BIRLABTA IYO BIRLAB DANABEEDKA

Birlabtu waa wax muhiim ah aadna xiiso ugu leh aas,aaska barashada danabka, sida dhabta ahna waa madhacdo in dunidu ka maaranto adeegsiga Birlabta iyo Birlab danabeedka labadaba, waxaanad ka fahmi doontaa qiimaha ay inoogu fadhiyaan labadooduba duruustan soo socota.

Birlabta:
Ogaanshaha birlabta dabeeciga ah waxaa markeedii hore laga ogaaday dhulka hadda lagu magacaabo Turkiya ama ay leeyihiin Turkidu, iyada oo birlabta dabeeciga ahi ay markaa ahayd dhagax soo jiidanaya bir-xadiidka, ayaa magaalo ku taal Turkiga oo loogu magac daray birlabta lana yidhahdo magnisiya, xiligaas oo ahaa xiligii aqoon yahanada Islaamku aduunka intiisa badan hogaaminayeen, aqoon ahaan iyo wax soosaarba.

In kasta oo xiliyadan danbe ragga aqoonta hogaaminayaa ay noqdeen Niman reer galbeed u badan, aragtidayda waxaynoqdeen kuwo iska indho tira muujinta taariikhda raggii islaamka ahaa ee ka soo qaybqaatay daah furka aqoonta dabeeciga ah, haddana taariikhdu ma'aha wax la'iska indho tiri karo, maadaama aynu ku guda jirno barshada Birlabta, aqoon yahanadii Isaamka ahaa waxay daah fureen markii ugu horaysay adeegsiga birlabta taas oo ay u adeegsadeen markii ugu horaysay in ay ka sameeyaan Jiheeye taas oo ahayd guulo la gaadhay waqtigaa, taasoo waqtigaas Bad-mareenadu aad ugu baahnaayeen, dadka ka faa'iidaystana ay ugu badnaayeen adeegsan jireena, sidaynu taariikhda ku haynana badmareenadii yurub sida tusaale ahaan Colombos haduuna heli lahayn jiheeyaha iyo waayo aragnimadii ka horeysay ee aqoon yahanadii Islaamku ay adeegsadeen uma suurto gasheen, isla markaana kuma dhalateen fikradaas ah in uu socdaal dheer sameeyo oo uu qaarad kale u gudbo.


Jiheeyaha oo u shaqeeya iyada oo cidhifyada aduunka kiisa woqooyi iyo kiisa koonfureed jiitaan labada cidhif ee birlabta, markaas haddii aynu calaamadayno cidhifka woqooyi birlabtaasi waxay had iyo jeer tilmaamaysaa cidhifka woqooyi jihokasta oo aad u jeesatidba. Waxaanan birlabta ka heli karnaa tusaale ahaan samaacada iyo dhaqaajiha(motor) iwm.

 

XOOGA KA DHEXEEYA CIDHIFYADA BIRLABTA

Xoogga birlabtu waxa uu u badanyahay ama uu u waynyahay cidhifyadeeda, waxaana la ogaaday in xoogagga ka dhexeeya cidhifyada birlabaha uu yahay mid isjiidad ah ama
mid kala did ah, tusaale ahaan haddii labada birlabood isku dhawyihiin, aad ayay isku jiidanayaan. Haddii fogaanshaha ay isku jiraan la kordhiyo xoogga u dhexeeyaa waa uu yaraanayaa.

Marka la adeegsado birlabyo xoog waawayn, xoogga kala didka ama kan isjiidadkuba waa ay weynaanayaan. Saynis-yahan aynu horey u soo baranay oo layidhaa kuulam ayaa arintani ka shaqeeyay. Waxaana uu helay in xoogga ka dhexeeya laba cidhif birlabeed uu saamigal quman ku yahay taranta xoogga cidhifyada birlabyada, iyo rogaalka fogaanshaha oo laba jibaaran.



Haddii m1 uu yahay xoogga birlabta hore, m2 na uu yahay xoogga birlabta labaad, oo S na ay tahay fogaanshaha u dhexeeya labada cidhif ee birlabaha, F na waa xoogga laba cidhif birlabeed isku jiidanayaan ama ku kala didayaan, K na waa madoorsoome, sidaan ayaana looqoraa xeerka Kuulam ee birlabaha. Xeerkani miyaanu u ekayn xeerkii Kuulam ee danabka neg? Taa macnaheedu ma'aha in birlabta iyo danabku ay isku mid yihiin. Masalan, waa aad heli kartaa danab togane ah ama mid tabane ah oo kaligood midba meel taagan, laakiin Birlabtu had iyo jeer waxa ay leedahay laba cidhif.

 

BADKA BIRLABTA

Si aynu u ogaano in birlabi soo jiidan karto walax xadiid ah, looma baahna in aad birlabta ku taabatid walaxda xadiidka ah. Haddii aad istaabsiisid iyo haddii aad isku dhawaysid waa isku mid, tusaale ahaan haddii aad birlab xaga sare kaga keentid musbaar xadiid ah oo yaala miis, waxaad arki in musbaarkii kor u soo boodayo oo uu ku dhagayo birlabta. Waxaynu ku soo baranay astaamaha danabka neg in walxaha danabaysani ay leeyihiin badad danabeed. Sidaas oo kale, birlabyaduna waxa ay leeyihiiin badad birlabeed.

Badad birlabeedku waxa uu jiraa agagaarka birlabta, ee ay birlabtu ka soo jiidan karayso qurubyo ama jidhiidh xadiid ah, in kasta oo badka birlabta iyo ka danabku ay leeyihiin astaamo isku dhawdhaw, haddana isku mid ma aha. Tusaale ahaan badka birlabtu raad ayaa uu ku leeyahay danab soconaya, taas oo raadkaasi uu ka wayn yahay kan raadka uu badada danabku ku leeyahay danab soconaya.

Xarriijimaha falgas:
Waxa aynu fikrad ka qaadanaynaa qaabka iyo jihada uu leeyahay badka birlabtu marka aynu ku muujino jaantuskan soo socda. Inkasta oo badka birlabtu uu yahay wax iswada haysta haddana adeegsiga xariijimaha badadu waa lagama maarmaan, waxaana loo yaqaanaa xariijimahaas falgaska(Flux) birlabta.


Xariijimaha falgaska birlabta waxaa loo sawiraa si taabtihii kasta ee laga taago bar kamid ah uu u jeedo jihada badka ee barta. Jihada xarriijimaha falgasku waa jihada badka birlabta. Waxaa loo qoraa in ay tahay jihada uu u socon lahaa cidhif woqooyi kali ah haddii ladhigo badka dhexdiisa.

Waatii aynu hore usoo sheegnay in aanu jirin cidhif birlabeed oo kaligii taagani, sidaa dartee haddii aynu soo qaadano birlab taas oo cidhifkeeda woqooyi aynu u soo dhawaynayno birlab labaad cidhifkeeda iyadna woqooyi, markaa birlabtii aynu haynay maahee tiikale way ka durkaysaa iyada oo u sinqaysa xagga cidhifka koonfureed, iyada oo raacaysa xarriijimaha falgaska.

Xarriijimaha falgasku waa xarriijimo xidhan, waxa ayna ka tagaan cidhifka woqooyi ilaa cidhifka koonfureed, waxayna dabadeed dhexmaraan birlabta min cidhifka koonfureed ilaa cidhifka woqooyi.

Xarriijimaha falgaska ee ku qotoma bed go'an oo ka mid ah badka birlabta ayaa la yidhaahdaa falgas birlabeed. Falgas birlabeedka waxaa u sumad ah xarafka Giriigga ah ee Ø (Faay). Halbeegga falgaska birlabeedku, marka la adeegsanayo habka MKS, waxa weeye weber oo loo soo gaabiyo (Wb).


Xeerka Falgas:
B = Cufnaanta falgas
A = Badka birlabta
Ø = Sumada falgas
Wb = Halbeega falgas



 

Cufnaanta Falgas Birlab:
Cufnaanta falgaska birlabtu waa inta xarriijin falgas ee ku ligan halbeeg bad ah, oo ku jira badka birlabta. Cufnaanta falgas birlabta, waxaa looqoraa "B" waa xaddi leebeed. Bartii kasta ee kamid ah badka birlabta, laxaadka cufnaanta falgas birlabtu waxa uu tilmaamaa laxaadka badka ee bartaa, jihadeeduna waa jihada badka.

Xeerka Cufnaanta Falgas:

Cufnaanta falgasku waa (B).
Halbeeguna waa T (tesla).

 

 

 

Habka MKS.cufnaanta falgasku waxa ay inoo sheegtaa itaalka badka birlabta oo lagu tibaaxo (H) Henry, ama xooga birlabaynta. Waa maxay birlabayntu?


Haddii aynu falgaska u qaadanno in habboon oo xarriiqyo birlabeed ah oo ku ligan halbeeg bed ah, cufnaanta badka, B, iyo itaalka badka, H, ee barkasta oo ka mid ah badka waynu heli karnaa. Sida caadiga ah hal xariiq birlabeed, mitirkii labajibaarnaaba,
ayaa loo qaataa cufnaanta falgaska ee ah:

 

Markaa hal xariiq falgas ayaa ah hal weber(Wb).

RAAD BIRLABEEDKA DANAB HAYAANKA

1819kii Hanis Kiristiyan Orsted

Birlab danabeedka waxaa abuura qulqulka maayada, si fiican ayaan u arki karnaa in danab neg iyo birlab meel taal midkoodna aanu midka kale wax raad ah ku lahayn. Hase yeeshee, Orsted, oo ahaa fisikisyaqaan u dhashay waddanka Danmark, waxa uu helay in irbadda jiheeyuhu ay jihadeedii ka weecanayso haddii loo soo dhaweeyo gudbiye danab dhex marayo. H.C.Orsted waxa uu helay in weecadka irbadda jeheeyaha uu keenay bad birlabeedka ku saaqmaya agagaarka gudbiyaha, marka la dhexmariyo gudbiyaha danab hayaan.
Waa kan iyada oo aynu jaantus ku muujinayno in gudbiye danab oo qulqulka maayadu dhex maraysaa uu yeesho xoog birlab danabeed ku dul wareegta gudbiyaha.

Inyar dabadeed markii uu Oorstid helay bad birlabeedka ku samaysma agagaarka gudbiye danab hayaan dhexmarayo, fisikisyaqaan faransiis ah oo la odhan jiray A.M Ambiyeer(1775-1836) waxa uu sameeyey tijaabooyin lagu arki karo qaabka badka. Waxaa kale oo uu helay in laba gudbiye ay isjiitaan haddii elektroon hayaankoodu uu isku jiho yahay, ama ay kala didaan haddii elektaroon hayaankoodu uu kala jiho yahay.

DUUB:
Haddii aynu duubno gudbiyaha wuxuu noqonayaa duub, kaas oo luqada laatiinka looyaqaan coil, taas oo halka duub xoog birlab danabeedka uu sameeyo uu ka sii xoog badan yahay kolba sida aynu duubka u sii badino , markasta oo aynu badino duubka waxaa sii kordha xoog birlab danabeedka. Markasta oo xaddiga qulqulka maayadu uu isna kordhaba wuxuu xakumaa korodhka xoog birlab danabeedka. Fiiri jaantuskan hoose.

Waxaa kale oo in aynu ogaano ah, falaadhaha xoog birlab danabeedu waxay isku soo ururaan oo ay is kaashadaan marka duubku uu ku maranyahay bir xadiida, taas oo xoog birlab danabeedkii uu sii kordho.

ADEEGSIGA BIRLAB DANABEEDKA

Waxaynu ognahay in walax birlaboobe ahi ay noqon karto birlab ma waarto ah , haddii la dhexdhigo bad birlabeed. Marka laga qaado badkaasi, walaxdu waxa ay lumisaa birlabnimadeedii tusaale:

1797-1878 Joseph Henry saynisyahan maraykan ah

Joseph Henry waa saynisyahankii hibada u helay in uu ogaado waxtarka birlab danabeedka isala markaana loogu magacdaray halbeega birlab danabeedka, jaantuskan hoose waxan ku muujinaynaa mareeg ka kooban:- Duub, Batari, Fure, iyo walax birlaboobe ah sida musbaar xadiid ah. Haddaba sadexdan talaabo ee jaantuskan ku muujisani waxay ina tusayaan in haddii mareegtu furantahay aanu duubku yeelanaynin xoog birab danabeed sida talaabada kowaad ina tusayso haddiise mareegtu xidhantahay uu duubku yeelanayo xoog birlab danabeed isla markaana uu soo jiidanayo musmaarkii sida talaabada labaad ina tusayso, haddiise aynu mareegtii furno sida talaabada sadexaad ina tusayso, duubkii wuu luminayaa xoog birlab danabeedkii isla markaana musmaarkii wuxuu ku soodhacayaa meeshii uu marka hore yaalay.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano adeegsiga birlab-danabeedka in kasta oo maalinba maalinta ka danbaysa uu soo kordho adeegsiga birlab danabeedku, waxaa loo adeegsadaa dawan danabeed, talefoon, dhaqaajiyeyaasha, dhaliyeyaasha danabka.
Cusbataaladu waxay adeegsadaan birlab danabeedyada marka ay qof indhaha kaga daataan jajab yaryar oo xadiid ahi ama uu qofku si lama filaan ah uu u liqo xadiid yaryar iyo markii cajalad war lagu duubayo ama lamasaxayoba, markii Computer-ka wax lagu duubayo ama baaq loo gudbinayo ama lamasaxayo iyo Rilaydu hawlaha aadka u badan ee ay inooqabato oo tusaale kale ah, runtiina halkan kuma soo koobi karo waxtarka birlab danabeedka.

Waa birlab danabeed soojiidanaysa haddii jidhiidh bir ahi Isha kaaga daadato.

Danab Saaqniin:
Haddii aynu soo qaadano Birlabta dabeeciga ah isla markaana inaga oo ruxayna aan usoo dhawayno duub waxaa duubka ku saaqma oo uu yeeshaa tamar danab. Taasoo afka laatiiniga layidhaa indacshon. Balhada aynu ku muujino jaantus sida uu saaqniinku u dhacay.

 


Sidan uu jaantusku inoo cadaynayo, waxaan aragnaa in Danab tusuha ku xidhan labada cidhif ama qotin ee duubku uu leeyahay irbad, irbadaas oo dhaqaaq samaynaysa marka aynu dhaqaajino ama xurbino Birlabta dabeeciga ah, waxaana inoo cadaatay in danab ku saaqmay duubka haddaba danabkaasi waa tamar kayd(Volt).
Waxaa kale oo inaan ogaano ah waa isku mid haddii aynu ruxno Duubka ama Birlabta dabeeciga ah oo markasta waxaa duubka ku saaqmaya tamar kayd(Volt).


Habkani markii la ogaadayna talaabo wax ku ool ah ayaa laqaaday oo waxaa lasameeyay dhaqaajiye yaasha(Motors) maxaa yeelay dhaqaajiye yaasha oo dhawr nooc ah sida:
" Duub madane ah oo ku dhex wareegaya badadd birlab waarto ah.
" Madane birlab waarto ah oo ku dhex wareegaya badadd birlab danabeed ah.
" Duub madane ah oo ku dhex wareegaya badadd birlab danabeed ah.

Dhaqaajiye yaasha gudohoogu habka ay u dhisanyihiin waa sadexdaa nooc ee aynu kor ku soo tilmaanay sidaa darteed inta ay leeg yihiin iyo qotinadooda tamar kaydkooda, waxaa ku xidhan xawaaraha iyo jihada ay u wareegayaan, markasta oo badadda birlabtu uu xurbismona(wareego) waxaa kordha xooga badadda birlabta halkaas oo dhaqaajiyaha waxtarkiisa ama hawsha uu inoo qabanayaana korodho.
Dhab ahaan habka uu dhaqaajiyuhu u shaqeeyo waa in qulqulka maayadeed dhex maro duub, kaas oo ay ku abuurmayso badadd birlab isla markaana duubkii uu ruxmo ama wareego, haddaba markasta oo xadiga qulqulka maayadu kordhaba waxaa isna kordha ruxashada ama wareega duubka ama dhaqaajiyaha, habkani waxaa kale oo u shaqeeya Sameecadaha, Danab beegeyaasha duubka ku shaqeeya, Fogaan araga(TV) iyo Moniter-ka Computerka iwm.

 

DAWAN-DANABEEDKA IYO RELAYDA

Waxaa jira saabaano baddan oo birlab danabeedka ku shaqeeya waxaanan tusaale u soo qaadanaynaa Dawan-danabeedka iyo Relayda. Haddii aynu ku horayno dawan-danabeedka, dawan-danabeedku waxa uu ku shaqeeyaa danab hayaan, si fiican u eeg jaantuskan waxaynu aragnaa marka furaha la xidho waxaa mareegta mara danab hayaan. Danab hayaanku waxa uu birlabeeyaa labada duub, waxayna noqdaan birlab danabeedyo. Kuwan oo soo jiita birta ama safeexada ku xidhan dubaha yar, kadib ayaa dubuhu(burus) riixaa ama garaacaa birtan kubad badhka ah ee ku hortaal.

Relayduna habka ay u shaqaysaa waa birlab danabeed oo duubkeeda ayaa sida kan dawanka u birlab danabooba, kaas oo soo jiita safeexadaha furaha ah ee duubka horyaala, taas oo marka duubku birlab danaboobo uu xidho furayaal furnaa ama furo furayaal xidhnaa.

Sida aynu ka aragno shaxankan sare duubka caabbigiisu waa 125 Ohm, tamar kaydkiisuna waa 6V DC. Sidaynu hore u soo tilmaanay marka duubku uu birlab danaboobo wuxuu soo jiidanayaa birta safeexada ah ee riixaysa furayaasha mareegaha.

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9