|
Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga(maqaal
- 3):
|
1969-kii-Afgambigii Ciidamada qalabka sida iyo goàankii
kama dambaysta ahaa ee qoritaanka afka Soomaaliga.
Dhibaatooyinkii ka dhashay dimoqoraadiyaddii laga soo min guuriyey, waddamadii
hore inoo gumaysan jiray oo markeedii u dambeesey isu beddeshey mid fawdo
ah(anarchic democracy) gaar ahaanna sannadihii u dambeeyey, sida doorashooyinkii
sannakii 1969-kii oo ahaa kuwo aan si habsami ah u dhicin dhiig badanina
ku daatay, ilaa lagu dilayba madaxweynihii awoodda yaraa ee Soomalia mudane
Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa waxay keentay niyad jab ku dhaca dadweynaha
Soomaaliyeed. Dadku waxay tabayeen nabadgalyo xumo iyo caddaalad darro,
waxayna naawilayeen isbeddel waddanka ka dhaca oo ay kaga nastaan dhibaatooyinkii
muuqdey ee dalka soo fool saaray.
Iyadoo xaalado kuwaas la mid ahi ka wada taagnaayeen, dalalkii hore loo
gumaysan jirey, gaar ahaanna kuwa Afrika iyo Carabta, ayaa sannadihii
todobatanaadkii meelo badan oo waddamadaas ka mid ah waxaa ka dhacay afgambiyo
ciidamad qalabka sidaayi ay kula wareegeengayeen awoodda talada dalalkaas.
Waddamadaas waxaa ka mid ahaa Soomaaliya. Ciidamadu iyagoo ka faa`iidaysanaya,
xalladdii cakirrayd ee waddanka, ayay todobaad ka dib dilkii madaxweyne
Cabdirashiid Cali Sharmaarke afka ciidda u dareen dawladdii waddanka ka
talinaysey ee uu raiisal-wasaaraha awoodda badan ka ahaa alla ha u naxariistee
Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Ballanqaadyadii golihii sare ee kacaanka (supremme revolutionary council-S.R.C),
oo ahaa gole talis oo ay dhisteen askartii xukunka dalka la wareegtay
kana koobna 21 xubnood, waxaa ka mid ahaa in sida ugu degdegsan loo qoro
afka Soomaaliga, isla markaana uu noqdo afka rasmiga ah ee dalka iyo kan
waxbarashada.Waxa ay magacaabeen guddi cusub oo tiradoodu le`egtahay tii
golahooda(kow iyo labaatan), oo ay u xilsaareen arrimaha afka Soomaaliga.
Guddigaas waxaa amar lagu siiyey oo kaliya in ay:
" Darsaan qoraanna naxwaha afka Soomaaliga.
" In ay Af-Soomaali ku diyaariyaan manhajka waxbarashada dugsiyada
hoose.
" In ay qoraan qaamuus(dictionary) Af-Soomaali ah oo ka kooban toban
kun oo erey.
Xilka guddiga cusub kama mid ahayn, in ay iyagu soo doortaan xuruufta
lagu qori doono afka Soomaaliga, waxaana loo sheegay in doorashada xuruuftu
ay tahay go`aan siyaasi ah.
Guddoomiyaha guddiga waxaa loo magacaabay, mudane Axmed Cali Abokor, oo
waayo dambe noqday guddoomiyihii akadamiyadii cilmiga iyo dhaqanka. Axmed
waxa weeye ninka qoray kutubka lagu magacaabo, "Suugaanta Geela",
laguna daabacay machadka Afrika ee waddamada Iskaandinaafiyanka(Scandinavian
institute of African studies) ee magaalada Uppsala ee dalka Sweden. Axmed
Cali Abokor iyo Guddiga cusubi waxa ay u dhugmo lahayeen, khaladaadkii
ay ugu weyneyd go´aan qaadsha la`aanta qoridda afka Soomaaliga ee
dawladihii ka horreeyey tan askarta. Guddigaasi waxa ay soo saareen warbixin
ay ku caddaynayeen, in afka Soomaaligu ku dhex dhacay loolan siyaasi ah
oo ka dhexeeyey goleyaashii baarlamanka iyo dawladda, kaalinta dadweynaha
Soomaaliyeedna ay ka badin weydey dhexdhexaadinta labadaas gole oo uu
ku hungoobey.
Guddigii cusbaa waxay muddo saddex bilood ah, kaga soo
dhalaaleen dhammaanba qoraaladii loo diray,waxayna ku diyaariyeen Af-Soomaali
ku qoran xuruufta laatiinta. Inkasta oo aan loo xilsaarin go`aan qaadashada
farta lagu qori doono afka, haddana tallaabadan ay ku dhaqaaqeen waxay
muujinaysey, in guddiga intiisa badani ay raacsanaayeen talooyinkii ay
soo gudbiyeen guddiyadii iyaga ka horreeyey, ee ahaa in afka Soomaliga
lagu qoro xuruufta farta laatiinta Guddigu intii uu hawshiisa watay, taliyayaashii
askarta ahaa ee xukunka boobay markasta isha ayay ku hayeen guddigu hawshiisa
hadba halka uu marinayey, waxaana la dareemayey, in askarta ay meel uga
kir kirantahay xuruufta lagu qori doono afka Soomaaligu midda ay noqon
doonto.
Bishii oktoobar 21-keedii 1972-kii (sannad guuradii saddexaad ee afgambigii
ciidamada), ayaa sarreeye gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa guddoomiyihii
askartii wax afgambidey (the chairman of the S.R.C), waxa uu shaaca ka
qaaday in maalintaas wixii ka dambeeyey afka Soomaaliga loo doortay in
uu noqdo afka rasmiga ah ee Soomaaliya, isla markaas go`aan lagu gaaray
in xuruufta laatiinta ee uu qoray Shire Jaamac Axmed loo doortay in ay
noqoto tan lagu qori doono afka Soomaliga. Go`aankan ay askartu qaadatay
ma ahayn wax cusub, balse waxa ay ahayd taladii go`aan qaadashada weydey
ee ay dawladdihii rayidka ahaa ee la afgambiyey, ay u soo jeediyeen gudiggii
kan ka horreeyey ee uu guddoomiyaha ka ahaa alla ha u naxariistee Muuse
Xaji Ismaaciil Galaal. Si kastaba ha ahaatee Go`aan qaadashadaasi waxa
ay noqotay mid taariikhda gashay oo aan la illaawi doonin. Sababtoo ah
afka Soomaaligu waxa uu ku sugnaa xaalad adag oo u hagi kartey in uusan
muddo dheer qormin.
Afka Soomaaliga oo aan qormin waxa ay dhaxalsiin lahayd dadka Soomaalida
aayo xumo weyn, iyo in ay noqoto ummad u martiya qarankooda dhinac kastaba,
gaar ahaanna dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha, maamulka dawliga ah iyo
waxbarashadaba.
Ii dhehdii kacaankii ciidamada, iyo saamayntii ay ku yeelatay afka
Soomaaliga:
"Maxay qabatay tawraddu", wuxuu ahaa barnaamij ii dheh ah oo
uu afgambigii askartu la kawsaday. Waxyaalahi ugu horreeyey faanka joogtada
ahna u noqotay kacaanka waxaa ka mid ahaa, qoritaanka afka Soomaaliga.
Mid hadal kama taagna sida ay aniga ila tahay, taas oo ah go`aan qaadashadii
qoritaanka afka soomaaliga iyo rasmiyayntiisa, in ciidamadii talada dalka
boobay ay ku guulaysteen ka dib markii ay dawladihii rayidka ahaa ay ku
guuldarraysteen ammuurtaas muddadii sagaalka sannadood ahayd ee ay taliska
dalka haysteen. Hasa yeeshee marnama kama madaxbanaanaan dhinaca siyaasadihii
kaligii talisnamada ahaa ee taliskii ciidamada qalabka sida.
Waxaa iyana askarta lagu ammaani karaa, abuuritaankii akadamiyadii cilmiga
iyo dhaqanka oo noqotay hay`ad(institution) qaaya leh oo afka Soomaaliga
u noqotay bud-dhige wax ku ool ah. Hasa ahaatee siyaasadihii xukun maroorsiga
ku dhisnaa ee taliskii uu madaxda ka ahaa kaligii taliye Maxamed Siyaad
Barre, waxaa ay calaacasha oo timo ka soo baxaan ka dhigtay, in hayaddaasi
si madaxbannaan u shaqayso, iyadoo la qabtay dhammaanba hayadaha kale
ee dalka. Bilawgii hore, waxaa isugu tegey rag iyo haween tiro iyo tayaba
aad u fara badan lagana qaddariyo dalka soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid
ahaayeen rag badan oo ka mid ahaa guddiyadii qoritaanka afka Soomaaliga
ee aan hore u soo sheegay Alla ha u naxariistee Galaal, Keenadiid iyo
Kaddare, iyo dhalin yaro xul ah oo wax weyn ku soo kordhiyey dhinac aqooneed,
qoritaan iyo suugaaneedba afka Soomaaliga.
Raggaas waxaan ka magacaabi karaa:
Alla ha u naxariistee Axmed Cartan Xaange, Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi),
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Axmed Cali Abokor, Rashiid Sheekh Cabdillaahi,
Faarax Gammuute, Yaasiin Axmed Xaaji Nuur, Siciid Jaamac Xuseen, Deeqa
Colujoog. Nasiibdarrose muddo yar kadibba taliskii askarta iyo hawlwadeenkii
ayaa isku dhacay, kadib markii ay suuragal noqon weydey wadashaqayntoodii.
Halkaas ayay ku baabàday hay`addaasi. In kasta oo ay akadamiyadu
hawlgab ahayd muddadii damboo idil haddana marka maanta la barbar dhigo
waxay ahayd hay`ad aan albaabada laalaaban oo wuxuun qabata una tarta
horumarinta afka Soomaaliga.
Dagaalka sokeeye iyo saamaynta uu ku yeeshay afka Soomaaliga:
Dhulkii loo aqoon jirey dalka gabayada ee ay degaan dadka gabyaayi, waxaa
cardaaduuqaha ka dhigay dagaal sokeeye oo ay holciyeen askar madax adag
oo talada dalka gacan kaligii talis ah ku soo maamushay iyo jabhado qabiileed
oo ay hagayeen huggaamiyeyaal qabiil oo macangayo ahi, oo aan haba yaraatee
wax barnaamij qarameed ah oo badali kara taliskii askarta aan wadan, iyaguna
hoostaaas col ka ah. Duufaan Mooryaan, Dhul-jiif, Dayday iyo Gaas-dhagooleyaal
hubaysan ah oo yaacaya ayna hagayaan huggaamiyayaasha dhagar qabayaal
qabiilleed(tribal war lords), ayaa sida yawgii TATAARKII horeba ilbaxnimadii
adduunka u burburiyey, cagta mariyey iyaga oo aan dheg la qabto lahayn,
wixii ilbaxnimo ahaa ee soomaaliyi fac ka fac hidde iyo dhaqanba u lahayd.
Dhammaanba hayadihii awalba liitay ee dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha,
ammaanka, iyo siyaasadduba waa tirtirmeen. Dhismihii dawliga ahaa iyo
dhammaanba xidhiidhadii dalka(the infrastructure) ayaa digada noqday.
Burburkan uu keenay dagaalka sokeeye waxa uu hakiyey wax alla wixii horumar
ahaa ee Af-Soomaligu ku tallabsan kari lahaa, 18 sannadood oo kaliya kadib
qoritaankiisii iyo rasmiyayntiisii iyo riditaankii taliskii kaligii tashiga
ahaa ee xakamaha adag ku noqday horumarkiisa (awrkii reeryadiisa dib u
cunay). Iyadoo kooban, waxaa la oran karaa, Soomaaliya waxa ka dhacay,
waa xumihii oo samihiii ka adkaaday, waa aqoondarradii oo aqoontii ka
adkaatay iyo talo-xumidii oo talo wanaaggii ka adkaatay.
Qabiilka lala waqdhoodhiyayo, kala googo´a danta lamooday, deegaanka
la baabìinayo, dilka iyo dhac joogtada ah ee maatada iyo dadka
aan dambiga lahayn ee la dhacyo, xasuuqayada dhacaya maalin kasta ee bani-aadminimad
ka fog, iyo qaranka qabiilka la dhaafsaday, miyeeyan ahayn xumihii iyo
aqoondarradii oo guulaystey iyo samihii iyo aqoontii oo guuldarraysatay.
Inkasta oo waxaas oo xumaan ahi ka dhex adeegeen bulshoweynta Soomaaliyeed,
haddana anigu same-odoros(optimist) ayaan ahay. Inta uu jiro afka soomaligu,
isaga isku afgaranayno, uusan ahayn mid la kala googoosan karo, una qaybsami
karin qabiilooyinka iimaanka beelay ee Soomaaliyeed, wili rajo ayay leedahay
sharafta, midnimada iyo jiritaanka ummaddeenna iyo dalkeennu. Isaga ayaynu
dib ugu wada hadli doonnaa, isku garwaaqsan doonna, dib ugu dhirin dhirin
doonnaa gefefka foosha xun ee aynu iska gallay, isugu soo hiloobi doonna,
dibna ugu hawl gali doonnaa sidii aynu isu waaciidsan lahayn, isugu nixi
lahayn, wanaagga iyo aqoontuna u jabin lahaayeen darbiyada adag ee ay
ina ka dhex samaysteen xumaanta iyo aqoon darradu.
|