|
Qore: Abdi-Mahdi A. Warsama
Orebro Sweden.
E-mail address: Mahdiwarsame@hotmail.com
Tel: 00 46 19 363106
Mob. 46 73 671 66 24
Bal inta aanan u guda galin ubucda qoraalkan gaaban, waxaan
isku dayayaa in aan ina soo hordhigo, su`aasha oranaysa, waa kuma aqoonyahan?
Haddaba haddii aan su`aashaas si kooban uga jawaabo, waxaan oran karaa
aqoonyahan waa qof aqoon leh.
Su`aal kale ayaa iyana meesha soo galaysa, taas oo oranaysa waa maxay
aqooni?
Haddii aan jawaabta su`aashan aan la aado dhinaca falsafadda ee uu ku
fadhiyo ereyga aqoon, waxa kolkaasi macnihiisu noqon karayaa ku hadba
dhinac laga eegi karo(Relative), hasa yeeshee inta badan waxaa lagu qeexaa
in aqoontu tahay tibaax(information) uu qofku ku helo laba siyood kuwaas
oo kala ah:
- Waxbarasho leh manhaj la raaci karo oo is-haysta(Formal
education), sida qofka oo yeesha aqoon xirfadeed(Dhakhtar, Macallin,
Alxanle, Makaanik, xiddigiye I.W.M).
- Tu qofku ka helo adduunka ku wareegsan oo uu ka hanto
aqoon ballaaran oo kor u qaadda adduun-araggiisa iyo fahamka dunida
ku xeeran(Informal education).
Aqoontaas iyada ahi waxa ay albaabada u furtaa hibada gaarka ah ee ilaahay
siiyey qofka(The human talent), waxayna ballaadhinaysaa qaababka iyo
tabaha uu qofku u adeegsan karayo aqoonta ilaahay ku mannaystay. Si
kastaba ha ahaatee aqoontu ma aha wax laga sal-gaari karo. Tan iyo inta
ilkaa laga dhigayo qofku wuxuu ku jiraa aqoon kororsi joogta ah. Sidaas
daraadeed waxa la oran karayaa qof aan aqoon lahayniba ma jiro.
Aqqoonyahniinta addunku intaas waxa ay ku foogan yihiin daraasado aqooneed
oo aad u balaaran. Hadh iyo habaynba culimada adduunku waxa ay ku soo
kordhiyaan dunida ina ku xeeran natiijooyin qaaya leh oo ka dhashay
daraasadaha ay ku hawlan yihiin isla markaasna wax weeyn ku soo kordhinayaa
aqoonta qotada dheer leh.
Qof waliba qofka uu ka sii aqoon balaaran yahay, hoos ugu sii dhaadhaca
uguna si talax-taga baarista cilmiga ayuu wuxuu isu sii aqoonsanayaa
in uu huudhi yar ku dul mushaaxayo badaha dadliqa ah ee aqooneed ee
ku xeeran, wuxuuna mar kasta oo uu ku sii talax-tagoba isu sii aqoonsanaya
Jaahil dhagaweyn. Wuxuuna sii noqonayaa maskiin aan kibir badnayn.
Inkasta oo ay aqoontu wax weeyn ka badasho hab nololeedka qofka, haddana
waxa jira laba arrimood oo saamayn weeyn ku yeelanaya nolosha iyo dhaqanka
qofka, kuwaasi oo ah:
- Shakhsiyadda qofka(dabeecaddiisa, dad la dhaqankiisa,
dadnimadiisa I.W.M).
- Xaddaaradda iyo hab-dhaqameedka bulshada uu ka soo
jeedo iyo hadba inta ay il-baxnimada bulshadaasi ay xididada dhulka
ugu mudani qoto-dheeryihiin. Arrimahani waxa ay hoosta ka xariiqayaan
in shakhsiyadda iyo xadaaradda uu qofku hiddaysanayaa ay saamaayn weeyn
ku yeelanayaan aqoontiisa sida uu u adeegsanayo iyo xiriirada uu la
leeyahay dunida ku xeeran.
Tani ayaa inoo ka markhaati kacaysa dhaqanka iyo hab nololeedka guud ahaanba
ummaddeenna coloowday ee dagaalka sokeeye uu cardaaduuqaha ka dhigay,
gaar ahaanna qaybta bulshadeenna soomaaliyeed ee lagu magacaabo wax-garadka,
aqoonyahaniinta iyo xirfadleeydaba.
Muddadii dagaalka sokeeye waxa aad u batay sicir bararka ku dhacay dadka
loogu yeero wax-garadka, aqoonyahaniinta iyo xirfadleeyda. Waxaad arkaysaa
magacyo aad u badan sida boroofesoore, dotoore, aqoonyahan iyo qaar kaloo
badan oo si isdaba joog ah dhulka uga soo fuuraya sida koronkorrada. Waxaad
arkaysaa nin weeyn oo gadh iyo gafuur leh oo aad ula muraaqoonaya marka
lagu magacaabo borofasoore ama datoore. Waxa laga yaaba in mixnadda ninkaas
la siiyey in uusan lahayn. Waxaad kaloo arkaysa nin la leeyahay huggaamiye,
guddoomiye, suldaan, garaad, shiikh iwm oo meel aqoonteeda iyo xilkooda
uu ku hantay aan la garanayn, haddana u muraaqoonayaa mixnadda ama xilka
been-abuurka ah ee la huwiyey.
Mararka qaarkood waxaanba is-iraahdaa malaha soomaalidu waxa ay ka soo
qalin jabisaa kulliyadaha jinka iyo shayaadiinta. Haddii ay sidaas tahay
sow kuma timaami karro dadkaas aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta
xilkooduna yahay waxyeelada ummada iyo qaranimada soomaaliyeed.
Markaad u fiirsatid ilaha aqoontoodu ka soo burqatana, waxaad ku tilmaami
kartaa marfishyada qabyaaladda iyo is-laweeynida iyo been-abuurka aqoondarradu
ka buuxdo.
Hab-dhaqameedka qabyaaladeed ee soomaalidu caanka ku noqotay, ayaa nimankaas
aan kor ku xusay(Aqonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta) muraayado u ah
hab-dhaqameedkooda. Bal cidkaleba iska daaye, kuwii helay wuxuun aqoon
ah oo bulshadu ka filanaysey in aqoontoodu sababi karto in ay ka xuubsiibtaan
dhaqamada gaboobay ee hidde-raaca ah sida qabyaaladda ayna yeelan doonaan
dawr maangal ah iyo aqoon ay ku maarayn karaan u adeegidda dalkooda iyo
bulshadoodaba ayaa ugu badan kuwa hormoodka ka ah kala googooynta caqli-darrada
ah ee dalkeenna iyo adeegsiga nidaamka gaboobay ee qabyaaladda. Haddi
aad cambaarayntaas ila ogolaataan, kolkaas miyaanay nimankaasi ahayn aqoonyahaniinta
jinka iyo shayaadiinta?
Dhaleecayntan dusha ka wada saari maayo mana wada khusayso dhammaanba
aqoonyahaniinta soomaaliyeed. Waxa jira qaar aad uga tiiraanyaysan xaaaladda
somalidu ku sugan tahay. Hasa yeeshee dhinac kale ayaa dhaliilku ka qabanyaa
iyagana, kaas oo ah urursanaan la´aantooda iyo iyaga oo ku guul-darraystay
is-abaabulkooda. Waxaa qaybtan ka muuqda caalwaa iyo niyad-jab. Waxa ay
ku calaacalaan, in wakhtigu ka hiiliyey, in dadka soomaalidu wili uu diin-garaarsan
yahay oo uu sakhrad ku jiro oo aan meelina uga banaanayn.
Arrimahan oo dhan waxa laga yaaba in ay yihiin wax cudurdaar laga dhigan
karo, hasa yeeshee waxa meesha ka maqan adeegsiga dhabta ah ee xirfadahooda,
aqoontooda iyo waaya-argnimadooda. In isha wax laga daawado xal ma aha.
Wargays lagu magacaabo SAHAN PRESS ayaan mar aan fogayn ka akhriyey waraysi
ay la yeesheen qoraaga caanka ee Soomaaliyeed Mudane Nuuradiin Faarax
isaga oo ka qayb qaadanayey shirweeynihii qorayaasha iyo hal-abuurayaasha
Soomaaliyeed ee london ka dhacay 24/2/1999. waxaana uu yiri.
- Sida ay iigu muuqato in la is-dhigto ma aha...waxa habboon in wixii
isku xirfad ahiba dhinac isugu dillaamaan ayna xalka ka dhex raadiyaan
xirfaddooda iyagoo adeegsanaya aqoontooda.......waa in dadka aqoonta iyo
xirfadda lihi isu raacaan mixnadooda balse aanay isu raacin dhinaca dhiigga(Qabiilka).
Anigu sidan waan la qabaa Nuuradiin Faarax, waana aragti caafimaad qabta
oo si weeyn loo ayidi karo. Laakiin arrintan uu qoraagu ka hadlay malaha
ma khusayso mixanadleeyda iyo aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta.
Ilaa iyo hadda ururka qoraayaasha iyo hal-abuurka oo ay xubno ka yihiin
qorayaal, hal-abuureyaal iyo joornaaliisteyaal qaayo leh ayaa saaxadda
xirfadleeyda Soomaaliyeed ka muuqda. Haddaba waxaa habboon in ay abuurmaan
ururo xirfadeed oo badani si ay uga baxaan kala filiqsanaanta isuna kaashadaan,
una noqdaan cudud meesha ka saari karta kuwa aan ku tilmaamay aqoonyahaniinta
jinka iyo shayaadiinta ayna saamayn weeyn ugu yeeshaan xal u helidda dhibaatada
gaamurtey ee dalkeenna..
|