|
Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga(maqaal
-1):
|
Qoraalkan oo ah mid aan ku soo ban dhigi doono, tubtii
sooyaalka ahayd ee qoritaanka afka Soomaaliga iyo halka uu ku suganyahay
af-soomaaligu maanta iyo wiliba aayihiisa dambe, waxa aan marka hore isku
dayayaa in aan wax ka idhaahdo bal afka soomaaligu halka uu ka soo jeedo
iyo waxyaalaha u gaarka ah ee uu ku caan baxay.
Af-Soomaliga waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay, afafka Afrikaanka
iyo Aasiyaanka (Afro-asiatic branch of languages) iyo qaybta afafka kushitiga
bari (Eastern cushitic subbranch).
Sidaas darteed Af-Soomaaliga waxay meel ka soo wada jeedaan, afafka ay
ka midka yihiin Saahada iyo cafarta(saho-Afar), oo lagaga hadlo qayba
ka mid ah Eriteriya tan iyo qaybo ka mid ah Djibouti, Af-Oromada oo ah
afka ugu badan ee dalka Ethiopia lagaga hadlo iyo afaf kale oo badan oo
lagaga hadlo bariga iyo geeska Afrika.
Waxaa isna saamayn weyn ku leh Af-soomaliga, afka Carabiga iyadoo la xaqiijiyey
in Afka Soomaaligu ereyo badan ka soo amaahday afka carabiga (20% ereyada
Soomaaligu waxay ka soo jeedaan afka carabta). Saamaynta Af-Carabiga waxaa
sababay arrimo ay ka mid yihiin, xidhiidhkii dheeraa ee ganacsiga iyo
diinta ahaa ee muddada dheer ka dhexeeyey labada ummadood iyo wiliba derisnimada.Hasa
yeeshee sida ay sheegeen aqoonyahaniin fara badan oo aad u darsay xidhiidhka
labada af ka dhexeeya heerka uu taaganyahay, waxa ay si cilmi ah u qeexeen,
in qaab dhismeedka labada af yahay mid aad u kala duwan.
Xidhiidhka bulshada soomaalida iyo afkooda:
Afka Soomaaligu wuxuu ku caan baxay, in uu yahay af aan qorayn ama af-hadaleed
(oral language), ayna ku hadasho bulsho-hadaleed(oral society). Haddaba
inkasta oo la oran karo in afka Soomaaligu qorraa tan iyo 1972-dii haddana,
wili waxaa inoo cad in dhaqan ahaan bulshada Soomaaliyeed ay tahay tu
hadasha. Arrintani waa mid hiddaysanaysa dhaqan xidido adag leh oo gaamuray,
isbedelkeeduna qaadanayo sida aan anigu aaminsanahay qarniyo badan.
Afkani intii uu jiray oo idilba wuxuu ku abaaday qoritaan la`aan. Haddaba
waxaa is-waydiin leh, sidee ayaa afka Soomaligu kaga soo badbaaday mawjadihii
iyo hirarkii afafka shisheeye ee dhinacyada badan kaga soo fatahayey,
ahaana kuwo xuubsiibtay oo qarniyo badan qorraa, isla markaasna lahaa
dhaqan adag oo leh xidido adag oo ay dhulka ku muteen.
Culimada afafka daristaayi, waxa ay arrintan ku sababeeyeen, iyada oo
afka Soomaaligu noqday af-hadaleed qani ah, lana soo ban baxay, suugaan
taya sare leh iyo qaab naxweed xooggan oo aan qorrayn. Waxa ay af Soomaaliga
ku tilmaameen afkii gabayga iyo suugaanta, ayna ku hadasho bulsho gabyaa
ahi. Sidaas daraadeed waxa la isku raacsanyahay, in suugaantu, gaar ahaan
mansadu ay qayb weyn ka cayaartay jiritaanka afka Soomaalida.
B.W. Andrzejewski oo ahaa caalim u bayni baxay daraasadda iyo raadraaca
afka Soomaaligu wuxuu yiri, " Soomaalidu waxay caan ku noqotay in
ay bareeraheeda ku soo ban dhigto hab-suugaaneed leh hidde faneed oo aad
u sarreeya"
kulamada waaweyn ee farxadda iyo xaaladaha dagaalka
iyo shirarka geedka hoostiisa ee guurtidu isugu timaadaba(Traditional
legeslative council), waxay dareeriyaan tuducyo qurux badan oo maanso
kala duwan iyo murti isugu jira.
Soomaalidu waxa ay dhambaalladeeda ku gudbin jirtey, gabay ama qaab murtiyeed
kale.Wiliba ku darso oo abwaan waliba sida quruxda badan ee uu ugu luuqeeyo
gabayga, ayuu ugu raaridi jirey gudaha qofka dhambaalka uu u dhiibayo
ama kan uu u dirayo, amaba horjooga ee uu markaas kula hadlayo. Qaafiyadda
gabayga ayaa iyana ahayd mid maansada Soomalidu ku caan baxday. Gabayba
gabayga uu ka qaafiyad iyo hab dhac wanaagsanyahay, ayaa ku hari jirey
xusuusta dadka.
Sidoo kale ninkii la odhan jirey Richard Burton oo ahaa
sahamiyii iyo aqoonyahankii caanka ahaa ee boqortooyadii isticmaarka ingiriisku
u dirtay geeska iyo bariga Afrika, waxa uu ku sheegay, warbixin uu u gudbiyey
dalkiisa, in daka Soomaalidu ay yihiin dad gabaya, afkooduna yahay af-gabay.
Aqoonyahanno fara badan oo luqadaha darsaayi, waxa ay iyaguna hoosta ak
xarriiqeen in af-soomaaligu yahay af aad qani ugu ah dhinaca suugaanta
iyo murtida. Raggaas waxaa ka mid ah: Said.S. Samatar, David. D. Laitin,
John. W. Johnson, I.M.Lewis, Ali Jumcaale Axmed.
Gabayga oo kaliya ma aha waxyaalaha afka Soomaaligu caanka ku noqday,
waxxase kale oo afkani ku caan baxay dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin,
cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka(folklore dance), sheeko xariirta iyo heeso
dhaqameedka sida kuwa koolkoolinta curuurta (liloby songs), Hees-hawleedda
(work songs), iyo hees cayaaredda (dance songs). Masraxa casriga ah ee
maantuna waa mid meel muuqata kaga jira hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyada
cusub.
|