SIYAABAHA LOO DHALIYO DANABKA

Danabka waxaa loo dhalinkaraa siyaabo farabadan inaga oo ka faa'iidaysanayna tamar makaaniko, mid kuleed, mid ifeed iyo mid kiimiko hababkaas oo u shaqeeya sidan soo socota:
1. In dhaqaajiye kushaqeeya badrool ama naafto uu wareejo Danab dhaliyaha.
2. In biyo meelsare kasoodhacayaa wareejiyaan giraan ku xidhan Danab dhaliyaha.
3. In dabayshu wareejiso Marawaxad ku xidhan Danab dhaliyaha.
4. In toorbiin ka uumigu wareejiyo giraan ku xidhan Danab dhaliyaha.
5. Habka kiimikada oo ah danabka aynukahelo batariyada.
6. Habka iftiinka cadceeda.iwm.

SAAQ BIRLABDANABOW

Haddii aynu dib u eegno cutubkii hore ee birlab danabeedka, in badan saynis yahanadu waxay dareensan yihiin in birlabnimada iyo danabka uu xidhiidh ka dhexeeyo. Sida caadadu tahay saynisyahanadu aad ayay isugu hawleen in ay ogaadaan waxa ka dhexeeya labadaa.

Hans ckristian Orsted
1777-1851

Tijaabadii uu sameeyay ninkii Danishka ahaa ee Orsted waxaynu ka baranay haddii silig gudbiye ah ladhex mariyo danab-hayaan in uu badad birlabeed siligga ku xeerani uu dhasho. Maykal faaraday waxa uu daahfuray in uu xoog danab wade (x.d.w) = Electromotive Force(emf) ku dhalanayo gudbiye yaala bad birlabeed, haddii gudbiye la dhaqaajiyo si uu u gooyo xariijimaha falgaska badka birlabta ama ladhaqaaji birlabta.

Isla fikraddaa waxaa helay Joosef Henri oo aan ka warqabin Maykal faaraday. Xoogdanab waduhu habraaca uu ku dhasho marka gudbiyuhu uu jaro xariijimaha falgaska badka birlabta waxaa layidhaahdaa Saaq birlabdanabow. Xooga waxaa layidhaahdaa x.d.w, ku saaqmay. Haddii uu gudbiyuhu ka mid yahay mareeg xidhan, oo uu X.D.W, samaysmo, waxaa maregta mara danab hayaan lagu saaqay. Tegnolojiga cusub waxa u sal ah dhalinta iyo qaybinta awoodda danabka ee qiimaha jaban leh.

Waxa suurto geliyay tegnolojiga maanta, waxyaabihii ay Faaraday iyo Henri daahfureen oo u sal noqday samaynta Danab dhaliyeyaasha iyo Dooriye yaasha. Iminka waxa aan samaynaynaa tijaabooyin ku dhaw kuwii Faaraday oo kale. Gabagabooyinkani aan ka hello tijaabooyinkani waa kuwii uu horeba Faaraday ugu gaadhay tijaabooyinkiisii.

Marka siligga la dhaqaajiyo isaga oo ka fog, badka wax leexad ah kuma aragno irbadda galfanoomitirka, hase yeeshee marka aan siligga marino badka waxa aan aragnay in, mararka qaarkood, ay irbaddu dhaqaaqdo. Dhaqaaqa irbadu waxa uu inoo tilmaamayaa in danab hayaan uu marayo siligga iyo galfanomitirka isku xidhan. Danab hayaan ma qulquli karo X.D.W la'aanteed. Markaa waxa aan ka ogaanay tijaabada in X.D.W uu ku saaqmay siligga. Waxa aan intaas ku gabagabaynay in marka qudha ee X.D.W ku saaqmi karo siligga ay tahay marka uu siliggu goynayo xariijimaha falgaska badka birlabyada.

Tijaabada waxa kale oo innagu soo maray in marka kor loo riixo siligga ay irbadda galfanoomitirku dhan u leexanayso, haddii hoos loo riixana ay irbaddu dhanka ay u leexanaysaa uu yahay dhanka kale. Taa macnaheedu wxa weeyaan danabka ku saaqmay gudbiyaha jihadiisii ayaa isbadashay, markaa waa in X.D.W ha jihadiisuna ay isla baddashay. Haddaba waxa aan oranaynaa jihada xoog danab wadaha gudbiyaha ku saaqmay, waxa ay ku xidhantahay kolba jihada gudbiya loo dhex-mariyo badka.

Waxyaabaha kale ee aan tijaabada ka helay waxa weeyaan in marka dhaqso gudbiyaha loo dhex mariyo badka uu laxaadka irbadda danab tusahu sii waynaanayo. Haddii la adeegsado bad birlabeed aad uga itaal weyn tii hore, waxaa dhacaysa in leexadka irbaddu siikorodho. Labada jeerba xoog danab wadaha saaqmay waa uu kordhayaa. Dhaqso u dhaqaajinta siligga iyo adeegsiga badad itaal wayni, labaduba waxa ay kordhinayaan xariijimaha falgaska uu gudbiyuhu jarayo muddo go'an. Haddaba waxa aan ogaanay in laxaadka xoog danab wadaha ku saaqmay gudbiyuhu uu saamigal qumman ku yahay dhaqsaha ay isu beddelayaan tirade xariijimaha falgaska ee uu jarayo gudbiyuhu. Ka soo qaad in cufnaanta falgaska ee badku ay madoorsoome tahay, siligguna uu badka ku dhexmarayo kaynaan madoorsoome ah.

SABABTA KEENTA XDW SAAQA

Mar haddii silig gudbiye ah la dhexmariyo bad birlabeed waxaa ku saaqmaya xoog danab wade(xdw), haddii la dhamaystiro mareegta xdw ah waxa uu dhalinayaa danab hayaan ku saaqma mareegta. Si aan u garanno waxa u sabab ah xdw saaqmay, aan ku yara laabanno waxyaabahaan horey u soo baranay.

Siligga gudbiyaha ah ee ku jira badka birlabtu waxa uu leeyahay elektaroon farabadan oo xor ah, markaa elektroonada soconayaa waa danab hayaan. Raadka dhaqaajiyaha(motor) waxa aynu ku arki doonaa in haddii silig elektroonno hayaan ahi marayaan la dhigo bad birlabeed uu dhasho xoog dhaqaajiya siligga. Sida dhabta ah xooggaasi waxa uu elektoonnada hayaamaya ka leexiyaa jihadoodii toosnayd.

Sida aynu jaantuuskan hoose ku aragno kasoo qaad in gudbiyaha ku dhex jira badadka birlabta midig loogu riixo kaynaanka "k" isaga oo dhex maraya bad cufnaanta falagaskiisu tahay "B" waxa aan u arki karnaa in elektroonnadii xorta ahaa ee gudbiyuhu dhex marayaan badka iyaka oo xawaarahoogu yahay "k" waayo elektroonnadu waxa ay ka midyihiin gudbiyaha. Markaa xooga F ayaa falaya elektroonnada , xoogaasi waa mid ku ligan badka "B" iyo kaynaanka "k". elektroonnada xoogu waa uu dhaqaajinayaa oo waxa uu ka kaxaynayaa cidhifka hore ee gudbiyaha, waxana uu gaynayaa cidhifka danbe.

Cidhfka hore togane ahaan ayaa uu u danabaysmayaa, waayo elektroonnada ayaa ku yaraanaya. Cidhifka danbena tabane ahaan ayaa uu u danabaysmayaa, waayo elektroonnadii ayaa ku badanaya. Gudbiyuhu laba cidhif ayaa uu yeeshay, cidhif tabane ah iyo cidhif togane ah, markaa tamar kayd isdheeri ayaa ku abuurantay gudbiyaha. Haddaba in aan ogaano xadiga tamar kayd isdheerida dhalatay, waxaynu kula soo baxaynaa xeerkan soo socda.

Sida aynu aragtidan sare ku aragno, haddii xariiqaha jaraya gudbiyaha ama kaynaanka lagu dhaqaajiyo gudbiyuhu kordhaan waxaa kordha xoog danab wadka ku abuurma gudbiyaha.

Qeexid:
E = Xoog danab wade (x.d.w) = Electromotive Force (emf)
Uo = E
B = cufnaanta falgas birlabta = Magnetic flux density
K = kaynaan = Velocity(v)
L = dhererka gudbiyaha badka birlabta yaal

Xusuus:
Waxaa la ogsoon yahay in 100 000 000 = 10^8 ay yihiin tirada xoog-leebeedka falgas birlabta jaraya gudbiyaha il-biriqdiiba(sakankiiba) kuwaas oo abuuraya tamar kayd dhan 1V.


Tusaale: sida shaxanka sare inoo muujinayo bal aynu xisaab ahaan ku soo saarno tamar kaydka gudbiyaha ku saaqmay.

10 000 . 8 cm . 12 cm/s = 960 000 xariiqaha falakiska jaray gudbiyaha:
960 000 : 100 000 000 = 0.0096 V. Uo = 0.0096V = 9.6mV

DANAB DHALIYE

Waxa aan soo barannay haddii gudbiye la dhexmariyo bad birlabeed in uu gudbiyaha ku saaqmayo xoog danab-wade. Haddii uu gudbiyuhu ka mid yahay mareeg dhan, waxa uu galfanoomitirku inna tusayaa in elektaroon hayaan uu ku saaqmayo mareegta. Xeerka Lenis waxa uu inoo sheegayaa in hawl loo baahanyahay si loogu saaqo elektaroon hayaan mareegta.

Haddii gudbiyaha gacanteenna ku dhaqaajinno hawl ayaan qabannay. Tamartaasi waxa ay ku kaydsantaa mareegta gudaha. Elektaroonnada mareegta debedda marayaa waxa ay qaban karaan hawlo badan sida: Biyo ayaa ay kululayn karaan, Nal ayaa ay shidi karaan, Marawaxad ayaa ay dhaqaajin karaan i.w.m. markaa waxa inoo suurto gala in aan tamar socod u baddali karno tamaro badan oo kala jaad ah.

Kor iyo hoos u wadidda gudbiyaha si ka habboon ayaan danab hayaan ugu saaqi karnaa mareegta. Waxaa la sameeyaa duub wareegyo badan leh ayaa lagu dhex wareejiyaa badka birlabta.

Duubkaas waxaa la yidhdaa XURBIYE. Xurbiyaha mareegta debedda waxa ugu xidhan GIRAAMO.(slip rings) Marka uu xurbiyuhu wareego, giraamuhuna waa ay wareegaan. Giraamaha waxaa taabsiisan burushyo dhuxul ka samaysan. Burushyadu elektaroonnada uu socodsiinayo xoog danab wadaha ku saaqmay xurbiyaha, ayaa ay u gudbiyaan debedda sida jaantukan sare ina tusayo.

Dhiska caynkan oo kale ah (eeg jaantuska) waxa la yidhaahdaa DANAB-DHALIYE. Macnuhu ma aha inta meel la iska dhigo ayaa elektaroon hayaan uu abuuraa, ee waxa weeyaan, tamar socodka uu xurbiyuhu ku dhex wareegayo badad birlabeedka ayaa elektaroon hayaan ku saaqda mareegta debedda. Markaa waxa aan ogaannay in danab-dhaliye uu tamar makaaniko u beddelo tamar danab. Xubnaha ugu waaweyn ee uu danab-dhaliyuhu ka samaysan yahay waxa weeyaan:
Birlabaha, Xurbiyaha, Giraamaha iyo Burushyada.

Xoog danab-wadaha ku saaqmay xurbiyaha, iyo elektaroon hayaanka ku saaqmay mareegta oo dhammi waxa ay ka dhasheen is-dhex-marka xurbiyaha iyo badka birlabta.

Mar haddii ta qudh ah ee lagama maarmaanka ahi ay tahay in uu xurbiyuhu jaro xariijimaha falgaska badka birlabta, haddii badka la wareejiyo xurbiyaha oo taagan iyo haddii xurbiyaha la wareejiyo bedka oo taagani waa isku raad. Labaduba waa ay saaqayaan elektaroon hayaan iyo xoog danab wadeba. Abuurida xoog danab-wade saaqa marka gudbiye la dhex mariyo badad birlabeed ayaa la yidhaahdaa RAADKA DHALIYAHA,

Haddii aan naqaan jihada badka, iyo jihada uu gudbiyuhu u socdo, waa aynu heli karnaa jihada ay elektaroonnadu u hayaamayaan. Waxa aan adeegsanaynaa xeerka gacanta bidix ee loo yaqaan xeerka Dhaliyaha.

XEERKA DANAB DHALIYAHA

Sida inooga muuqata shaxankan hoos ku muujisan fidi suulka, murdisda iyo far-dhexada gacanta bidix iyaka oo isku wada ligan. Murdisada u jeedi jihada badka, suulkana jihada loo dhaqaajiyey gudbiyaha, jihada elektaroonadu u hayaamayaan waa ta ay u jeeddo far-dhexadu
Danab dhaliyuhu tamar makaaniko ayaa uu u beddelaa tamar danab.

 

DANAB DHALIYAHA TALANTAALIGA AH (A.C)

Marka xurbiyuhu uu jarayo xariijimaha falgaska badka ayaa waxaa ku saaqma xoog danab-wade. Haddii uu xurbiyuhu ka mid yahay mareeg dhan, elektroon hayaan ayaa isna ku saaqma mareegta. Danab dhaliyeyaasha waxa loo kala qaybiyaa laba nooc. Nooc waxa uu soo saaraa Danab hayaan talantaali ah (A.C), nooca kalena Danab hayaan qumman (D.C).

Hadda waxa aynu fiirinaynaa danab dhaliyaha talantaaliga (A.C).

Haddii aad eegtid jaantuska, waxa aad arkaysaa in laba dhinac oo wareega gudbiyaha ahi ay jarayaan xariijimo falgaska. Haddi aan labada qotin ee burushyada ku xidhno Oscilloscope waxaan arkaynaa in X.D.W uu laxaad kiisu ka kordho eber ilaa laxaadka ugu wayn waa marka uu gudbiyuhu wareego rubuc meerto. Rubuc meertada ku xigana, laxaadka X.D.W waxa uu ka yaraadaa laxaadka ugu wayn ilaa eber. Rubuc meertada sadexaad, laxaadka X.D.W waxa uu ka kordhaa eber oo waxa uu gaadhaa laxaadka ugu wayn, laakiin jihadii ayaa is beddesha. Rubuca meertada afraad, isga oo ay jihaddisii wali beddelan tahay ayaa laxaadkiisu yaraadaa oo uu noqdaa eber. Markaa meertadii walba waxa uu xooga danab-waduhu isu beddelaa sida aan jaantuska ku aragno.

Meertada badhkeeda hore jihada XDW waa madoorsoome, laakiin, laxaadkiis ayaa eber ah barta 0 , waxaa ugu wayn barta (a) oo xagal 90 digri ah, barta (a') waxa uu noqdaa (0) taas oo xagal 180 digri ah. Meertada badhkeeda kale jihadiisa waa uu baddelaa XDW. Barta (b) oo xagal 270 digri ah ayaa ugu laxaad wayn , barta (b') oo xagal 360 digri ah eber ayaa uu ku noqdaa. Meertada danbena sidaa oo kale ayaa uu ku soo noqnoqdaa. Markaa waxa aan nidhaahnaa XDW cidhifnimadiisu waa talantaalli. Sidaa oo kale ayaa elektaroon hayaanka, ay qaadayaan giraamuhu, ee maraya mareegta dhan uu talantaalli u yahay.

Jaantuuskani waxa uu muujinayaa dhismaha danab dhaliyaha quman, sida dhabta ah faraqa u dhaxeeya danab dhaliyaha AC iyo DC waa giraamaha iyo badh giraamaha. Danab dhaliyaha elektroon hayaanka qumani wuxuu leeyahay badh giraamo ku xidhan xurbiyaha fiiri jaantuuska.

XOOG DANAB-WADE DIB-U-JEEDA

Raadka dhaqaajiyaha danabku waxa uu ahaa in haddii gudbiye elektaroon hayaan maraya la dhex-dhigo badad birlabeed, kaas oo gudbiyuhu dhaqaaqayo. Marka uu gudbiye bad birlabeed ku jiraa dhaqaaqo waxa uu jaraa xarriijimaha falgaska markaa waxaa ku saaqma XDW. Sidii aan ku soo baranay raadka danab dhaliyaha.

Sidaa darteed dhaqaajiyuhu waxa uu u shaqeeyaa sidii danab-dhaliyaha oo kale, socodka xurbiyaha dhaqaajiyuhu waxa uu ku saaqaa xurbiyaha XDW ku lid ah tamar kayd isdheeridda cidhifyada dhaqaajiyaha. Xoog danab wadka uu socodka xurbiyuhu uu dhaliyay ee ku lidka ah tamar kayd isdheerida ildanabka ku xidhan dhaqaajiyaha ayaa la yidhaa xoog danab wadaha dib-u-jeeda.

Elektroon hayaanka maraya dhaqaajiyuhu waxa uu ku xidhanyahay tamar kayd isdheeridda lagu xidhay dhaqaajiyaha iyo xoog danab wadaha dib-u-jeeda.

Dhaqaajiye rar la'aan ku socda xawaarihiisa ugu badani waxa uu dhaliyaa xoog danab-wade dib-u-jeeda oo ku dhaw tamar kayd isdheeridda ku xidhan, markaa elektroon hayaanka loo baahan yahay aad ayuu u yaryahay.Haddaba marka dhaqaajiyuhu qun-yar u wareegayo waxaa yaraada xoog danab wade dib-u-jeeda, faraqa u dhexeeya isaga iyo tamar kayd isdheeridda ayaa waynaata, Sidaa darteed elektroon hayaanka maraya dhaqaajiyuhu waa uu waynaadaa.

LAFTII-SAAQNIIN
(Self-induction)

Haddii uu gudbiye ka samaysan yahay wareegyo, falagas birlabeedka wareeg waliba waxa uu jaraa wareegyada u dhaw, markaas ayaa tamar kayd isdheeri ku saaqantaa mareegta. Xeerkii lenis waxa uu innoo sheegayaa in jihada tamar kayd isdheeridda saaqantay ay ku lid tahay socodka falagaska keenaya saaqniinka. Wadarta tamar kayd isdheeriddaasi waxa weeyaan xoog danab wade dib-u-jeeda ku abuurmay duubka.

Marka laxidho furaha mareegta elektaroon hayaanku waa uu kordhaa markaa xoog danab wadaha saaqmay waxa uu ku lid yahay tamar kayd isdheeridda isha danabka. Marka uu elektroon hayaanku gaadho laxaad go'an ayaa fididdii badkiisu joogsadaa, dabadeedna laxaadka XDW-hii saaqmay eber ayaa uu noqdaa.

Marka furaha la furo elektroon hayaanka laxaadkiisu waa uu yaraadaa, bad birlabeedkiisuna waa uu dumayaa. Sidaa darteed XDW-ha saaqmay waxa uu ku lid noqonayaa jihada uu elektroon hayaanku isu beddelayo, ama yaraantiisa. Markaa jihada XDW-hu waxa uu la mid noqonayaa taa tamar kay disdheeridda isha danabka. Ta uu XDW-hu ku lidka yahay ma aha elektroon hayaanka laftiisa, ee waa is beddelka elektroon hayaanka ku dhacaya.

Astaanta uu leeyahay duub, ee u suurto galisa isbeddelka elektroon hayaanka maraya duubka in uu ku saaqmo XDW , ayaa layidhaa laftii-saaqniin(self-induction), ama saaqniin(induction). Laxaadka saaqniinka 'L' waa saamiga xoog danab-wadaha ku saaqmay duubka dhaqso isbeddelka sekenkiiba ee elektaroon hayaanka maraya duubka.

Halbeegga laftii-saaqniinku waa heneri marka la soo gaabiyana waxa loo qoraa 'h', halbeeggan waxaa lagu maamuusay Fisigis-yaqaankii Maraykanka ahaa ee la oran jirey Joosef Heneri. Duub kasta astaantiisa saaqniinku waa madoorsoome, ku xidhan inta wareeg ee uu ka kooban yahay, iyo waliba dherekiisa iyo walaxda uu duubku ka samaysan yahay.

Mareeg haddii elektroon hayaankiisu uu leeyahay laxaad go'an saaqniinku raad kuma laha mareegta, laakiin saaqniinku waa ku lid isbeddel kasta oo ku dhaca elektroon hayaanka. Isha danabku waxa ay qabataa hawl ka horjeedda XDW ku lidka ah korodhka hayaanka, markaa tamar ayaa ku kaydasan badka birlabta. Marka uu elektroon hayaanku yaraanayana saaqniin ku lid ah ayaa uu haddana noqdaa, oo tamartii kaydsanayd ayaa ka baxda badka.

SAAQEYAAL TAX IYO KUWO BARBARO ISUGU XIDHAN

Duubku waxa uu leeyahay astaanta saaqniinka, sidaa darteed ayaa badanaaba loo yidhaahdaa duub saaq, duubka marka la'isugu xidhayo tax ama barbaro waxay la xeer yihiin tii aynu kula soo baxaynay Caabbiga.

Saaqayaal tax ah.

Saddex saqe L1, L2 iyo L3 ayaa waxa ay isugu xidhan yihiin tax. Marka elektaroon hayaan la mariyo XDW-ha giddigood ku saaqmay waa wadarta XDW-yaasha duubabka.

Lt = L1 + L2 + L3

Et = E1 + E2 + E3

Elektroon hayaanka maraya duub-saaqe walba waa isku mid. Marka furaha la xidho ama la furo, dhaqsaha uu elektroon hayaanku ku kordhayo ama ku yaraanayo waa isku wada mid.

Saaqayaal barbarro ah:

Haddii aan u qaadanno in L1,L2 iyo L3 aan midna kan kale XDW ku saaqayn, elektroon hayaanka maraya mareegtu waa wadarta elektroon hayaannada maraya saaqayaasha.

It = I1 +I2 + I3

Et = E1 = E2 = E3

Isa-saaqniin:

Marka duub uu elektaroon hayaan kordhayaa ama yaraanayaa uu marayo, loo dhaweeyo duub kale XDW ayaa ku saaqmaya duubka kale

Marka uu furuhu furan yahay ma jiro badad birlabeed. Markase la xidho furaha elektroon hayaanku waa ka kordhayaa eber ilaa laxaad go'an. Bad birlabeedka ku xeeran duubka (a) waa uu fidayaa.
Bad birlabeed fidayaa waa bad is baddalaya. Xarriijimaha falagaska badka isbeddelayaa waxay jarayaan duubka (b), markaas ayaa, sidii aad hore u soo aragtay XDW ku saaqmayaa duubka (b). jihada XDW-hu waxa ay ku lid tahay jihada uu elektroon hayaanku u kordhayo.

Haddii furaha la furo laxaadka elektroon hayaanku waa uu iska baddalayaa laxaad go'an ilaa uu noqdo eber. Elektroon hayaanku waa uu yaraanayaa, badad birlabeedka ku xeeranina waa uu dumayaa. Bad birlabeed dumayaa waa bad isbeddalaya. Xarriijimaha falagaskiisa ayaa jaraya duubka (b), markaas XDW ku lid ah jihada uu u yaraanayo elektroon hayaanku ayaa duubka ku saaqmaya.

Marna elektroon hayaanku waa uu yaraanayaa marna waa uu kordhayaa. Jihada isbedelkiisu laba jeer waa isku lid, sidaa darteed ayaa XDW marka la xidhayo furaha saaqma iyo ka marka la furayo saaqma ay iyakuna isku lid u yihiin. Irbadda galfanoomitirku marba dhan ayay u dhaqaaqdaa. Haddaba astaanta labada mareegood ee ah in isbeddelka elektroon hayaanka mid marayaa uu ka kale ku saaqo XDW ayaa la yidhaahdaa ISA-SAAQNIIN.

DOORIYEYAASHA(Transfomers)

Dooriyuhu waxa uu ka samaysan yahay laba duub, mid hore iyo mid dambe, oo dabab ahaan kala dahaadhan, kuna wada duuban walax xadiid birlabeed ah. Dooriyuhu waxa uu ka mid yahay qalabyada faraha badan ee ku shaqeeya saaqidda birlab-danabnimada. Qayb wayn ayaa uu dooriyuhu ka qaataa tebinta danabka aan adeegsanno.

Sida aynu ku soo baranay isa-saaqniinka, marka elektroon hayaanku marayo duubka hore wuxuu isbeddelayaa in uu elektroon hayaanku ku saaqmo duubka labaad. Haddii duubka hore iyo ka dambe ay ku wada samaysan yihiin xadiid qudh ah sida jaantuska soo socda, aad ayaa uu u wayn yahay elektaroon hayaanka ku saaqmay duubka dambe.

Sababtu waa xadiidka ayaa isu soo ururinaya xarriijimaha falgaska duubka hore, si ay badankoodu u jaraan duubka dambe. Elektroon hayaanka talantaaliga ahi(AC) si joogto ah ayaa uu isu beddelayaa, waxaana aan ka filaynaa in uu elektroon hayaan ku saaqo mareeg ku dhow. Waa maxay elektroon hayaanka talantaaliga ahi? Ku noqo casharkii dhaliyaha danabka AC. Xarriijimaha falgaska badad birlabeedka ee uu dhaliyay AC maraya duubka hore si joogto ah ayaa ay marna u fidayaan marna u dumayaan. Markaa duubka dambe marba dhan ayaa falgaska uu u jarayaa, dabadeedna AC ayaa ku saaqmaya.

Waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee uu dooriyuhu qabto waxaa ka mid ah in uu tamar kayd isdheeridda uu laxaad keega u beddelo marba sida la rabo. Haddii la kordhiyo wareegyada duubka danbe waxaa kordhaya tamar kayd isdheeridda ku saaqantay. Bal haddana aynu jaantus ku muujino waxa ka dhexeeya tamar kayd isdheerdda duubka hore iyo ka dambe iyo wareegyadooda.

Tijaabo:
Waxaa loo baahan yahay si aynu tijaabadan u samayno afar duub oo laba ay ka kooban yihiin 600 oo wareeg(duub) midna 300, kan kalena 1200 wareeg.

Nh = wareega duubka hore
Nd = wareega duubka dambe

Vh = tamar kayd isdheerida duubka hore
Vd = tamar kayd isdheerida duubka dambe

 

 

 

 

 

 

 

Waxaynu buuxinaynaa meelaha banaan ee shaxdan soo socota, inaga oo is barbar dhigayna jawaabta saamiyada(ratio).

WareeggaDuubka hore Nh
WareeggaDuubka dambe Nd
SaamigaWareegyada Nh/Nd
Tki-Duubka hore Vh
Tki-Duubka dambe Vd
SaamigaTki- yaasha Vh/Vd
600 300 ? 110 ? ?
600 600 ? 110 ? ?
600 1200 ? 110 ? ?

Jawaabta shaxda kowaad:
Waxaynu haysanaa Nh = 600 oo wareeg iyo Nd = 300 oo wareeg.
Saamigoodu waa 600/300 = 2
Waxa kale oo aynu haysanaa Vh = 110V iyo Vd = ?
Waxaynu og nahay in Nh/Nd = Vh/Vd markaa waxaynu la soo baxaynaa Vd oo ah:

Saami ahaana waa Vh/Vd = 110/55 = 2V

Jawaabta shaxda labaad:
Waxaynu haysanaa Nh = 600 oo wareeg iyo Nd = 600 oo wareeg.
Saamigoodu waa 600/600 = 1
Waxaa kale oo aynu haysanaa Vh = 110 iyo Vd = ?
Waxaynu markaa raacaynaa jidkii hore oo waxaynu la soo baxaynaa Vd oo ah:

Saami ahaana waa Vh/Vd = 110/110 = 1V

Jawaabta shaxda sadexaad:
Waxaynu haysanaa Nh = 600 oo wareeg iyo Nd = 1200 oo wareeg.
Markaa saamigoodu waa 600/1200 = 0.5
Waxaa kale oo aynu haysanaa Vh = 110V iyo Vd = ?
Markaa waxaynu helaynaa qiimaha Vd sidii horeba.

Saami ahaana waa Vh/Vd = 110/220 = 0.5V

Tijaabooyinkan aynu samaynay ee shaxda sare waxay inoo faa'iideeyeen, haddii wareegyada duubka dambe ee dooriye ay ka badan yihiin kuwa duubka hore waxaa la yidhaahdaa doriyaha kordhiye, haddii ay ka yaryihiin waa dooriye dhime ah.

Dooriyaha kordhiya ah, tamar kayd isdheeridda duubka dambe ayaa ka wayn ta duubka hore, kan dhimaha ahna tki-da duubka dambe ayaa ka yar ta duubka hore sida aynu ku aragno jaantuskan sare. Si fiican ayaa aan ugu dhawnahay dhabta haddii aan nidhaahno: Vh/Vd = Nh/Nd.
Haddii uu il-danab soo saaro in go'an oo tamar kayd isdheerid ah, waxa aad mooddaa in uu dooriyaha kordhiyaha ahi uu abuurayo tamar. Sidaa ma aha ee haddii tki-du korodhay, elektroon hayaanka ayaa yaraanaya. Haddii aan iska illawno tamarta lumaysa waxa aan odhanaynaa awoodda danabka ee la siiyay duubka hore ayaa giddigeed gaadhay duubka dambe ama Vh x Ih = Vd x Id

Markaa haddii uu dooriyuhu labanlaab ka dhigo tamar kayd isdheerida waxa uu badh ka dhigayaa itaalka elektroon hayaanka. Sida dhabta ah elektroon hayaanku badh waa uu ka yaraanayaa sababtu waa lumidda tamarta ee dooriyaha. Tamarta qayb ahaani waxa ay ku luntaa kulaylka uu kululaado gudbiyaha tabiya danab hayaanka, waayo waxa ay leeyihiin danab caabbi. Lumidda tamarta waxaa lagu yarayn karaa ayada oo la adeegsado siligyo maar ah oo bad jeexgudub wayn leh. Waxaa kale oo jirta in xadiidka oo ay ku duuban yiniin duubka oo ku jira badka duubka hore uu isaga dhexdiisa ku samaysmo elektroon hayaan kulayliya xadiidka. Taana waxaa lagu yarayn karaa iyada oo duubka ku wareegsani yahay xadiidyo balballaadhan oo kala dahaadhan, si caabbiygu uu u yaraado, sobobtaas ayaa ugu wacan in dooriyeyaasha waawayni u baahdaan qaboojis, si aanay aad ugu kululaanin.

Si kale oo ay u lunto awoodda danabku waxa weeyaan xarriijimaha falgaska badka duubka hore ma soo wada gaadhaan duubka dambe, halkaana tamar ayaa ku lunta. Dooriyaha dhimaha ahi tamar kayd isdheeridda hoos ayaa uu u dhigaa, hase yeeshee itaalka elektroon hayaanka ayaa uu kor u qaadaa. Si aynu taa u hubino waxaynu samaynaynaa tijaabadan soo socota:

Tijaabo:

Waxaan u baahanahay Dooriye duubkiisa hore 600 oo wareeg yahay, ka dambana yahay 6 wareeg il-danabkuna 240V yahay iyo musbaar 5cm ah. U meerar saabaanka sidan jaantuskan hoose, xidh furaha fiiri musbaarka.

Su'aal:

Soo saar xadiga elektroon hayaanka ku dhashay duubka dambe iyo tamar kayd isdheerida ku dhalatayba shaxankan kore?

Jawaab:

Waxaynu ognahay in wareega duubka hore yahay 600 oo wareeg, kan duubka dambena yahay 6 wareeg, tamar kayd isdheerida duubka horena yahay 224V, elektroon hayaanka duubka hore isna yahay 1.5A. Markaa waxaynu hore u soo baranay in:

Markaa horta aynu la soo baxno qiimaha tamar kayd isdheerida dambe (Vd):

Hadda waxaynu lasoo bixi karnaa elektroon hayaanka duubka dambe ku dhashay (Id):

Sidaynu horey uga soo hadalay dooriyaha aynu duubkiisa dambe ku xidhnay musbaarka, waxaynu ku arkaynaa in musbaarkii il-bidhiqsiyo kadib uu kululaaday elektroon hayaan aad u badana uu ku dhashay, arintanina waxaa laga faa'iidaystay sidii loo samayn lahaa dooriyaha aynu ku alxano biraha.

Su'aal:

waxaan haysanaa dooriye duubkiisa hore yahay 1200 wareeg, waxanan ku xirnay tamar kayd dhan 200V a.c ah. Haddaba haddii aynu rabno dooriyaha in aynu ka helo tamar kayd dhan 10V duubkiisa dambe, haddaba imisa wareeg ayaynu u baahanahay in aynu ka dhigno duubkiisan dambe?

Jawaab:

waxaynu ognahay in Vh/Vd = Nh/Nd sidaa darteed:

 

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9