Waxaynu soo baranay talaabooyinkii la qaaday mudadii saynisyahanadu ku gudajireen daahfuridii danabka neg (elektro statik), haatana waxaynu u guda galaynaa mudadii saynisyahanadu gaadheen talaabo taa ka horumarsan. Dhamaadkii qarnigii 18aad ayaa saynisyahan Talyaani ahaa oo la odhan jiray Luigi Galvani uu Daabacay kitaab uu ku magacaabay << Danabka xayawaanka>>. Galvani waxa uu Sameeyay Tijaabadan:-
Lugtii baa boodday, taasna waxa uu ku sharaxay in muruqyada iyo dareemayaasha Rahu yihiin madhxiye danabaysan oo danab tirmaaya marka biro gudbiye ah lagu xidho.
Aqoonyahan talyaani ah oo la oranjiray Aleksandaro Volt(1745 - 1827), waxa uu caddeeyay in gariirka lugta rahu aanay ahayn muruqyada iyo dareemayaasha oo danab tirmaya ee ay keeneen labada birood ee kala jaadka ah ee aynu adeegsanay.
Si uu u tuso in fikraddaasi hagaagsan tahay Foolta(Volt) wuxuu isdul raseeyay daaweyaal naxaasa ah iyo kuwo lacaga ah. Daawe kasta oo naxaasa iyo ka lacagta ah wuxuu u dhaxaysiiyay warqad qallafsan oo cusbo milan la dhex geliyay. Sida jaantuska kore muujinayo, haddii aad isla mar taabatid daawaha u sareeya iyo ka ugu hooseeya waxa aad dareemaysaa jidhiidhico. Tijaabooyin kalena waxay tuseen in haddii laba birood aad dhex qotomiso milan cusbo ah, ama asiidh, uu ka dhasho danab hayaan marka aad gudbiye sida farahaaga ama lugta raha aad taabsiiso labada birood. Iimaha uu leeyahay lakabyada foolta waxay yihiin iyadoo culayska daaweyaashu ka tuujiyaan waraaqda adag milankii cusbada ahaa ee ku dhex jiray, dabadeedna lakabyadu aany shaqayn. Foolta waa uu xalilay dhibaatadaas, wuxuuna isdaba taxay koobab ay ku jiraan salfayuurik asiidh badhax ah oo ay laba biroodna dhex qotomaan. Si tax ah ayuu isugu xidhay biraha taas oo ah naxaasta ku jirta koob ayuu ku xidhay lacag ku jirta koobka ku xiga. Foolta waxa uu u bixiyay habdhiskaa <<Taajka koobka ah>>. Imikana waxaa la yidhaahdaa taxa unugyada gudha.
Siduu u tusay Foolta in maartu tahay qotin togane ama naxaastu tahay qotin tabane?.
Sida aad jaantuska ku aragtid wuxuu soo qaatay danab tuse caleemeed madaxiisu
yahay maar. Shamac ama magudbiye kale ayuu dul dhigay madaxa danab tusaha.
Daawe maar ah oo dhulka ku xidhan ayuu dul dhigay shumaca. Qotinka maarta
ah ee <<unugga foolta>> ayuu ku xidhay madaxa danab tusaha,
ka naxaasta ahna wuxuu ku xidhay daawaha. Daawaha iyo madaxa danab tusaha
ee uu u dhexeeyo magudbiyuhu waa madhxiye bar-barroole. Markii uu ku xidhay
madhxiyaha labada qotin waa uu danabeeyay, madhxin-tuna waa ay korodhay,
magudbiyaha dhexyaal awgeed.
marka aynu darsayno socodka elektronada, elektronadu door muhiim ah ayay kaga jiraan falgalka kiimikada, taas oo dhacda isla xiliga ay hawsha falgalku socoto, taas oo falgalka gudihiisa uu ka dhoco, iswaydaarsi elektron sida bixin-elektron ama helid-elektaron. Arintan cajiibka ah lama fahmi karo hadaan marka hore la fahansanayn ama aqoon loo lahayn aas'aaska danabka iyo kimistariga. Haddii aynu ka hadalo dhalinta unuggu(Batari) uu dhaliyo tamarkaydka
waxay u dhacdaa sidan: Haddaba cashiradan soo socda waxaynu ku baran doonaa aqoon arimahan kusaabsan. Jadwalkan hoos ku muujisani wuxuu inoo cadaynayaa curiyeyaasha iyo curiyewalba borotonadiisa.
Kala duwanaanta curiyeyaasha, curiyeyaashu aad ayay u badan yihiin sidaynu ku soo aragnay jadwalkan kore, sidaa darteed haddii laba cureye ama in kabadan la'isu geeyo ayaa waxaa loo yaqaan Iskudhisyo.
Isku dhisyadu maadaama ay yihiin curiyeyaal la'isku geeyay waxaa ka mid ah: Aysiidha, Bayska iyo Milixda. Kuwani oo leh astaamo kala duwan isla markaana xasiloon. Haddaba kuwani waa muhiim in aynu barano iyo sharciyada ku lugle iyo astaamaha ay curiyeyaashu leeyihiinba. Haddii aynu ka faaloono atomka, Atom kasta oo curiyuhu ina siiyaa wuxuu qaadaa tiro isku mid ah oo togane danabaysan (protons) oo ku jira nukliyaska. Tusale: Haddaba dhamaan curiyeyaasha jadwalka aynu ku aragnaa waxay isugu habaysanyihiin
sida ay u kala koreeyaan, iyadoo loo eegay tirada borotonada
Unugga gudhaa tamar falgaleed ayuu u gadiyaa tamar danab. Unugga gudhaa wuxuu ka kooban yahay qotin tabane naxaas ah iyo qotin togane maar ah oo ku dhex qotoma gudbiye milme salfayuurik asiidh badhax ah. Taar maar ah marka aan ambiyeer beega ugu xidhno labada qotin wuxuu inoo tilmaamayaa ambiyeer beegu in danab hayaan jiro. Markaa waxa iswaydiin leh waxa dhaliyay danab hayaankaas?. Bal soo qaad qotin naxaas ah miisaana, dabadeed nadiifi oo miisaan mar labaad. Miisaankii naxaastu hoos ayuu u dhacay, markaa waa in naxaastu ku milantay asiidhka. Marka mareegta dibada la dhamays tiro, ee danab qulqulaya gudbiye la isku xidhay labada qotin ee unugga waxaa milma unuga naxaasta ah, neef haydrojin ahina waxay ku urutaa qotinka maarta ah. Yaraanta uu qotinka naxaasta ahi uu yaraanayo iyo neefta haydarojiinta ah ee ku ururaysa qotinka maarta ah ayaa ay inooga biniinixaysaa sida tamar falgaleedka loogu gadiyo tamar danab.
Waxaynu nidhi marka qotin naxaas ah la dhex dhigo asiidh waa uu milmaa.
Hase yeeshee waxa milmaa waa aayoono togane naxaas ah ee ma aha atom naxaas
ah. Marka uu aayoon toganahaasi u gudbo asiidha, waxaa ku dhaca qotinka
naxaasta ah elektaroono dheeraad ah, kuwaas oo ka dhigaaya naxaasta qotin
tabane ah. Zn Zn ++ +2e- Aayoonada haydrojiinka ah ee ka baxaya milanka ee ku dul ururaya qotinka maarta ah inta ay elektaroonno ka qaataanna waxaynu u qori karnaa. 2H+ +2e- H2 Habraacan oo joogto uga dhacaya unuga gudihiisa waa siin la siinayo elektaroonno qotinka naxaasta ah iyo ka qaadasho laga qaadanayo elektaroonno qotinka maarta ah. Hadii aynu markaas labada qotin dibada iskaga xidhno gudbiye, elektaroono ayaa u kala qulqulaya qotinka naxaasta ah ilaa qotinka maarta ah. Falgalada unugga gudihiisa ka dhacay oo dhan waxaa loo qori karaa:- Zn + 2H+ = Zn++ + H2 .
1. Daah-neefeed: Dahaadhka(daaha) neefta ah wxaa lagu baabi'in karaa burushka ranjiga oo lagu masoxo qotin ka maarta ah ama oksiidheeye lagu daro milanka. Oksiidheeyaha lagu daro oo ah Botaasiyam Beermagneyt ( K2 Mn O4 ) ama Botaasiyam dhaykoromeyt ( K2 Cr2 O7 ) waxa uu la falgalaa neefta haydarojiinta ah ee dahaadhka noqon lahayd, waxaana samaysma biyo. Iiinta uu unuga gudhaa leeyahay ee ah neef haydarojiina oo dahaadha(daaha) qotinka maarta ah waxaa la yidhaahdaa daah neefeed.
2. Fal gudeed: Khasaaraha waxaan ku dawayn karnaa hadii aynu ku maydhno qotinka Meerkuri. Meerkurigu wuxuu milaa naxaasta waxaana ku samaysma oogada qotinka dheeh ka kooban meerkuri iyo naxaas sooc ah. Falkii unuga gudihiisa ka dhex dhacayey naxaasta iyo xadiidka ama dhuxushu jiri maayo, waayo dheehaasaa qarinaya birihii kale ee naxaasta ku jiray, naxaastuna meerkuriga lama falgasho.
Si looga tiro << daah neefeedka >> unugga gudha ee foolta ayaa aqoonyahan Ingiriis ah oo la oranjiray << Joon Daniyal >> uu sameeyay unug isaga lagu maamuusay oo la yidhi Unugga daniyal.
Unugani wuxuu ka koobanyahay iyo habka loo meeraray waxaa ina tusay shaxanka kore. Hadii aynu fiirino habka meerarka waxaynu arkaynaa in koonbo quraarada ay ku dhexjirto koonbo maar ahi oo qotin toganaha unugga ah. Koonbadaa waxaa ku jira milan maar salfeyt ah ( CuSO4 ) gudahana waxaa ugusii jira koonbo dhoobo ah ama walax kale oo ay ka dusi karaan aayoonadu. Dhoobada waxaa ka buuxa naxaas salfeyt ah ( ZnSO4 ). Taas oo uu dhex qotomo qotin naxaas ahi oo ah qotin tabanaha unugga. Jaantusku waxaa kale oo uu ina tusayaa sida uu u shaqeeyo unuggu marka ay mareeg dibad ahi ku xidhantahay. Marka aanay xidhiidhsanayn mareegta dibadu, maartu waxay ku milmaysaa ZnSO4 ilaa ay dheeli tirmaan habraacyada aayoonnada ee isku lidka ah ee bir kasta iyo gudbiye milmeheedu. Markaas oo tamar kayd isdheeri go'ani u dhaxaynayso birta iyo gudbiye milmeheeda. Qotinka naxaasta ah waxaa ku yaraanaya elektaroonadii dheeraadka ahaa, waayo in ayaa ka tagtay. Qotinka maarta ahna waxaa ku badanaya elektaroonadii dheeraadka ahaa. Markaa waa in ayoonnada naxaasta ahi ku milmaan milanka, halkaas oo ay ka soo bedmayaan elektaroonadii ka tagay, qotinka maarta ahna aayoonno maar ah ayaa hantiyaya elektaroonadii danab dhexaad ka dhigi lahaa, oo ku dheehmaya qotinka. Markaa tamar kayd isdheerida u dhaxaysay madoorsoome ayay ahaanaysaa taas oo ay keentay milanka naxaastu ku milmayso iyo maarta dheehmaysa ee islamar ka kala socda labada qotin. Unugga koonbada dhoobada ah gudeheeda waxaa ku ururaya aayoonno naxaas ah oo dheeraad ah oogadeedana ayoonno SO4 oo dheeraad ah. Markaana aayoonnada SO4 waxay ka dusayaan dhoobada. Gudaha dhoobadana waxay isku dhismayaan aayoonnadii naxaasta ahaa halkaas oo ay noqonayaan naxaas salfeyt ZnSO4 . Koonbada maarta ah gudeheeda, aayoonnadii maarta ahaa waxay u qexeen
xaga qotinka maarta ah halkaasoy ku dheehmeen, aayoonnadii salfeydka ahaana
waa kuwii u dusay gudaha dhoobada. Markaa milankii ku jiray koonbada maarta
ah gudeheedu wuu yaraanayaa. Taasoo yaraysa X.D.W(Xoog danab wadka)
ee unugga, Si cimrigiisa aynu u dheerayno waxaynu ku daraynaa <<
jidhiidh maar salfeyd ah ( CuSO4 ) >>. Halkaa waxaa inooga muuqda in tamarta uu bixiyo 1gm-atom oo naxaas ahi marka uu milmayo ay ka badantahay, 1gm-atom maar ah. Tamarta ay u baahantahay markay atom dhexaad noqonayso 4.4 x 105 J - 2.34 x 105 J ama 1.1V oo ah tamar kayd isdheerida labada qotin. Waxaa tamartaas kaydsan isku gadiyay tamar danabka wadda danab hayaanka mareegta dibadda. Unugga daaniyaal malaha dahneefeedkii uu lahaa unugga Foolta waayo gudbiye milmuhu wuxuu biirinayaa curiyaha qotinku yahay ( ama Cu ).
Unug yaabis waa unug leklanji qallalan, hawlyari baana loo qaadi karaa, ganacsi ahaana aad ayaa loo isticmaalaa. Siduu jaantusku muujinayana wuxuu ka koobanyahay, Koonbo naxaasa oo ah qotin tabanaha unugga. Gudaha waxaa ka xiga qoosh isugu jira amooniyam koloraydh ( NH4Cl ) iyo naxaas koloraydh ( Zn Cl2 ) oo u'eg cajiin, ahna gudbiye milmaha unugga. Gudaha waxaa kasii xiga budo magniis laba ogsaydh ( MnO2 ) ah oo tira daahneefeedka unugga iyo kaarboon yareeya caabbi gudeedka unugga. Gunta waxaa ugu xiga maddane kaarboon ah kaas oo ah qotin toganaha unugga.
Zn++ + 2Cl- = ZnCl Isla marka ay ku milmaan aayoonnada naxaastu gudbiye milmaha ayaa labada
amooniyam aayoon ee la bixiyay u hayaamaan qotinka kaarboonka ah. Halkaas
oo ay kaarboonka laba elektaroon ka qaataan kana dhigaan qotin toganaha
unugga. Meerarka dibada hadii aan fiirino xaasawda, markaan xidhno mareegta
dibadda waxaa dhacaya falgalyadan: Haddii aan haydarojiinka wax la falgalaa jirin, wuxuu unuggani lahaanayaa
intii uu unugga Foolta lahaa. Hase yeeshee waxaa la falgasha manganiis
laba ogsaydha, sidan hoos ku qoran: Amooniyada waxaa la falgala aayonnada naxaasta. Waxayna sameeyaan aayoono
ah:
Haddaan u fiirsano unugyada ilaa hada aynu soo baranay waxaynu arkaynaa gidigood astaan u gaara oo ka dhaxaysa. Giddigoodna waa ilo tamar falgaleed gadiya tamar danab marka ay falgalo ka dhacaan gudohooda. Hase yeeshee waxaan aragnay in naxaasta (Zn) ama gudbiye milmaha aan adeegsanay ee ay ka mid ahaayeen maar salfeyt (CuSO4) ama amooniyam koloraydh (NH4Cl) ay dhamaadeen markaan in mudo ah ku shaqaynay. Bal aan iswaydiino madhicikartaa hadii aan tamar danab siino unugga in naxaasta (Zn) innaga milantay aan dib u helo? Jawaabtu waa maya, waayo falgalka dhacay ayaa ah mid ismadoorshe ah. Haddii aynu danab hayaan dhex marino unugga Foolta ama ku kale oo unugyada gudha kamid ah wax naxaas(Zn) ah oo kuu noqonaysa qotinkii naxaasta ahaa majiro. Markaa unugyada ay ka midyihiin unugga Foolta, Daaniyal iyo Leklanji mid cusub ayaa lagu badalaa marka ay naxaastu(Zn) ama gudbiye milmuhu ka dhamaado; qaarkoodna sida unugga yaabiska waa tuuris markay dhamaadaan. Markaa unugyada loo baahan yahay in la badalo walxihii falgalay markay tamar go'an siiyaan mareegta dibadda waxaa la yidhaahdaa unugga gudha. Waxaa jira unugyo marka lagu xidho mareeg dibadeed tamar falgaleed u gadisa tamar danab marka falgalo ka dhacaan gudohooda sidii kuwii hore, hase yeeshee aanay dhamaan walxaha isla falgalaa sidii kuwii hore lagusoo celin karo sidoodii hore oo mar labaad la adeegsan karo hadii danab hayaan ka imanaya il danab oo mareegta dibadda ku xidhan la soo dhex mariyo unugga. Unugyada noocaas ah ee marka ay danab tirmaan dib loo danabayn karo ee falgaladoodu is bedele yahay waxaa la yidhaa Unugga gaagaxa. Waxaana ka mid ah dhiteeyaha leh asiidha ama unugga alkalaynka ah.
Unug dhiteeye ama beytariga waxaa aad loogu isticmaalaa baabuurta taas oo uu dhaqaajiyaha daaro indhahana shido xoog danab wadka( X.D.W) ka unuggaasi waa 12V iyo 24V marka uu danabaysan yahay, cufnaanta aysiidhkuna waa 1.3gm/c3. Markaa beytarigu in uu danabaysan yahay iyo in kale waxaad ka garanaysaa kolba cufnaanta asiidhku inta ay tahay.
Laba qotin oo ledh( Pb ) ah dhex qotomi koob salfiyurik asiidh badhxani ku jiro. Baytariga ama il-danab kalena ugu xidh sida jaantuska kor ku muujisan. Marka aan furno mareegta debedda waxaan arkaynaa dheeh cad oo ku samaysmay qotinka ku xidhnaa qotinka qotin togane il-danabka. Dheehaa ku samaysmayaa waa ledh beer oksaydh (PbO2). Qotinkii ku xidhnaa qotin tabanuhu isma badalin. Mareegta debedda ugu xidh ambiyeer beeg iyo nal sida jaantuuska hoose muujinayo.
Sadex arimood ayaynu arkaynaa marka aynu ka furno mareegta dibadda beytariga, ee aan ku xidhno halkeedii Nal:- 1. Jahada uu tilmaamaha ambiyeer beegu uu u wareegay way isbadashay. Xaga qotin tabanaha ledhka iyo aayoonada salfeydku waxay samaynayaan ledh salfeyt. Haydarojiinku wuxuu ledh beerogsaydhka ka dhigayaa litaarij (ledh ogsaydh PbO) taas oo la falgalaysa salfayuurik asiidhka, samaynaysana ledh salfayt. Hadii aynu mar labaad ku xidhno unugga gaagaxay il danab, waxaynu helaynaa unug leh X.D.W oo qotinka ku xidhnaa qotin tabanaha il danabku noqonayo ledh, ka kuxidhan qotin toganuhuna ledh beerogsaydh.
Markaa danabynta iyo danab tirida talantaaliga ahi waxaa la yidhaa waxay dhistaa qotinnada. Hase yeeshee waxaa la ogaaday in qotin dhiskaasi la dadajin karo haddii qotin toganaha laga dhigo Pb3O4, kan tabanaha ahna PbO. Unugga ledh asiidhka ah ee maanta loo isticmaalo ganacsigana sidaas ayaa laga dhigaa. Danabaynta u horaysa ayaa ay Pb3O4 isugu baddashaa ledh Pb. Unugga X.D.W uu bixiyo waa 2.2V. Baytariga loo yaqaano dhiteeye wuxuu ka kooban yahay lix(6) unug oo noocaas ah oo si tax ah isugu xidhan.
1. waa in aanad meella bil wax ka badan ku daynin dhiteeyaha, isaga oo danab tiran. waxaynu sheegnay in marka uu unuggu danab tiran yahay qotinadu yihiin ledh salfeyt ( PbSO4 ). Markaa haddii aynu sidaa ku dayno mudo dheer waxay isku gadidaa ledh salfeytku nooc jidhiidh ah oo aan isbadalayn marka danabee la yidhaahdo, waxanay inagu kalifaysaa in aan badelo qotinada. 2. Markuu dhiteeyuhu si fiicac u danabaysan yahay labada qotin waxaa ka kala baxa haydarojiin (H2) iyo ogsijiin (O2). Markaa waa in aanad olol u dhawaynin beytariga waayo gubasho ayaa ka dhex dhacaysa neefaha haydarojiinka iyo ogsijiinka ah. 3. Danab tirida xad-dhaafka ah iyo gaabinta mareegta dibadda, marka xaasaw la isugu xidho labada qotin oo aan wax caabbiye ahi la jirin waxay dhawacaan dhiteeyaha. Bal aynu yara dulmarno fal-galyada dhiteeyaha markuu danab tirmayo iyo marka kale ee la danabaynayo. 1. Dhiteeyuhu markuu yahay il-leh X.D.W ( Xoog danab wad ).
Fal-galka ka socoda qotinka tabanaha: Fal-galka ka socda qotinka toganaha. Halkaa waxaa inooga muuqda in marka uu unuggu danab tirmayo uu taranku yahay ledh salfeyt oo labada qotinba ku samaysma iyo biyo badan oo badh-xa asiidha, cufnaanteedana hoos u dhigta. 2. Bal aynu eegno dhiteeyaha marka la danabynayo fal-galka ka dhaca.
Qotin toganaha: Marka uu danabaysmayo qotin tabanuhu wuxuu noqdaa ledh, qotin toganuhuna ledh beer-ogsaydh sida falgalada kore ina tusayaan, biyuhuna way ku yaraadaan dhiteeyaha. Cufnaanta asiidhkuna waa uu bataa. Isle'eg kaliya ayaynu isugu keeni karnaa marka uu danabaysmayo iyo marka uu danab tirmayo: Danab tiranka:
Unuggani waa unug gaagaxa sidii unuggii ledhka, waxana soo saaray aqoonyahan Iswidhish ah oo la odhanjiray "Faladiimir Yugar" sanadkii 1900. Waxaa ka horeeyay nin la oranjiray "Toomas Edisan" oo ahaa Maraykan oo isla sanadkaa helay unug nikal - xadiid ah, hase yeeshee waxaa la ogaaday in curiska kaadiyam kaga haboonyahay xadiidka. Unuggan isaga ah gudbiye milmihiisu waa botaasiyam haydaroksaydh (KOH).
Qotinka tabanuhu waa nikal haydaroksaydh. Marka uu unuggani ku xidhanyahay
mareegta dibadda ee uu danab tirmayo Nikal haydaroksaydhka qotin toganuhu
wuxuu noqdaa nooc hoose oo Nikal haydaroksaydhka ah, kaadiyamka qotin
tabanuhuna wuxuu la falgalaa kaadiyam oksaydhka.
|