Danabka neg
(elektro statik)

waxaan istusaynaa oo aan is xasuusinaynaa ama is baraynaa sida uu ku bilawday danabku(Electric), waayo aqoon fiican loo yeelan maayo haddii aan la baran heerarkii uu soo maray iyo sidii uu ku bilawdayba.

Markahore waxaa haboon in aynu iswaydiino waamaxay danabku(electric)?.
Inta aynaan ka jawaabin waxaynu naqaan in wakhtiyada roobabawda ama daruuruhu is qabsadaan uu bilawdo onkod iyo hilaac taasoy u badantahay in danab(biriq) ka dhasho, waxaanan naqaanaa in uu danabku waxyeelo u gaysto noolaha iyo dhirta dhulka dushiisa ku sugan, hase ahaatee mudo aad u fog ayaan jawaab fiican loo hayn ama aan aqoon loo lahayn waxa uu yahay danabku.

Haddii aynu usoo noqono jawaabta su'aashii hore ee ahayd waamaxay danabku? Waxaa aqoon loo yeeshay kadib markii culimada saynisku darseen raadad badan oo ay la kulmeen sida danabka neg ( elektro statik ) kaas oo ah danabka ka dhasha haddii aynu qalin biiroo ah ku xoqno timeheena oo qalalan ama dhogor waxaynu arkaynaa qalinkii oo soo jiidanaya waraaqaha aynu qurubnay ama haddii aynu timaheena oo qalalan ku shanlaysano shanlo caaga waxaynu arkaynaa shanladii oo soo jiidanaysa waraaqaha yaryar. Bal inaga oo marayna raadadkaas ay saynisyahanadu soo mareen si aynu ugu fahano si qotodheer ayaan jecelahay in aan ku bilaabo buugan.

Danab tuse :
Danab tusuhu waa dhawr jaad, giddigoodna waxa aan u adeegsannaa in aan ku garanno in walaxi danab leedahay iyo in kale iyo caynka danabka. Laba jaad oo danab tuse waxa weeye danab tuse kubbad quwaax ah leh iyo danab tuse caleemo leh, waxaanan jaantus ku muujinaynaa danab tusaha oo mar aan danab lahayn iyo mar aaynu danabaynay. Waxaanan ka ogaanaynaa sida uu danabka raadkiisu uga muuqanayo danab tuse caleemeedka.

Tijaabadii way sii socotay oo waxaa la ogaaday in danabka neg uu ka kooban yahay laba nooc(cayn) kuwaas oo loobixiyay togane( + ) iyo tabane( - ). Habka lagu ogaaday labadaas nooc, waa iyadoo la'arkay in laba walxood oo danab tabane ah lihi
kala didaan laba walxood oo danab togane ah lihina kala didaan laakiin laba walxood oo danab koodu kala duwan yahay oo uu yahay tabane iyo togane ay isasoo jiitaan.

Waxa kale oo la ogaaday in walxaha aynu adeegsano sida:- Biraha, dhoobada, quraarada, caaga, looxa I.W.M, ay ka koobanyihiin walxo gudbiya danabka iyo walxo magubiye ah. Tusaale ahaan walxaha gudbiya danabka waxaa la ogaaday in ay ugu fiicanyihiin biruhu, haba ku sii kala fiicnadeene. Walxaha magudbiyaha ahna waxaa la ogaaday in ay ugu fiicanyihiin Dhoobada, Caaga, Quraarada(dhalo), looxa, Hawada qalalan I.W.M. Walxahaasi sida ay u gudbiyaan danabka iyo sida aanay u gudbin waxaay ku xidhantahay sida ay u dhisanyihiin Atommadoodu. Jaantuskani hoose wuxuu inoo muujinayaa madane danabaysan oo aynaan wali taabsiin labada walxood ee kala ah gudbiyaha(bir) iyo magudbiyaha(dhalo).

Maxaa dhacaya haddii aynu madanaha danabaysan taabsiino labada walxood ee kala ah gudbiyaha iyo magudbiyaha, fiiri jaantuskan hoose danabkii wuxuu dhexmaray birtii, taas oo birtii danab togane ah yeelatay isla markaana birtu danabkii waxay usii gudbisay kubadda. Haddaba kubaddii markii ay yeelatay iyadna danab togane ah, (taas oo aynu soo baranay labada walxood ee danab isku cayn ah yeeshaa way kala diddaan) ayay kubaddii ka didday birtii.

Aragtida Elektaroonka

Kadib markii ladarsay Maatarka iyo waxa uu ka koobanyahay ayaa aqoon loo yeeshay danabka iyo walxaha gudbiya iyo walxaha aan gudbin waxa sobobay. Waxaana la ogaaday in maatarku ka koobanyahay Atommo, atom kastaana uu kasii koobanyahay, Borotoono, Niyutaroono iyo Elektaroono, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Haydarojiin, taas oo aan lahayn Niyutaroon.

Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed.

Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid. Haddaba cufka Elektaroonka negi waa Kan Borotoonkuna waa Kan Niyutaroonkuna waa Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer. Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atommka danabkiisu waa eber(0), waayo inta elektaroon iyo inta borotoon ee ku jirtaa way isleegyihiin.

Waxaynu ognahay in borotoonku ka culusyahay elektaroonka, xoog isku dabar bu'eedna uu ku hayo bu'da atommka, markaa waxa socda ee badali kara danabka atommku waa elektaroonada bal eeg jaantuskan hoose.

Haddii elektaroono kusoo biiraan walax danabkeedu wuxuu noqonayaa Tabane, haddiise elektaroonadu ku yaraadaan (katagaan) waxa uu noqonayaa Togane. Sida ay elektaroono laba walxood ugusoo biiri karaan ama uga tagaan waa sadex arimood oo kala ah xoqitaan, gudbin iyo saaqniin, xoqidu waxay aad isugu soo dhawaysaa labada walxood si ay elektaroonnadu mid uga tagaan oo kan kale u tagaan, gudbina waa elektaroonada oo dhex qulqula xaasaw ama gudbiye iyagoo ay riixayso Tamarkay danabka aynu baran doono, saaqniina waa elektaroonada oo abraara(booda) iyagoo meel ka tagaya oo meelkale u boodaya taas oo aynu ku baran doono baabka madhxiyeyaasha.
_____________________________________________________
1- Maatarku waa wixii cufle culaysnale meelmadhana buuxin kara.
2- Atommku waa waxa ugu yar walax ee il ma'aragtay ah.
_____________________________________________________

Walxaha Gudbiya Danabka

Waxaynu soo baranay in biruhu ku fiicanyihiin gudbinta maxaa yeelay waxay leeyihiin qaab go'an oo atommadoodu aad ayay isugu dhawyihiin, taas oo elektaroonada ugu sareeya ay jiidato bu'da dariska la ahi, oo ay markaa kala didaan taasina waxay keenaysaa inay atom gaar ah ku dabranayn oo ay birta uun dhex heehaabayaan. Haddaba elektaroonka aan ku dabranayn atom gaar ah ee una baahan xoog aad u yar si jihadii larabo loogu socodsiiyo ayaa waxaa layidhaa: Elektaroonada xorta ah ama Elektaroonada gudbinta. Haddii aynu si kale u nidhaa danab gudbiyaha fiican waxaa aad ugu badan elektaroonada xorta ah, sidaa darteed hadii aan taabsiino walax danabaysan jiho ayay u wada hayaamayaan elektaroonadu, taas oo haddii walaxda danabkeedu ahaa togane ay soo jiidanayso ama way kusoo hayaamayaan ilaa ay ka dheeli tiraan danabkaas, haddii kale way ka hayaamayaan(ka tagayaan) illaa xoog kala didka cufka oo dhami ay is dheelitiraan.

Walxaha Magudbiyaha ah

Walxaha iyagu magudbiyaha ah waxaa aad ugu yar elektaroonada xorta ah, maxaa yeelay waxay aad ugu dabranyihiin dusha sare ee walaxda magudbiyaha ah, taasina waa tan keentay in gudbinta danabka walaxdaasi aad u yaraato ama aanay gudbinba. Waqti aan siddaa usii fogayn iyo ilaa maantadan farsamada danabka waxaa lagu addeegsadaa, biraha oo gudbiye yaal fiican ah iyo dhoobada, quraarada, caaga iyo cunaabiga oo magudbiyeyaal fiican ah.
Biraha waxaa laga sammeeyaa siligyo lagu gudbiyo danabka oo meel looga qaado meel kalena lagu geeyo, magudbiye yaashana waxaa lagu taageeraa siligyada danabka lagu qaado si aanay u danab tirmin ama aanu danabku noolaha aanu waxyeelo u gaadhsiin. Walxaha aduunka jiraa ma'aha oo kaliya labadaas nooc ee aynu soo sheegnay ee waxaa jira nooc saddexaad oo u dhexeeya labadaas nooc lanayidhaa ingudbiyeyaal waxayna ku haboon yihiin in qaar loo adeegsado gudbiye yaal qaarna ma'gudbiyeyaal waxaana ka mid ah Laba-qotinle(diod) iyo Taransistar oo qaybwayn ka qaatay horumarka tignolojiyada maanta.

In walaxi noqoto danab gudbiye iyo in ay noqoto magudbiye waxay ku xidhan tahay sidan soo socota:-
" Walaxda atommadeedu sida ay u dhisanyihiin.
" Xaalada ay walaxdu taal( caddaadiska, heerkulka iyo in ay qalalanyihiin iyo in ay qoyanyihiin).
Waxaa haboon in aynu ku xisaabtano xaalada ay walaxdu taal, taas oo
haddii walax magudbiye ahi taal meel kulul xaaladeedu isbadalayso oo ay
gudbinayso danabkii, tusaale ahaan haddaan sooqaadano caag ama dacas oo aan dhigno meel suyuca waxaan arkaynaa danabkii oo ka dhexgudbaya walxahaas sidoo kale haddii silig uu dhex marayo danab aynu kululayno wuxuu marba marka ka danbaysa ee uu siligii sii kululaadaba isu sii badalayaa magudbiye oo waxaa adkaanaysa in danabkii dhex maro siligaa.

 

Xeerka Kuulam

Nin la oranjiray Jaarlas Angistin Kuulam ( 1736 - 1806 ) ayaa iskudayay sidii uu ku ogaanlahaa Xiriirka ka dhexeeya xoogdanab-isjiidadka ama kala didka iyo danabyada fogaanta u dhaxaysa, hore waxaynu u soo tilmaanay in danabyada isku caynka ahi kala didaan kuwa kala caynka ahina isa soo jiitaan.
Bal hadana xadi ahaan aynu u soo saarno xiriirka ka dhexeeya xoog danab isjiidadka ama kala didka iyo danabyada iyo fogaanta u dhaxaysa inagoo marayna jidkii ama habkii uu helay aqoonyahankii Kuulam.


Qalabka oo dhami waxa uu ku jiraa Quraarad (dhalo) dhululubo ah oo ka celisa hawadu in ay dhaqaajiso irbada tilmaamaha ah. Danabka kubbada <a> waxa uu ku saaqmayaa kubbada <b> sidaa darteed kubbada <b> waa lasoo jiidanayaa ilaa ay taabato kubbada <a> taasoo danabkoodu isku cayn noqonayo markana kala didayaan, haseyeeshee kubbada <a> madhaqaaqi karto, markaa <b> ayaa dib uga soo boodaysa, dhaqdhaqaaqa <b> waxa uu dhaqaajinayaa tilmaamaha, kaas oo inoo sheegaya inta uu dhanyahay xoog danab kaladidka labadaa kubbadood.

Aqoonyahanka Kuulam waxa uu helay in:- xooga laba danab ku kala didayaan uu saamigal quman ku yahay rogaalka laba jibaarka fogaanta u dhaxaysa labadaas danab. Xisaab ahaan xeerkan waxaa loo qoraa:-

F = xoog.
r = gacan ( fogaanta ay laba walxood isku jiraan).

Haddaba si aynu u helo Xoog danabku sida uu ugu xidhanyahay laxaadka danabka kubbadaha, waxaynu danabaynaynaa kubbadaha, ka soo qaad in laxaadka danabkoodu yahay (Q). Fogaanta u dhaxaysa in joogto ahna in uu yahay ( r ). Soo qaado kubbad sadexaad oo taabsii kubbada <a> dabadeedna ka qaad, marka laba kubbadood oo isku qaada la'istaabsiiyo danabku si siman ayuu ugu filqamaa (baahaa) labadoodaba markaa danabka kubbada <a> laxaadkiisu wuxuu noqonayaa:

Markaa waxaynu arkaynaa ama uu aqoonyahankii Kuulam uu arkay in: Xagal wareega tilmaamuhu uu kala badhmayo marka danabka kubbadaha mid ahaani badh noqdo, waa haddii fogaanta ay isku jiraan aanay is badalin, xoog danabka laxaadkiisuna badh ayuu noqonayaa. Halkaa waxaan ku arkaynaa in xoog danabku saamigal quman ku yahay taranta laxaadka labada danab, ama F Q1 . Q2 .

Haddii aynu labada saamigal isku gayno waxaynu heli xeerka Kuulam ee danabka neg kaas oo oranaya: Xooga u dhexeeya laba danab waxa uu saamigal quman ku yahay taranta laxaadka labada danab, Waxaa kale oo uu saamigal quman ku yahay rogaalka laba jibaarka fogaanta u dhaxaysa.

<<K>> inta ay noqonaysaa waxa ay ku xidhantahay kolba halbeegyada aan ku cabbirno xooga danabka iyo fogaanta. Habka M. K. S. hadii danabka Q1 iyo Q2 midkastaaba yahay 1 kul, fogaanta ay isku jiraana tahay 1 m, xooga ay isku jiidanayaan ama ay ku kala didayaana yahay 1 N.

Xeerka kuulam wuxuu noqonayaa:

Haddii Q1 = Q2 = 1 K, r = 1 m, markaa:

Halbeega Kuulam waxaa lagu cabbiraa marka la baranayo qulqulka elektaroonada. markaasna 1 Kul = 6.25 X 10^18 elektaroon.
Danabka halka elektaroon bixiyaana waa:

Waxaa kale oo aynu oran karnaa kuulam waxa uu saamigal quman ku yahay taranta qulqulka maayada iyo amminta(seken). 1 Kul = 1A . 1s.
Kuulam waa cabir wayn sidaa darteed waxaa la'adeegsadaa mikaro kuulam oo loo qoro ( ) maxaayeelay ..

Waxaanan cutubyada soo socda ka heli doonaa sida tijaaboyinkani ay waxtar u gu yeesheen ka faa'iidaysiga tamarta danabka.

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9