Mareegta danabku waxay ka koobantahay:
Sidaynu horayba uga soo hadalay danab dhaliyuhu wuxuu badalaa tamar makaaniko ama mid kiimiko, tamartaas oo uu u badalo tamar danab. Wuxuuna soo saaraa Tamarkayd isdheeri. Isku xidhnaanta tamarkayd isdheerida iyo caabbiga waxaa ka dhasha ama socod bilaaba danab hayaanka. Tijaabo:
Bal aynu tijaabadeena gudagalo, caabiga waxaynu ka dhigaynaa joogto aan isbadalayn ahna 20 ohm Aragti:-
Tijaabadan aynu samaynay waxaynu xaqiiq u ogaanay inay isku xidhanyihiin danab hayaanka iyo tamarkayd isdheerida, marka caabbigu joogto yahay. Waxaynu ku muujin karnaa garaaf in marka aynu kordhino tamarkayd isdheerida uu la kordho danab hayaanka, waa marka aynu haysano caabbi joogta ah.
Saamigalka qum?an ee I x U waxaynu ka dhigikarnaa ama u badali karnaa isle'eg; I = k . U . Markaa qiimaha k waxaynu kusoo saari karnaa xisaab ahaan, aragtidii aynu soo marnay ama tijaabadii aynu soo samaynay aan kasoo qaadano laba aragtiyood, tusaale ahaan aragtidii No:2 iyo No:5
k waxay lamidtahay dhamaan qimeyaasha, taas oo aynu oranayno k waa joogto ( constant ). Waxayna kaliya oo ay ku xidhantahay xamuulka ( load ). Joogtadaas ku xidhan xamuulka ayaa layidhaa gudbinta danabka ( conductance) sidoo kale sumada gudbinta danabka ayaa waxa layidhaa simonis(siemens).
Sumad G
Haddii aynu soo qaadano Aragtidii ama tijaabadii aynu soo samaynay ee elektroon hayaanku ahaa 0,5 A raacayana laxaadka x.d.w dhan 10V. Markaa caabbiga danabku wuxuu ahaa joogto.
Haddii aynu is barbar dhigno gudbinta iyo caabinta waxaynu helaynaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo, maxaayeelay aragtidii ama tusaalihii 2-1, waxaynu ku soo aragnay in caabbigu R uu ahaa joogto, gudbinta danabkuna G in uu sidookale joogto ahaa waxaa kale oo aynu ogaanay in marka laxaadka x.d.w uu kordho elektroon hayaankuna uu la kordhayay. Bal hadana aynu samayno tijaabo aynu ku ogaanayno sida uu isku badalo elektroon hayaanku haddii aynu tamar kaydka joogto kadhigno caabbigana aynu marba heer ka dhign
Tijaabadani waxaynu ku ogaanaynaa xidhiidhka ka dhexeeya elektroon hayaanka iyo caabbiga, marka joogto laga dhigo tamar kaydka. caabbiga waxaynu kor ugu qaadaynaa marba xad laga bilaabo R = 10W ?ilaa R = 40W ???taas oo fooltigu uu yahay joogto. cabiraha ambiyeerku wuxuu isla badalayaa markasta oo aynu kordhino caabbiga sida tijaabadan hoose inoo tilmaamayso.
Waxay tijaabadani inoo caddaysay in marka caabbiga kordhinaba iyadoo tamar kaydku joogto Yahay uu elektroon hayaanku yaraado ama uu hoos u dhoco. Tijaabadan bal aynu ku sii muujino garaaf.
Waxaa jirta caabbi uu leeyahay gudbiyuhu ama fiiladu, marka uu dhexmarayo danabku, taas oo keenta in tamar kaydka ay qaybi lunto ( voltage drop ) caabbigaas uu leeyahay gudbiyuhu in uu bato ama yaraadaa wuxuu ku xidhan yahay sadex arimood. 1. Fiilada jeexgudubkeeda (conductor cross-section) hadii ay yartahay caabbigeedu wuu kordhaa, haddii fiilada jeexgudubkeedu waynyahayna caabbigeedu wuu yaraadaa. 2. Fiilada dhererkeedu haddii uu dheeraado caabbiguna wuu la kordhaa, haddiise fiilada dhererkeedu gaabanyahay caabbigeeduna wuu yaraadaa. 3. Nooca ay tahay fiilada danabku dhexmarayo waxay la xidhiidhaa in uu caabbiga gudbiyuhu bato ama yaraado, tusaale ahaan fiilooyinka aynu danabka ku gudbinaa waxay u badan yiniin Maar(copper) iyo Naxaas(aluminium).
Marka aynu tamar kaydka siinayno mareegta cidhfkeeda( fiiri jaantuska sare) bilawga waa U1(applied voltage). Marka aynu cabirno(qiyaasno) tamar kaydka dhamaadka mareegtu waa U2(terminal voltage). Haddaba tamar kaydka lumay oo loo qoro Ud (voltage loss), waxaynu ogaanaynaa in uu yahay marka aynu kala jarno U1 iyo U2. Waxaa kale oo aynu ku soo saari karnaa tamar kaydka luntay sida jaantuska sare inatusayo Ud = I . RL
Sumada q Haddii aynu sharaxaad ka bixino Jeexgudubka gudbiyaha waa marka fiilo loo jaro si guduba, markaa waxaa jira in marka lasamaynayo fiilooyinka lagusoo qoro fiilawalba inta uu dhanyahay jeexgudubkeedu, dhererkeeda iyo nooca birta ay ka samaysantahay maxaa yeelay waa lagama maarmaan in aad taqaan marka aad ka shaqaynayso xidhitaanka mareegaha danabka. Jeexgudubyada badanaa la'isticmaalo waxaa ka mida. 0,75mm2 1.5mm2; 2.5mm2: 4mm2; 6mm2; 10mm2. i.w.m. Jaantuskan hoose waxaynu ku muujinaynaa sida ay isugu xidhan yihiin labadan
arimood ee aynu ka hadalay ee gudbiyuhu leeyahay sida:
Tusaale ku saabsan ku tiirsanaanta caabbiga gudbiyuhu uu ku tiirsanyahay
dhererka gudbiyaha, jeexgudubka gudbiyaha iyo nooca birta uu gudbiyuhu
ka samaysan yahay. Si toosa uma cabiri karno caabbiga gudbiyaha laakiin
waxaynu ka dhex ogaanaynaa:.
Waxaad xasuusnaataa in aan marna la'isticmaalin jeexgudubka dhan 1m^2, waxaase guud ahaan la isticmaalaa 1mm^2. Halbeega aynu qaadanayno si aan u helo caabbiga gaarka ah ayaa wuxuu noqonayaa sidan soo socota:.
Waxaynu soo baranay in gudbiyuhu leeyahay caabbi(conductor resistance) loona qoro ( RL), waxaanan soo saari karnaa caabbigaasi gudbiyuhu inta uu dhanyahay marka aynu haysano sadex arimood oo ah:. · Dhererka gudbiyaha.
Waxaa kale oo aynu soo baranay gudbinta danabka(electrical conductivity) loona qoro (p), waxanan lasoo bixi karnaa(heli karnaa) marka aynu haysano caabbiga gaarka ah(specific resistance). Sida qaaciidadan soo socotaa inoo tilmaamayso si dhibyar ayaynu ula soo bixi karnaa kolba tan aan haysano maahee tan kale.
Haddii aynu dib ugu noqono xeerkii uu lahaa caabbiga gudbiyuhu(conductor resistance) ee u qormayay RL miyaynaan lasoo bixi karin haddii aynu haysano gudbinta danabka(electrical conductivity) jawaabtu waa haa, maxaa yeelay waxaa inoo cadaynaya qaaciidadan:.
Sidaynu horeba usoo magacawnay gudbiyeyaasha waxaa laga samayn karaa biro kala duwan, nooc wal oo birahaas ka mid ahina waxay leeyihiin caabbi u gaara iyo gudbin u gaara, waxanan ku muujinaynaa jadwalkan hoos ku qoran heerkulka ay markaa yaalaana waa 20C^o.
Haddaba caabbigaas uu leeyahay gudbiyuhu(cable) ee aynu kor kusoo sheegnay, aynu raacno tusaalahan fudud ee ku saabsan sida aynu ku ogaan lahayn:. Tusaale:
Hadda waxaa kale oo aan si dhibyar usoo saari karnaa tamar kaydka ku lumay siligaasi 300m ah inagoo adeegsanayna xeerkan aynu hore usoo baranay:. Ud = I . RL Ud = 14A . 3,57 Ohm = Ud = 50 V
Maayada danabka ee qulqulaya qayb kasta oo ka mid ah mareegta, haddii aynu naqaan xeerka Ohm ( I = V/R ), waxa aynu ka heli karnaa caabiga qaybtaas ( R ) iyo tamar kayd isdheeridda u dhaxaysa labada cidhif ee qaybtaas ( V ). Haddii tamar kayd isdheeri madoorsoome ah innaga oo haysanna uu bato caabigu, waxaa yaraanaya maayada danabka. Tusaale ahaan guluubbada xaasawda shidanta leh caabbigoodu aad ayuu u badan yahay. Waxa weeyi boqollaal Oom markaa maayada danabka dhex marayaa waa uu yar yahay ( waxa weeyi dhawr hal tobnaad oo ambiyeer ). Haddii la isku xidho gudbiyeyaal oo laga boodo guluubka waxa la helayaa qayb mareegta ah oo caabigeedu aad u hooseeyo, intaa kadib waxaa badan kara maayada danabka ee mareegta dhexmaraya. Mareegta sidaas ah ayaa la yidhaahdaa mareeg binis ah oo samaysanta marka il danab lagu xidho caabbi aad u yar. Waxyeello wayn ayuu keeni karaa itaalka danabka ee batay marka uu gudbiyaha uu dhexmarayo kululeeyo. Waxa kale oo uu dhaawici karaa isha danabka ee uu ku xidhanyahay. Waxyeellada ka iman karta si loo baajiyo ayaa mareegta si tax ah loogu xidhaa badbaadiyeyaal. Waxa ay ka samaysan yihiin badbaadiyeyaashu maar, laxaamad, ama bir kale oo dhalaasha kadibna go'da marka itaalka maayadu ay kor u dhaafto intii loogu talagalay. Haddaba waxaa jirta jadwal loo dajiyay habkii uu u dooran lahaa ninka farsamayaqaanka ahi jeexgudubka(cross-section) siliga mareegta uu xidhayo iyo maajada ugu badan ee ay qaadi karto wixii intaa ka badana uu badbaadiyuhu gooyo si uu mareegta u badbaadiyo. Gudbiyeyaasha badanaa la adeegsado ayaynu jadwalkan ku soo qaadanay sida Copper = Cu iyo Aluminium = Al Table 01: Current capacity of insulated conductors and cable not laid underground, at an ambient temperature of 30nC.
Haddaba jadwalka(table) waxaynu ku aragnaa sadex hormo(group) kuwan oo u baahan sharaxaad. Hormada 1: waa hal ama laba gudbiye oo midba gaarkii u dahaadhanyahay. Haddaba waa in aad ku xisaabtantaa oo aad adeegsataa habkani ama jadwalkan
ka hor inta aanad u dhaqaaqin xidhitaanka mareegta, waayo waxa aad dooranaysaa
ama uu jadwalkani kaa caawinayaa waa gudbiyihii ku haboonaa mareegta aad
xidhayso, isla markaana gudbiyuhu wuxuu noqonayaa mid fuliya arimahan
soo socda: Xamuulka mareegta ee la'ogyahay haddii uu intaa ka kordho waxaa isjara rilayda difaacda xamuulka kordha( over loading relay). Haddii aydhacdo in ay mareegta ku timaad cilad keenta mareeg binis(short circuit), taana waxaa ka hortaga ama badbaadiya mareegta (over load protection devices). Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in aynu muhiimada saarno jadwalkan hoos ku muujisan ee inoo muujinaya jeexgudbyada gudbiyeyaasha iyo cabirka heerka maayada badbaadiyaha mareegta( overload protection). Table 02: Correspondence between overload protection units and rated cross-sections of insulated line.
Waligaa adeegso qiimaha loogu talagalay badbaadiyaha ee ku qoran oo ka taxadir mid kayar ama ka badan in aad u adeegsato mareegta. Badbaadiyeyaasha mareegta ee marka ay dhalaalaan(gubtaan) la badalo iyo Aalada kale ee iyadu mareegta furta(goysa) si otumatik ah marka ay ciladi mareegta ku timaad(automatic circuit breakers), waa badbaadiye yaasha mareegta difaaca ee marka uu yimaado rar ama xamuul dheeraad ah oo mareegta saarma difaaca(overload protection devices). Badbaadiyeyaashu waa kuwa ugu dareen badan mareegta oo dhan marka mareegta ay ku timaad kululaad uu keenay qulqulka maayadu, haddii ay maayadu korodho oo ay dhaafto heerkii loogu talagalay markii mareegta la xidhayay isla markaaba waxaa dhalaala xaasawda badbaadiyaha(fuse wire) wuxuuna ku dhalaalaa ammin go'an(xadidan) sidaas ayayna mareegtii u badbaadaa oo ay u kala furtaa. Haddaba badbaadiyeyaashu waxay leeyihiin magacyo iyo astaamo kala duwan oo ay taasina ina barayso shaqooyinka ama hababka kala duwan ee ay mareegta u badbaadiyaan. Tusaale: Badbaadiyaha leh astaanta D - system oo guudahaan looyaqaan DIAZED - fuses, noocani oo ay dhex mari karto maayad dhan 2A ilaa 100A, heerka tamarkaydka(volt) oo iyadna dhan 500V.
Badbaadiyaha leh astaanta Do - system oo guudahaan looyaqaan NEOZED
- fuses, dhismo ahaan wuxuu lamidyahay D - system laakiin kaliya wuu
ka yaryahay oo waxaa dhexmarikara maayd dhan 2A ilaa 100A oo heerka tamarkaydkoodu
dhanyahay 380V(250V dc. danabtoosan).
aalada mareegta u furta si otumaatik ah marka ay ciladi mareegta ku timaad(automatic circuit breakers) aaladani way ka dhibyartahay badbaadiyeyaashii aynu hore u soo baranay oo iyadu uma baahna qalab laga badalayo oo gubta hase yeeshee marka la xaliyo ciladii mareegta ku timid sidii furaha ayuunbaa mareegta dib looshidaa(switched on again after tripping).
Waxaa kale oo ay aaladani inooqabataa haddii ay mareegta ku soo kordho xamuul dheeraad ahi si dhakhso ah ayay u furtaa mareegta qaabkan ay u shaqayso oo ah birlab danabeed(magnetic relay) taas oo uu ku dhasho xoog biralb danabeed marka mareegta ay dhexmarto maayad ka badan intii loogu talagalay sidaana ku furta mareegta, aaladani maayada ugu saraysa ee dhexmari kartaa waa 10A ac, tamarkayd dhan 220/380V.
Aaladan oo ka kooban laba cayn(nooc) lehna laba astaamood oo u gaar ah kuwan oo kala ah: Astaanta L ( L-characteristic) iyo Astaanta G ( G-characteristic) haddaba aaladan leh astaanta-L mafurto mareegta ka hor mudo hal saac gudeheeda ah markii tijaabo la sameey ee laga kormariyay maayadii mareegta loogu talagalay 1,3 ilaa 1,5 jeer, haddiise maayada laga kormariyo 2,4 jeer aaladani mareegta kuma furi karto ammin kayar 0,1s, haba ahaatee haddii maayadu 3,5 jeer ka kor marto intii mareegta loogu talagalay waxay aaladani mareegta ku furaysaa ammin ka yar 0,1s.
Aaladan leh astaanta-G waxay inooqabataa badbaadinta mareegta iyo qalabka ay mareegtu ka koobantahay, taas oo marka xamuulka mareegta kusoo kordhay uu aad u yaryahay waxay mareegta u furtaa si ka dhakhsobadan sidii aaladii astaanta-L , haddii xamuulka mareegta fuulay uu aad u badanyahayna waxay mareegta ku furtaa ammin ka baddan oo in ay mareegta hore u furto way ka gaabisa fiiri Garaafkan kor aynu ku muujinay:
Sida jaantuska kore ina tusayo F1, F2, F3, F4 iyo F5 waa badbaadiyeyaasha mareegta danab ee guryaha si uu u gooyo mareegta haddii uu soo dhexmaro danab itaal badani inta aanu waxyeelin qalabka danabka ku shaqeeya ee la adeegsado ama aanu dabba u kicin. Badbaadada iyo nabadgalyada dadka waxaa u roon siligyada danabku dhexmaro in lagu aaso dhulka, hase yeeshee dhulkeena waxay ku xidhan yihiin tiirar oo waddooyinka ayay kor maraan. Jaantuskan ayaa kuu muujinaya mareegta danabka ee guryaha. Laba silig oo mid danab sido ( oo noolyahay ) midna uuna danab sidin ama eber ah ayaa soo gala guriga dhulka qaarkiina waxaa jira silig sadexaad oo la socda labada aynu soo sheegnay. Siligan sadexaad wuxuu faa'iido leeyahay in uu badbaadiyo dadka oo waxaa lagu xidhaa qalabka ku shaqeeya danabka korkiisa sida jaantuska hoose ina tusayo, maxaa yeelay qalabka dushiisa hadii uu taabto gudbiye danabaysani wuxuu khatar u keenaa qofka taabta qalbkaas, laakiin haddii gudbiyahaasi ah badbaadiyuhu uu ku xidhanyahay qalabka oo gudbiye danabaysani taabto waxaa dhacaya mareeg binis kadibna waxaa go'aya badbaadiyaha.
Siligga danabka sida marka u horaysa waxaa lagu xidhaa badbaadiye kadibna tamar-beegga ( oo ah ka laga ogaado xaddiga tamar danabka ah ee guriga lagu isticmaalay ). Laba arimood waa in aad xasuusnaataan: Badbaadiyaha haddii lagu xidhi lahaa siligga dhexaadka ahna waxa dhici lahayd in marka uu go'o, ay mareegtu meel dhexe ka go,i lahayd ee aanay halka bilawga ah aanay ka go,deen, Markaa danabkii la doonayey in uu mareegta oo dhan ka joogsado aanu ka joogsanayn, haddii taarka go'ay uu taabto gudbiye kale sida darbi qoyan ama dhuun bir ah. Ta labaad ee aad xasuusnaataan waxa ay tahay in qalabka ku shaqeeya danabka oo dhammi ay barbarro isugu xidhan yihiin. Sidaa waxa loogu xidhay in ay tamar kayd isdheeridda labada geftin ee qalab waliba uu noqdo 220V. Haddi aynu tax isugu xidhi lahayn waxaa dhici lahayd in tamar kayd isdheeriddu marka ay qalab dhexmartaba sii yaraato, taas oo ay ugu wacan tahay qulqulka maayada ku lumaya qalabka dhexdiisa.
Wakaaladdaha danabku waxa ay innaga iibiyaan tamarta danabka ah ee la'inooga soo tabiyo saldhigyada danabka. Qalabka danabka ku shaqeeya ee aynu guryaheenna ku adeegsano ayaa tamarta danabka ah geddiya oo hawlo aynu u baahannahay inoogu qabta. Tamar danabka sida wejiyada kale ee ay tamartu yeelato waxa lagu tibaaxaa juul. Qayaxaadda halbeegga awoodda ( kaas oo ah waatka ), haddii aynu eegno qalab ku shaqeeya danab oo ay awooddiisu tahay hal waat waxa uu isticmaalaa tamar danab hal juul ah sekenkiiba ama 1 juul = 1 waat seken. Markaa waat sekenka qudhiisa ayaa noqon kara halbeeg tamar, waa uu se yaryahay. Wakaaladda danabku halbeegga ay innagaga iibiso tamar danabka waxa weeye Kiiloowaat-saacad ( KWH ). Halka kiiloowaat-saacad waa tamar danab hal saac uu isticmaalayo qalab danabeed, awooddiisu tahay 1000 waat ( 1 K W ). Markaa Girgire danabeed awooddiisu 3KW tahay oo shaqeeya laba saacadood waxa uu isticmaalayaa 6KWH oo tamar danab ah.
Tusaale: Awood (P) = V. I = 220 X 12 = 2640 Waat Haddii kariyaha ay awooddiisu tahay 2,46 KW uu 15 daqiiqo shidnaa waxa ay la mid tahay tamarta uu isticmaalay iyada oo awooddiisu 2,64/4 KW ahayd oo uu shidnaa 15X4 daqiiqo = 1 saac. Markaa waxa uu isticmaalay KW X 1 saac = 0,66 KWh. Qiimaha hal KWh = 60 senti. Markaa qiimaha tamarta uu kariyuhu isticmaalay waa 0,66 X 60 = 39,6 senti.
|