ADEEGSIGA TAMARTA DANABKA

IYO

TIGNOLOJIYADA

 

Qarnigan aynu ku noolahay runtii waxaan orankarnaa horumar wayn ayaa laga gaadhay xaga adeegsiga Tamarta danabka, bulshooyinka aduunka qaaradihiisa ku kala noolina isku si ugama wada faa'iidaysan, waayo waxaa is dhaafiyay dadaal iyo hogaan u saamaxay aqoon yahanku in uu soo bandhigo aqoontiisa iyo dhaqaale.

Waxaa kale oo bulshooyinka qaar ku horu mareen isku xidhnaan xaga bulshada kuwa lacagtaleh iyo kuwa aqoonta leh, ama kuwa isku xirfada ah oo ka wada tashada sidii ay xirfadooda u sii horumarin lahaayeen oo ay bulshada wax horleh ugu soo kordhin lahaayeen ama wax jira bulshada uga haqab tirilahaayeen dhaqaale ay arintaa ku bixiyaana meel isla dhiga.

Haddii intaa aan ka gudubno waxaan halkan ku soo diyaariyay Buug dhawr cutub ka kooban kana hadlaya ka faa'iidaysiga Tamarta danabka kaas oo aan ku qoray Af-keena Hooyo aniga oo ka faa'iidaysanaya eray bixintii ay dajiyeen Aqoon yahahanadii Soomaaliyeed ee ugu tala galay dugsiyada wadanka in lagu hago, Aniga oo kamid ahaa ardaydii markaa ku soo qaadatay wax barashada af-kooda Hooyo.

Haddaba waxaan ugu talagalay Buugani in uu caawiyo dhalinyarta Soomaaliyeed ee darsaysa aqoontan ama uleh hiwaayad(hobbi) in ay sameeyaan saabaanka ku shaqeeya Tamarta danabka.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa:- biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa, sidaa darteed ayuu buugani noqondoonaa kii bulshada u horseeda fahan qotodheer oo ku saabsan aqoonta maadiga ah siiba Danabka iyo tignolojiyada.Waxaa kale oo aan intaa ku dari lahaa maadaama uu buugani yahay kii ugu horeeyay ee aan qoro, sidaad ka akhrisandoonto waxaan isku dayay in aan muujiyo heerarkii uu soomaray ogaanshaha ama baadhitaanka taariikheed ee Danabku, taas oo marba heer waxtarle uu bini-aadmigu ka gaadhayay ogaanshaha iyo ka faa'iidaysiga danabka, halkana waxaan ku soo bandhigay buug ka hadlaaya dhinacyo badan oo ku saabsan ka faa'iidaysiga tamarta danabka iyo tignolojiyada maanta.

Waxaa kale oo aan ka maqnayn buugan oo aan ka baranaynaa heerka xirfadeed ee aan ugu shaqayn lahayn waxna ugu soo saari lahayn, aqoonta buugani ina barayo ayaa kugu ridaysa tubta Tignolojiyada iyo Injineerinka.

Waxaa kale oo uu buugani caawinayaa aqoonyahanada soomaaliyeed ee diyaarinaya ama qoraya aqoon ku saabsan tignolojiyada oo ku qoran afkooda hooyo, maxaa yeelay waxay ka helayaan eraybixinadii ay ka soo sheqeeyeen aqoon yahanadii soomaaliyeed ee wadada inoogu soo xaadhay sidii aan afkeena ugu baran lahayn aqoonta tignolojiyada ee Dunida taal.

Waxaa kale oo aan halkan ku soo bandhigi doonaa mashruucyo(porjects) ku shaqeeya tamarta danabka.

 

Qore: C/raxmaan Yusuf Colhaye

Aarhus Danmark

E-mail: dahir83@hotmail.com

Tel: 004586755105

Mob: 004528257549

 

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9