Sadexdan nin oo magacyadoodu kala
yihiin: Walter Brattain, William Shockley iyo John Bardeen waa aqoon
yahanadii ogaaday Sadex qotinlaha ama Transistors-ka baadhitaan
dheer oo ay sameeyeen kadib, taas oo ay ku heleen bilad sharafka
looyaqaan Nobel prize.
Waxaynu u gali doonaa in aynu tilmaano waxtarkii uu Sadex
qotinluhu yeeshay iyo horumarkii uu gaadhay electronigu kadib markii sadexdaa
aqoon yahan ku guulaysteen soo saarida Sadex qotinlaha(transistor).