waxaan istusaynaa oo aan is xasuusinaynaa ama is baraynaa sida uu ku bilawday danabku(Electric), waayo aqoon fiican loo yeelan maayo haddii aan la baran heerarkii uu soo maray iyo sidii uu ku bilawdayba. Markahore waxaa haboon in aynu iswaydiino waamaxay danabku(electric)?. Danab tuse :
Tijaabadii way sii socotay oo waxaa la ogaaday in danabka neg uu ka
kooban yahay laba nooc(cayn) kuwaas oo loobixiyay togane( + ) iyo tabane(
- ). Habka lagu ogaaday labadaas nooc, waa iyadoo la'arkay in laba walxood
oo danab tabane ah lihi Waxa kale oo la ogaaday in walxaha aynu adeegsano sida:- Biraha, dhoobada, quraarada, caaga, looxa I.W.M, ay ka koobanyihiin walxo gudbiya danabka iyo walxo magubiye ah. Tusaale ahaan walxaha gudbiya danabka waxaa la ogaaday in ay ugu fiicanyihiin biruhu, haba ku sii kala fiicnadeene. Walxaha magudbiyaha ahna waxaa la ogaaday in ay ugu fiicanyihiin Dhoobada, Caaga, Quraarada(dhalo), looxa, Hawada qalalan I.W.M. Walxahaasi sida ay u gudbiyaan danabka iyo sida aanay u gudbin waxaay ku xidhantahay sida ay u dhisanyihiin Atommadoodu. Jaantuskani hoose wuxuu inoo muujinayaa madane danabaysan oo aynaan wali taabsiin labada walxood ee kala ah gudbiyaha(bir) iyo magudbiyaha(dhalo).
Maxaa dhacaya haddii aynu madanaha danabaysan taabsiino labada walxood ee kala ah gudbiyaha iyo magudbiyaha, fiiri jaantuskan hoose danabkii wuxuu dhexmaray birtii, taas oo birtii danab togane ah yeelatay isla markaana birtu danabkii waxay usii gudbisay kubadda. Haddaba kubaddii markii ay yeelatay iyadna danab togane ah, (taas oo aynu soo baranay labada walxood ee danab isku cayn ah yeeshaa way kala diddaan) ayay kubaddii ka didday birtii.
Kadib markii ladarsay Maatarka iyo waxa uu ka koobanyahay ayaa aqoon loo yeeshay danabka iyo walxaha gudbiya iyo walxaha aan gudbin waxa sobobay. Waxaana la ogaaday in maatarku ka koobanyahay Atommo, atom kastaana uu kasii koobanyahay, Borotoono, Niyutaroono iyo Elektaroono, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Haydarojiin, taas oo aan lahayn Niyutaroon. Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed. Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu
inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid. Haddaba cufka Elektaroonka
negi waa
Waxaynu ognahay in borotoonku ka culusyahay elektaroonka, xoog isku dabar bu'eedna uu ku hayo bu'da atommka, markaa waxa socda ee badali kara danabka atommku waa elektaroonada bal eeg jaantuskan hoose.
Haddii elektaroono kusoo biiraan walax danabkeedu wuxuu noqonayaa Tabane,
haddiise elektaroonadu ku yaraadaan (katagaan) waxa uu noqonayaa Togane.
Sida ay elektaroono laba walxood ugusoo biiri karaan ama uga tagaan waa
sadex arimood oo kala ah xoqitaan, gudbin iyo saaqniin, xoqidu waxay aad
isugu soo dhawaysaa labada walxood si ay elektaroonnadu mid uga tagaan
oo kan kale u tagaan, gudbina waa elektaroonada oo dhex qulqula xaasaw
ama gudbiye iyagoo ay riixayso Tamarkay danabka aynu baran doono, saaqniina
waa elektaroonada oo abraara(booda) iyagoo meel ka tagaya oo meelkale
u boodaya taas oo aynu ku baran doono baabka madhxiyeyaasha.
Waxaynu soo baranay in biruhu ku fiicanyihiin gudbinta maxaa yeelay waxay leeyihiin qaab go'an oo atommadoodu aad ayay isugu dhawyihiin, taas oo elektaroonada ugu sareeya ay jiidato bu'da dariska la ahi, oo ay markaa kala didaan taasina waxay keenaysaa inay atom gaar ah ku dabranayn oo ay birta uun dhex heehaabayaan. Haddaba elektaroonka aan ku dabranayn atom gaar ah ee una baahan xoog aad u yar si jihadii larabo loogu socodsiiyo ayaa waxaa layidhaa: Elektaroonada xorta ah ama Elektaroonada gudbinta. Haddii aynu si kale u nidhaa danab gudbiyaha fiican waxaa aad ugu badan elektaroonada xorta ah, sidaa darteed hadii aan taabsiino walax danabaysan jiho ayay u wada hayaamayaan elektaroonadu, taas oo haddii walaxda danabkeedu ahaa togane ay soo jiidanayso ama way kusoo hayaamayaan ilaa ay ka dheeli tiraan danabkaas, haddii kale way ka hayaamayaan(ka tagayaan) illaa xoog kala didka cufka oo dhami ay is dheelitiraan.
Walxaha iyagu magudbiyaha ah waxaa aad ugu yar elektaroonada xorta ah,
maxaa yeelay waxay aad ugu dabranyihiin dusha sare ee walaxda magudbiyaha
ah, taasina waa tan keentay in gudbinta danabka walaxdaasi aad u yaraato
ama aanay gudbinba. Waqti aan siddaa usii fogayn iyo ilaa maantadan farsamada
danabka waxaa lagu addeegsadaa, biraha oo gudbiye yaal fiican ah iyo dhoobada,
quraarada, caaga iyo cunaabiga oo magudbiyeyaal fiican ah. In walaxi noqoto danab gudbiye iyo in ay noqoto magudbiye waxay ku xidhan
tahay sidan soo socota:-
Nin la oranjiray Jaarlas Angistin Kuulam ( 1736 - 1806 ) ayaa
iskudayay sidii uu ku ogaanlahaa Xiriirka ka dhexeeya xoogdanab-isjiidadka
ama kala didka iyo danabyada fogaanta u dhaxaysa, hore waxaynu u soo tilmaanay
in danabyada isku caynka ahi kala didaan kuwa kala caynka ahina isa soo
jiitaan.
Aqoonyahanka Kuulam waxa uu helay in:- xooga laba danab ku kala didayaan uu saamigal quman ku yahay rogaalka laba jibaarka fogaanta u dhaxaysa labadaas danab. Xisaab ahaan xeerkan waxaa loo qoraa:- F = xoog. Haddaba si aynu u helo Xoog danabku sida uu ugu xidhanyahay laxaadka danabka kubbadaha, waxaynu danabaynaynaa kubbadaha, ka soo qaad in laxaadka danabkoodu yahay (Q). Fogaanta u dhaxaysa in joogto ahna in uu yahay ( r ). Soo qaado kubbad sadexaad oo taabsii kubbada <a> dabadeedna ka qaad, marka laba kubbadood oo isku qaada la'istaabsiiyo danabku si siman ayuu ugu filqamaa (baahaa) labadoodaba markaa danabka kubbada <a> laxaadkiisu wuxuu noqonayaa: Markaa waxaynu arkaynaa ama uu aqoonyahankii Kuulam uu arkay in: Xagal wareega tilmaamuhu uu kala badhmayo marka danabka kubbadaha mid ahaani badh noqdo, waa haddii fogaanta ay isku jiraan aanay is badalin, xoog danabka laxaadkiisuna badh ayuu noqonayaa. Halkaa waxaan ku arkaynaa in xoog danabku saamigal quman ku yahay taranta laxaadka labada danab, ama F Q1 . Q2 . Haddii aynu labada saamigal isku gayno waxaynu heli xeerka Kuulam ee danabka neg kaas oo oranaya: Xooga u dhexeeya laba danab waxa uu saamigal quman ku yahay taranta laxaadka labada danab, Waxaa kale oo uu saamigal quman ku yahay rogaalka laba jibaarka fogaanta u dhaxaysa. <<K>> inta ay noqonaysaa waxa ay ku xidhantahay kolba halbeegyada aan ku cabbirno xooga danabka iyo fogaanta. Habka M. K. S. hadii danabka Q1 iyo Q2 midkastaaba yahay 1 kul, fogaanta ay isku jiraana tahay 1 m, xooga ay isku jiidanayaan ama ay ku kala didayaana yahay 1 N. Xeerka kuulam wuxuu noqonayaa:
Haddii Q1 = Q2 = 1 K, r = 1 m, markaa:
Halbeega Kuulam waxaa lagu cabbiraa marka la baranayo qulqulka elektaroonada.
markaasna 1 Kul = 6.25 X 10^18 elektaroon.
Waxaa kale oo aynu oran karnaa kuulam waxa uu saamigal quman ku yahay
taranta qulqulka maayada iyo amminta(seken). 1 Kul = 1A . 1s. Waxaanan cutubyada soo socda ka heli doonaa sida tijaaboyinkani ay waxtar u gu yeesheen ka faa'iidaysiga tamarta danabka.
|