka taxadiro loobaahan yahay oo waa asiidh, mudoyar kadib waxaa inoo soo muuqanaya jaantuskii mareegtii aynu samaynay oo ka kor muuqda foto print-ha marka uu jaantusku si fiican u soo boxo print-ha waxaad galinaysaa biyo caadiya adoo markaaba ka saaraya. Talaabada kale ee aad qaadaysaa waxaa inoo diyaara weelkale oo uu inoogu jiro milan ka kooban biyo iyo asiidh weelkan oo ah mid muhiim ah lehna qalab milanka kululeeya iyo mid u diida in milanku kala fadhiisto waxaana looyaqaan "syre bad" milankani waxay print-ha ka masaxayaan maarta inta ka baxsan laymanka(dariiqyada) mareegta aynu samaynay sida ka muuqata jantuskan hoose.
Intaa waxaa ku xiga daloolin aynu daloolino meeliihii ay ku fadhiisanayeen qotinada xubnaha ay mareegtu ka kooban tahay sida shaxankan kore inoo muujinayo, taas oo lagu laxaamadayo xubin walba meeshiisa iyada oo la'adeegsanayo saabaankan.
Haddaba waxaa jira mishiino sida CNC, kuwan oo biraha qora(toorno) una shaqeeya qaab isku dubaridan(automat) kuwan oo uu hago computer-ku, sidaa darteed tusaalooyinkii aynu soo bixinay waxaynu ka dhex fahmi karnaa CNC-du qaabka ay u shaqeeyaan.
Markaynu fiirino shaxankan sare miyayna ahayn arin xiisole ahna tubta tignolojiyada maanta, runtii waxaan dhisi karnaa saabaan badan oo u shaqeeya habka isku dubridka(automat) inaga oo ka faa'iidaysanayna tusaalooyinkii aynu soo baranay adeegsanaynana Interface iyo programming.
Waxaynu shaxankan sare ku aragnaa qaabka isku dubaridan ee uu u shaqeeyo dhaqaajiyaha(machine) loo yaqaan CNC, waana mishiinada casriga ah ee computer-ka lagu haggo, si ay hawlo kala duwan dhaqso inoogu qabtaan.
|