MADHXIYE
(Cabasitor)

Waxa aynu baranaynaa Madhxiyaha iyo kaalinkta uu kagajiro barashada danabka siiba elektrooniga(electronic), waxaanan isku dayi doonaa in aynu ka ogaano haddii Eebe idmo inta ugu muhiimsan ee inoo bildhaaminkarta horumarka tignolojiyada. Gudbiyeyaal in isu jira go'an, oo kaydsha danabka sida kuwan aynnu tilmaami doono ayaa layidhaa MADHXIYE.

Madhxiyaha waxaynu ku arki karnaa meelo badan oo loo adeegsado. Waxaa kale oo aan qaabka uu madhxiyuhu u shaqeeyo u soo qaadan karnaa daruuraha iyo dhulka oogadiisa sare ama laba gudbiye oo danabyo kala cayn ah leh dhexdood.

Mareegaha elektrooniga waxaynu sida caadiga ah u adeegsanaa madhxiye ku haboon oo leh mug qaadi kara elektroonada aynu ku shubayno, si mareegtu inoogu shaqayso sidii aynu rabnay, waxa kale oo aan adeegsanaa marka aynu xidhayno mareeg ammin ku shaqaysa iwm.

Madhxiyuhu wuxuu hayn karaa danab, taas oo ku xidhan inta uu mugiisu leeg yahay.Tusaale ahaan haddii madhxiyuhu yar yahay maqaadi karo elektroono xaddi badan tamar kayd dhan 6V, haddiise madhxiyuhu mug wayn yahay wuxuu qaadi karaa elektroono xaddi goodu badan yahay tamar kayd dhan 6V.

Aragti:-
Madhxiyuhu wuxuu lamid yahay tusaale ahaan quraarad (dhalo) biyo lagu shubo, sida jaantusku inoo muujinayo, sida quraarada yari (madhxiye yar) ay u qaado biyo yar, quraarad wayna(madhxiye wayn) ay u qaado biyo badan, heerka biyaha labada quraaradood aynu ku shubnay haddii ay gaadheen 6sm, markaa waxay isku dhigan toosa la leeyihiin midwalba mugiisa oo waxaynu ognahay aminta ay ku kala buuxsamayaan in aanay isku mid ahayn..

Sidee madhxiye u kaydiyaa danab?
Waxaad soo qaadataa laba safeexadood oo bir ah oo balbalaadhan iskuna jirsii fogaansho go'an. Labada safeexadood waxaad ku abuurtaa danab isku lid ah oo iskuna xaddi ah. Taas waxa aynnu u samayn karnaa siyaabo dhawr ah. Labada safeexadood waxa aynu ku kala xidhi karnaa labada qotin ee beytari. Markaa labada safeexadood midina way togane-danabays maysaa, tan kalena waa ay tabane-danabaysmaysaa. Sikale haddii aynu u nidhaahno, marka madhxiye danab saaqmo, labadii safeexadood ee uu ka koobnaa waxay kaydiyaan elektroonada xorta ah fiiri jaantuka (a).
marka madhxiye lagu xidho il-danab ama batari isagoo soo maraya caabbi fiiri jaantuska (b).

marka elektroonada taban ee safeexada (A) ay u dhaqaaqaan qotinka togan ee Batariga, isla markaabana waxaa bilawda qulqulka maayada , taas oo ka imanaysa qotinka togan ee Batariga kuna qulqulaysa safeexada (A)(waxaynu halkan ka fahmaynaa in socodka elektroonada iyo qulqulka maayada jihadoodu lidi isku yihiin), taas oo in aan ogaano ay tahay in qulqulka maayadu sidiisaba ka yimaada qotinka togan isagoo ku qulqulaya qotinka taban, waxaa kale oo aan ogaanay in safeexada (B) heshay elektroono ayna noqotay mid taban, laakiin safeexada (A) ay bixisay elektaroono sidaasna ay ku noqotay mid togan. Socodkan ay elektaroonadu soconayaan waa mid ay ku dhex wareegayaan mareegta.

Faalo:
Walxaha ma'gudbiye yaasha ah wax elektaroono ahi ma dhex socon karaan, sidaas ayayna ku noqdeen ma'gudbiye yaal!

Waxyar kadib marka madhxiyuhu danab saaqmo oo tamar kaydka labada safeexadood dhex doodu ku dhawaato ama laba mid noqoto tan Batariga, socodka elektroonadu way istaagaan fiiri jaantuska (c). Haddii madhxiyaha ka furno labada qotin ee batariga, madhxiyahaasi wuxuu danabka haynayaa mudo (haba ku xidhnaato nooca madhxiyaha e). madhxiyahaasi wuxuu inoola mid noqonayaa Batari ama sida il-danab fiiri jaantuska (d).


waxaynu soo tilmaanay in madhxiyuhu hayo ama madhxiyo danab, danabkana waxaynu nidhi waa elektaroono socda. Haddaba waxaynu soo baranay in danabku sumad ahaan uu yahay (Q), halbeegeeduna yahay Kuulam(loona qoro K ama kul), waxaynu soo baranay in 1Kul uu inoola mid yahay 6,25.10^18 elektroono, haddaba aynu kasoo qaadno in ay elektaroonadu lamid yihiin lacag shilimo ah kuna jira kiish sida shaxanka hoose ka muuqata.

Elektroonadan dhan 1Kul haddii aynu ku shubno labada safeexadood ee madhiyuhu ka kooban yahay mid ka mid ah, sida jaantuskan hoosi muujinayo, dhinacaasi wuxuu noqonayaa tabane, dhinaca kalena wuxuu noqonayaa togane sidaa darteed waxay yeelanayaan tamar kayd is dheeri.

Haddii danabkaasi oo 1Kul ah uu leeyahay tamar kayd isdheeri 1V ah, madhxiyahaasi mugiisu waa 1farad(F). Haddii aynu mar kale madhxiye ku shubno 2Kul, tamar kayd isdheeri dhan 1V, markaa muga madhxiyuhu wuxuu noqonayaa 2F.
Xeerkani wuxuu gundhig u yahay Madhxiyaha:-

 

 

 

Sida uu qorayo Xeerka kuulam, haddii aynu xeerkan tijaabo ahaan u adeegsano waxaynu ognahay in qulqulka danabku uu yahay, qulqulka elektroonada seken kiiba, sidaa darteed waxaynu u qoraynaa:-

waxaanan og nahay markaa in:

Haddii aynu u kuurgalo xeerka kuulam, 1K wuxuu lamid yahay 1A seken kiiba.
Ama 10A 0,1seken ama 100mA 10seken.

Inaga oo adeegsanayna xeerka madhxinta madhiyaha aynu sii furfuro:

waxaa kale oo aynu xeerkani kala soo dhex bixi karnaa, markaynu u baahano in aynu hele qiimaha tamar kayd isdheerida madhxiyaha (Uc), taas oo noqonaysa:-

waxaa kale oo aynu xeerkani ka ogaan karnaa in haddii madhiyaha uu ku socdo qulqul maayadeed ay tamar kayd isdheeridu u kordhayso si toos ah, taas oo ammintuna socoto.
Haddii aynu kordhino qulqulka maayada tamar kayd isdheeridu waxay ku soconaysa ammin deg-deg ah, haddii aynu adeegsano madhxiye mugiisu yar yahay sidoo kale tamar kayd is dheeridu waxay ku soconaysaa ammin deg-deg ah.

Haddii madhxiye madhintiisu tahay 1F, kaas oo ku saaqmay tamar kayd dhan 1V iyo qulqulka maayadeed oo 1A ah seken kiiba. Hawl qabad ahaan 1F waa madhxiye aad u wayn, taas oo tamar kaydka uu ku shaqayn karaa uu noqon karo 400V, qiyaas ahaan oogadiisuna kama yara 3.2.1,5m!

Haddaba madhxiyaha loo adeegsado elektroonigu wuxuu u dhexeeyaa xadiga ah pF ilaa 20mF.


ISKU XIDHIDDA MADHXIYE YAASHA

Ka soo qaad in aad haysatid sadex madhxiye, sadexda madhxiye waxaynu iskugu xidhi
karnaa si barbaro ah ama si tax(isdabayaal) ah, aynu soo hormarino madhxiye yaasha isugu xidhan barbarada.

Isku xidhidda madhxiye yaasha si barbaro ah:-

Sida uu ina tusayo jaantuskan sare safeexadaha toganaha ah ee madhxiyeyaasha oo dhami way isku xidhan-yihiin kuwa tabanaha ah oo dhamina way isku xidhan yihiin.
Haddii madhxiyeyaasha sidaas si barbarro ah la'isugu xidho, madhxinta guud waxay
noqonaysaa wadarta madhxinta madhxiye kasta.

Cw = C1+C2+C3 = 1uF + 0.5uF + 2uF = 3,5uF

Marka aynu danabayno madhxiyeyaasha oo dhami waxay yeelanayaan tamar kayd
is dheeri isle'eg.
.Uw = U1 = U2 = U3

Isku xidhidda madhxiyeyaasha oo tixid ah:

Haddii aynu si taxid ah isugu xidhno madhxiyeyaasha sida jaantuska sare
muujinayo waxa dhaca arimahan soo socda:-
Safeexada sare ee madhxiyaha C1 ee ku xidhan qotinka togan ee isha danabku waxay yeelataa danab togan. Taasi waxay dhalisaa in safeexada hoose ee madhxiyaha uu ku saaqmo danab taban, sababta oo ah elektaroonnada ayaa kasoo qaxa safeexada sare ee madhxiyaha C1. Marka ay elektaroonadu ka tagaan safeexada kore ee C1 waxay yeelataa danab togan. Waxay dabadeedna ku saaqdaa danab taban safeexada labaad ee madhxiyaha. Sidaas oo kale ayay noqdaan madhxiye-yaasha kalena.

Markaa madhxiye yaasha oo dhammi waxay leeyihiin danab laxaadkiisu isku
mid yahay. Waxaynu soo baranay in safeexada danab toganaha leh ee C1 iyo safeexada
danab tabanaha leh ee M3 ay isku tamar kayd yihiin, waayo way isku xidhan yihiin oo
gudbiye kaliya ayay isku noqdeen. Tamar kayd isdheerida labada barood ee gudbiye keliya dushiisa ihina waa eber. Sidaas oo kale safeexadaha danab tabanaha leh ee C3 iyo safeexadaha danab toganaha leh C1, waa is tamar kayd le'eg yihiin.

Sidaas darteed tamar kayd isdheerida madhxiyeyaasha oo dhammi waxay la
mid tahay, wadarta tamar kayd isdheerida labada sfeexadood ee madhxiye
kasta.
Uw = U1 + U2 + U3 + U4


Markaa haddii ay madhxiyeyaashu isugu xidhan yihiin tixid waxaynu helaynaa in
rogaalka madhxinta guud ay le'eg tahay wadarta rogaallada madhxinta ee madhxiye
kasta.

Madhxiyeyaasha aynu adeegsanaa waa laba cayn(nooc); mid madhxin joogto(madoorsoome) ah leh iyo mid madhxintiisu doorsoome tahay.

" Madhxiyaha madoorsoomaha ahi wuxuu ka samaysan yahay safeexado qaro yar
oo ah birta istaanas oo ay ku kala dhex jiraan xaanshiyo ay milano ku dharan yihiin.
Safeexadaha istaanaska ah ee kowaad, saddexaad, shanaad iwm, ayaa isku
xidhan, kuwa labaad, afraad, lixaad iwm ahina way isku xidhan yihiin. Labada qaybood ee safeexaduhu isugu xidhan yihiin ayaa labada qotin ah.

Labada qaybood markaa waxay la mid noqonayaan madhxiye ka kooban safeexado bal-balaadhan oo isku dhaw. Madhxiyahan waxaa lagu adeegsadaa radyowga
meelaha looga baahan yahay madhxiye leh madhxin laxaad go'an.

" Madhxiyaha doorsoomaha ahi waa ka jaantuska ku muujisan. wuxuuna ka
kooban yahay laba qaybood oo safeexado qarayar ah, oo isdhex geli kara iyaga oo
aan is taaban. Qaybaha mid ahaan oo isku wada xidhani waa ay dhidban tahay.
Qaybta kale oo iyana isku wada xidhan magudbiyena uga dhexeeyo tii hore ayaa la
warwareejin karaa. Labada qaybood mid ahaan ayaa lagu xidhayaa qotinka taban. Marka lawareejiyo qaybtaa waxaa is beddela bedka safeexadaha ee iska soo horjeeda.
Madhxiyeyaasha sidan ahi waa kuwa irbadda Radyowga ku xidhan ee suurta galiya in mawjadaha laga helo marba hirar xambaarsan warar kala duwan, habkani oo aynu baran doono haddii Eebe idmo.

Tusaale1;
Haddii madhxiye qiimihiisu 10uf dhanyahay lagu xidho tamarkayd dhan DC 250V soo saar danabka madhxiyahaasi ku saaqmay?

Jawaab:
Waxaan ku helaynaa qiimaha danabawga ama ku saaqmay madhxiyaha sidan;

Tusaale2;
Haddii madhxiye 470 ahi uu ku saaqmo maayad joogto ah oo 3 mA ah mudo 400ms ah, haddaba imisa ayuu noqonayaa tamar kaydka madhxiyahaasi ku saaqmay?

Jawaab:

Tusaale3;
Haddii madhxiye ah 0.1uf lagu xidho qotinadiisa tamarkayd dhan 1.4V, taasoo u siimaraysa caabbi dhan 47 waa imisa tamarkaydka madhixiyaha ku saaqmay muddo 10 ms ah?

Jawaab:

Waxaa haboon in aynu marka hore raadino (taw):

Hadda ayaan helaynaa tirada (taw):

 

Hadda waxaynu helay dhidibka x halka dhidibka y aynu ka arkayno 12%.

 

 

 

 


Gaaraa-bildhaan(flip-flop)

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa laba nal oo marka mid shidanyahay kankale dansanyahay una shaqaynaya si iswaydaar ah, taas oo aan adeegsanayno saabaan ka kooban Caabbi, Madhxiye, Laba-qotinlaha ifa, Sadex-qotinle, Fure iyo il-danab.

Fiiri Jaantuskan

Haddaba sida aan jaantuskan ku aragno mareegtan way gaaraa-bildhaamaysaa waana mareeg muhiim ah in aan ogaano qaabka ay u shaqaynayso, waayo waxaa la adeegsadaa mareegtan marar badan iyada oo loo adeegsanayo ulajeedooyin badan.

Sida aan Mareegtan hoose ku aragno maadaama aynu ku jirnay barashada Madhxiyaha waxaynu si bandhig ah oo ficil ahaan ay inoo muuqato uga arkaynaa halkan Madhxiyihii oo marna danabaysmaya marna danabtirmaya taas oo ku xidhan in nalku shidmo ama damo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9