Arintan waxaa ka hadli doona walaalkeen Cabdi Mahdi oo inoo soo diyaariyay maqaaladan soo socda. Haddaba haba laqoree mudadii uu afku qornaa, Soomaalida ma u ahaa jid cusub oo horumarkeeda ka qaybqaata? . Haddii anigu aan ka jawaabo su'aashan ah qoraalka af-Soomaaligu ma u horseeday horumar bulshada Soomaaliyeed jawaabta aan ka bixinayaa waa haaaa!. Bulsho kasti waxay ku dhaadataa(faantaa) afkeeda, sidaa darteed waxay aqoonta ku qaataan afkooda si ubadkoodu ugu fahmaan aqoonta ay adeegsanayaan sida ugu haboon. Haddaba bulshada Soomaaliyeed waxay horey u qaaday talaabo la taaban karo kadib markay afkooda qoreen isla markaana bilaabeen in ay ku turjumaan hordhicii cilmiga dunida yaal oo ah ka dugsiyada sida: dugsiga hoose dhexe iyo sare, waxa kale oo ay bulshada Soomaaliyeed dhexdooda iskugu gudbiyeen iyaga oo ku qoraya afkooda cilmiga diinta Islaamka, Taariikhihiihore, gabayo, sheekooyin, warar lagu qorayo wargaysyo ku soo baxa afka Soomaaliga iyo waxyaabo badan oo bulshada horumar u ah sida Internetka. Haddaba sida aynu wada ognahay maxaa sobobay in Soomaaliya horumarkii u bilawday ee turjumida aqoonta maadiga ee dunida taala ay u sii soconwayday ilaa heer jaamacadeed, waxaan orankaraa waxaa xoogaystay cadawga dibada kaga imanayay qarankii Soomaaliyeed kadib markii uu dhamaaday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, cadawgaas oo adeegsanayay inyar oo Soomaali ka mid ah isku haysta ilaahada waxgarad iyo halyayo soo halgamay laakiin aan anigu oranayo waa qaran dumis aan ka fakarin mustaqbalka umadda Soomaaliyeed, waxaanan Soomaalida danbe kula talinayaa marka aad wax duminayso mala hubaa in aad waxdhisidoonto ! !. Waxaan kale oo aan meesha ka maqnayn Bulshada Soomaaliyeed oo aan u bislayn qaranimada maxaa yeelay waxaa iskaga keen murugsan, Qabbiilka iyo Qaranka. Haatana waxaan is waydiinayaa fursadii ma soo noqon doontaa!!!!!!!!!!. Runtii Eebe waa naxariiste oo haddii aynu usoo noqono raaligalintiisa waxaynu gaadhi horumar aynaan filanayn.
Qore: C/raxmaan Yusuf Colhaye Aarhus Danmark E-mail: dahir83@hotmail.com Tel: 004586755105 Mob: 004528257549
|