|
Andari Mariya Ampere(1775 - 1836) wuxuu ahaa sayntiiste
ku soo caanbaxay Waxaa se jiray hortii Nin la-oranjiray Jaarlas Angistin Kuulam
( 1736 - 1806 ) intii lagu dhexjiray barashada danabka neg ayaa wuxuu
ogaaday xoogaga danab isjiidadka iyo fogaant xoogagaas u dhexeeya kaas
oo soo saaray xeer loo bixiyay xeerka kuulam, wuxuna sameeyay halbeeg
lagu cabiro marka la baranayo laxaadka danabowga iyo qulqulka elektaroonada
loona soo gaabiyo kul. markaasna 1 Kul = 6.25 X 10^18 elektaroon.
Waxaa kale oo aynu oran karnaa kuulam waxa uu saamigal quman ku yahay
taranta qulqulka maayada iyo amminta(seken). 1 Kul = 1A . 1s. Haddii aynu dib u milicsano Andari. M. Ampere wuxuu sumad iyo halbeegba
u sameeyay qulqulka maayada.
Tusaale:- Jawaab:
Laxaadka danabka ee 1A wuxuu u dhigmaa danabka ay sidaan elektaroon,
seken kasta. Waxaan u akhrin karnaa tiradan elektaroonada sidan:- Waxaa kale oo muhiim ah in aynu barano Qormo saynis oo luqadaha kale loo yaqaan Prefix oo hoos ku muujisan waxaanan ku muujinaa cabiraada aadka u yar iyo kuwa aadka ubadanba waayo marka aynu baranayno Danabka iyo tignolojiyadaba waxaynu adeegsanaynaa tirooyin aad u yar iyo kuwo aad u badanba sida 0,0000000000001 ilaa kor markii loo wadana 1.00000000000000000 taas oo qormada saynis ee hoos ku muujisani inoo sahlayso in aynu akhrino soo gaabinta cabiraadaha .
Gabi ahaan sadexdan halbeeg ee kala ah, foolt(Volt), Ohm iyo Ampere, waxaa loogu yeedhi jiray ama ay ahaayeen magacyada saynisyahanadii ogaaday macnaha ay xambaarsan yihiin isla markaana sharaxay halbeegyadani qiimaha wayn ee ay inoogu fadhiyaan marka aynu baranayno Danabka (elektriga) iyo elektroonigaba. Saynisyahanka la oranjiray Georg Simon Ohm wuxuu ogaaday in sadexdan halbeeg ay isku xidhan yihiin oo mid hadii uu maqanyahay laakiin aad haysato qiimaha labada kale aad ka dhex heli karto midan kaa maqan.
1. Tijaabada xeerka Ohm Saabaan: 2 xabo. Batari 1.5 V
Haddii labada Batari aan u xidhno si isdabayaal ah(serial), markaa guluubka waxaa soo gaadhaya tamar-kayd dhan 3 V. guluubku wuxuu leeyahay gal uu ku xidhmo sida shaxanka sare inoo muujinayo sidaa darteed galkaas ayaad ku xidhaysaa gudbiyeyaal dhererkoodu dhanyahay 10-15 cm. Marka galka aad ku xidhayso labada gudbiye, waa in aad mid ku laxaamado xaga hoose ee galka mida kalena dhinaca galka sida jaantuskan ka muuqata.
hadda soo qaad labadii batari oo si tax ah isku saar, markaa batariyadu waxay u xidhanyihiin si isdabayaal ah, sidii aynu horay u soo tilmaanayna tamar-kaydkoodu way isku darsamayaan oo waa 3 V. Intaa kadib waxaad ku xidhaa guluubkii oo gudbiye-yaasha mid ku xidh qotinka togan, gudbiyaha kalena ku xidh qotinka taban sida jaantuskan hoose ina tusayo.
waxaad ka furtaa hal batari, oo labada gudbiye ee guluubka ka yimaada
ku xidh halka batari. Markaa guluubku wuu iftiimayaa mar kale, laakiin
wuxuu u iftiimayaa si diciifa. Waxaynu oran karnaa hadda, waxaa guluubka
dhex maraya maayad diciif ah.
sida aynu ku arki doono jaantuka soo socda ee c), waxaynu isku xidhaynaa laba guluub oo danabka ka qaadanaya 2 batari oo si tax ah isugu xidhan, sidaa darteed tamar-kaydka dhexmarayaa wuxuu noqonayaa 3 V. tamar-kaydku way jibaarmaysaa marka 2 batare la'isugu xidho si tax ah, waxaa isna jibaarmaya Caabiga markii laba guluub la'isugu xidho si tax ah. Haddaba marka aynu gudbiyihii guluubyada ka imanayay ku xidhno batariyada, guluubyadii waxay u iftiimayaan si diciif ah. Waxayna u iftiimayaan sidii aynu ku soo aragnay tijaabadii b) ee ahayd hal batari iyo hal guluub.
tijaabadan yar iyo kuwo lamid ah ayaa uu sameeyay G.S.Ohm isaga oo xisaabinaya una arkay sidan soo socota: · Tamar-kaydka dhabta ah iyo xamuulka mareegtu waa 3V iyo hal
guluub, waxaana dhex qulqulaya maayad xadidan xamuulka mareegta. Waxaan ogaanay haddii maayadu qaybsanto macneheeda waxaynu qaybinay tamar-kadka isha-danabka ama waxaan labo ka dhignay caabiga. Ugu danbayntii Georg Simon Ohm wuxuu layimid xeerkan, kaas oo qiimo wayn ku yeeshay horumarka elektarooniga, xeerkan oo layidhaa Xeerka Ohm(ohms lav). Tamar-kaydku waxay lamid tahay maayada oo lagu dhuftay
caabiga. Tamar-kayd = Maayad X Caabi · Tamar-kaydka halbeegeedu waa Volt.
Waxa aad muhiim u ah in aynu marka hore barano arimahan soo socda si aynu danabka (electric and electronic ) aqoon ugu yeelano maxaa yeelay shay waxaa aqoon fiican loo yeeshaa marka laga bixiyo tusaale,tusaalehaasoo la'ag dhigayo shay la yaqaan oo shaygan labaranayo u aragti dhaw sidaa darteed aynu soo qaadano shaxan inaga caawiya habkii aynu aad ugu fahmi lahayn hawsha ka dhex socota mareeg xidhan. Haddii aan sharaxaad kooban ka bixiyo shaxankan hoos ku muujisan waxaynu ku aragnaa biyo kasoo dhacaya meel sare kuwaas oo rogaya Giraan(taayir), markaa biyuhu waxay u taaganyihiin qulqulka maayada oo lagu halbeego ambiyeer oo looqoro ( I ), sumad ahaana waxaa looqoraa ( A ). Midda kale biyuhu markay kor joogaan waxaa ku kaydsan tamar maxaayeelay inay kusoo qulqulaan dhulka hooseeya waxaa sobobay cuf-isjiidadka dhulka, markaa cuf-isjiidadka dhulku wuxuu u taagan yahay markaynu danabka ka hadlayno, Tamarkayd isdheerida danabka, tamarkayd isdheeriduna waatan sobobtay in danabku ka tago meel oo uu meelkale tago, sida biyuhuba ay cuf-isjiidadka dhulka awgood ay ugayimaadeen meesha sare oo ay u yimaadeen hoos. Waxaana lagu halbeegaa foolti oo looqoro (U), sumad ahaana waxaa looqoraa (V). Waxaa kale oo aynu shaxanka ku aragnaa qasabad biyaha laga maamulo in ay xoog u qulqulaan iyo in ay aayar u socdaan, mareegta danabkuna sidaas ayay u leedahay meel laga maamulo kolba maayada iyo tamarkaydka dhexmaraya, taas oo loo yaqaan Caabbi loona qoro(R), taas oo lagu halbeego Ohm, sumad ahaana waxaa loo qoraa (? ). Midda kale waxaan ku aragnaa shaxankan, Taayir ay biyaha soo dhacayaa rogayaan wuxuuna u taagan yahay dhaqaajiye(motor) kaas oo danab ku shaqeeya oo wareegaya, haddaba awoodaas dhaqaajiyuhu ku shaqaynayo oo loo yaqaan Power loona qoro (P), waxaana lagu halbeegaa watt, sumad ahaana waxaa loo qoraa ( W ).
Mareeg :
Mareegtan aynu ku muujinay jaantuskan sare waxay inooga turjumaysaa oo ay u aragti dhawdahay shaxankii aynu kor ku muujinay, waxaanan ogaanay in ay isku aragti yihiin oo maadaama ay adagtahay in ardaygu horay u fahmo mareegta danabka ay hadda u fududaanayso ogaanshaha hawsha ka socota mareegta danabka. Waxaynu si tafatiran ugu sharxidoonaa sida ay isugu xigaan magacyadani aynu hoos ku tilmaami doono, waayo waa tubta aynu u marayno in aynu adeegsano danabka, markasta oo aqoon loosii yeesho adeegsiga danabka waxaa lagaadhaa in la daboolo baahiyo jiray, sida aynu wada ogsoonahayna xiligan aynu marayno ayaaba markhaati inooga ah in uu yahay xiligii baahidiisa intiisa badan ay dabooshay adeegsiga danabku, oo haddii aad jaleecdo(daymooto) geesahaaga waxaa kuu muuqan saabaan baddan oo ku shaqeeya danabka. Awood:
Halkaa waxaan ka fahanay in awoodaa aynu luminay lamidtahay 1 joul seken
kiiba. Waxaan shaxdan hoos ku muujisan uga faa'iidaysanaynaa adeegsiga xeerka OHM.
Xeerkana wuxuu inoo suurto galinayaa in aan ka jawaabno su'aalo badan oo ku saabsan adeegsiga tamarta danabka.
Marka aynu doonayno in aynu dhisno ama samayno aalad ka samaysan elektroonik, waxaynu u baahanahay saabaan(komponenter). Markaa mida saabaankan aan marnaba ka maqnayni waa Caabiga.
haddaba caabiga waxaynu u isticmaalaa sidii aynu u xadayn-lahayn Qulqulka maayada, oo maayadii halkii ay badnaan-lahayd ayaan ku kala qaybinaa. Waxaa kale oo aan caabiga uga faa'iidaysanaa sidaynu tijaabooyinkii hore ku soo aragnay Guluubku markii uu iftiimayo waxaa kululaada siliga loo yaqaan tangistan oo caabi ah, sidaas oo kale ayaa caabiyada mareegaha elektarooniguna u kululaadaan, laakiin kulayl aad ah oo aan dareemi karno maaha, haddii caabigu yeesho kulayl la dareemi karo oo kulul mareegtaas qalad ayaa jira. Caabigu wuxuu leeyahay caabin, kaas oo lagu cabiro inta Ohm. Waxaanad soo iibsan kartaa inta caabi ee aad rabto, laga bilaabo 1 ohm ilaa 1000,000 ohm iyo kabadan, waaxan ku muujinaynaa shaxdan soo socota. Haddii aynu soo qaadano calaamadaha ama qaabka shaxda caabiga loo adeegsado waa: 27 ohm, 270 ohm, 2,700 ohm iwm. Oo tirada 2 iyo 7 is agdhig sida 27 kadibna ku dhufo 10, 100 iwm.ama aynu nidhaahno tobnaad, boqlaad, kumaad weeyi qiimeyaasha caabigu. Shaxda qiimaha Caabiyada, E12 waa qaab loo dajiyay ee ku xidhan caabbiyada la soo saaro(la sameeyo).
Caabbiga iyo noocyadiisa kaladuwan Saabaankan waxaa laga sameeyaa waxyaaba dhawr ah oo u gaar ah taas oo loobixiyay caabbi, habkan uu u shaqeeyo oo ah in uu xadeeyo qulquka maayada, tamar kaydkana uu hoos u dhigo, bal haddaba waxaynu qaabka uu u shaqeeyo caabbigu ku muujinayna shaxankan hoos ku muujisan.
Haddaba caabbiga waxyaabaha laga sameeyo kuwa ugu badan waxaa ka mid
ah: Caabbiga dhuxusha
" Faa'iido: qiime jaban. Caabbiga dhuxusha wareegsan ama birta wareegsan
Caabbi qarayar
Caabbiga birta
Caabbiga siliga duuban
Caabbigani hoos ku muujisani waxaa lagu dahaadhay sibidh ama dhoobo caabbigisuna waa ama waxaan u qori karnaa sida ku muujisan caabbigan wuxuuna xamili karaa 5W.
Astaanta Midabka Caabbiga
JADWALKA ASTAANTA MIDABKA CAABBIGA
Sidaynu horeyba u soo baranay waxaynu midabka ka ogaanay qiimaha Caabbiga iyo adkaysigiisaba sidaynu kor ku muujnay qiimaha caabbigu waa; 56 ohm +/- 5% .
Waxaa kale oo jirta Caabbiyeyaal ku xidhan Kulaylka(Negativ Temperature Coefficient) waxaana loo soo gaabiyaa NTC iyo mid ka soo horjeeda oo kulaylka la korodha(Positive Temperature Coefficient)waxaana loo soo gaabiyaa PTC iyo caabbiga Iftiinka(Light Dependent Resistor) oo loo soo gaabiyo LDR, macnaha caabbiga caabbiyuhu hoos ayuu u dhacaa ama kor ayuu u kacaa marka midba xaaladiisa la kulmo, waxaanan shaxankan iyo jaantuuska soosocda ku muujinaynaa caabbiga caabbigiisu ku xidhanyahay kulaylka NTC oo marka la kululeeyo ayuu caabbiga caabbiyuhu hoos u dhacaa kadibna sidaas ayuu danabku ku dhexmari karaa.
Haddii aynu soo qaadano caabbiga ku xidhan iftiinka(Light Dependent Resistor) oo aynu soo tilmaanay in loo soo gaabiyo LDR, ayaa waxan si muuqaal ah halkan uga fahmaynaa waxqabad-kiisa. Tusaale haddii aynu u soo qaadano wax tarka mareegtan, waxaynu u adeegsan karnaa in nalalka daarada guriga ama kuwa jidadka magaaladu damaan marka qoraxdu soo baxdo, ayna shidmaa marka qoraxdu dhacdo.
ISKU XIDHKA CAABBIYADA DANABKA Caabbiyada waxaa la'isugu xidhi karaa siyaabo dhawr ah sidda:. Isdabayaal(tax), Barbaro iyo mareeg ka kooban labadaba(isku-dhafan). Markaa waxaynu ka bixinaynaa sharaxaad buuxda sida ay u kala horeeyaan:. ISKU XIDHKA MAREEGAHA TAXA AH Haddii aynu tusaale ka bixino mareegta u xidhan sida taxa ah sideeda badan lama adeegsado waayo caabbiyadu way isku taxanyihiin, isla markaana danabku midba midka kale ayuu ugasii dhex gudbaa. Tusaale haddii aynu usoo qaadano sadex guluub(nal) oo si isdabayaala( taxan) isugu xidhan oo mid ka mid ahi gubto mareegtaasi waxay noqonaysaa mid furan oo labadii guluub ee kalena way damayaan. Tijaabo -1-:. U =16V
Haddaba qulqulka maayada ee dhexmaraya caabbiyada, markaynu ku cabirno ambiyeer beeg waxaynu helaynaa sidan soo socota:.
Waxaan ogaanay in qulqulka maayadu si iskumida uu u dhexmaro caabbiyada
isdaba yaalka ah, caabbiyadaasi haba kala qiimo duwanaadaane, markaa waxaynu
oranaynaa cufnaanta qulqulka maayada ee dhexmaraysa mareegta isdabayaalka
ahi waa isku mid:.
Haddaba markaynu ku cabirno fooltibeeg tamarkayd isdheerida dhexmaraysa caabbiyada waxaynu helaynaa sidan soo socota:.
Markaa waxaynu cabiraadan ka fahanay in tamarkayd isdheerida dhexmaraysa halkii caabbiba ay ka yartahay tan guud ee mareegta la'siiyay. Haddaba waxaynu aqoonsanay in tamarkayd isdheerida dhexmaraysa caabiyada u xidhan habka isdabayaalka ay noqonayso sidan soo socota:. Ut = U1 + U2 + U3 MAREEGTA BARBARADA AH Mareegtani barbarada ahi waxay inoo suurto galinaysaa in saabaanka ku shaqeeya danabka aynu midba gaarkii u xakuno, kasoo qaad guryaha iyo meelaha kale ee shaqadu ka socoto waxaa lagu xidhaa nalal badan, nalalkaa haddii si tax ah la'isugu xidho waxaa dhacda in marka nal xumaado ama loo baahdo in mid ladamiyo ay kuwa kalena damayaan. Sidaa daraadeed waxaa haboon in nalalka loo xidho si barbaro ah oo mid kastaaba kan kale shaqayntiisu aanay ku xidhnaan. Waxaa kale oo mareegtani inoo suurto galinaysaa in saabaanka mareegtaa ka koobani helaan foolti isku mid ah.
Waxaynu ku horaynaynaa fooltiga mareegta barbarada ah:
Fooltiga mareegta barbarada ah. DANAB HAYAANKA DHEXMARAYA MAREEGTA Haddii aynu mareegta u meerarno sidan soo socota:-
Haddii aynu dib u jaleecno xeerkii koowaad ee Kirijoof, Xeerkani wuxuu dhigayay in danab hayaanka guud lamidyahay wadarta danab hayaanka dhexmaraya saabaanka mareegtu ka koobantahay ee barbarada u xidhan. Danab hayaanka guud ee mareeg ka kooban sadex caabbi oo
u xidhan barbaro, habka aynu ku raadinaynaa waa wadarta danab hayaanka
dhex gudbaya caabbiyada oo ah:- It = I1+ I2 + I3 Haddii caabbiyada ay mareegtu ka koobantahay aynu biirino waxaan iyadna
ogsoonaanaa in danab hayaanka guud (It) ee mareegtaasi dhex gudbayaa ay
kordhayso. Qaybsanka danab hayaanka ee aynu kor kusoo tilmaanay wuxuu
ku qaybsamaa kalabaydhyo, kulanka kalabaydhyadu waa bar, haddaba kalabaydhyada
waxaynu ku soo koobi karnaa laba barood oo kala ah baraha A iyo B.
Waxaa kale oo jirta in wadarta danab hayaanka abaaray barta kalabaydhyadu
ay lamidyihiin wadarta danab hayaanka ka gudbay barta kalabaydhyada waxaana
inoo cadaynaya xeerka barta kalabaydhyada oo ah:
Sida jaantuskan kor ku muujisani ina tusayo danab hayaanka
It wuxuu ku kala qaybsamayaa barta A, isaga oo u kalabaxay I1,I2 iyo I3
oo ah kuwa maraya caabbiyada R1,R2 iyo R3, wuxuu isugu yimaadaa barta
B. Danab hayaanka laamaha kala duwani waa in uu saamigal quman ku noqdaa rogaalka caabbiga xubnaha kala gaarka ah, waayo tamar kayd isdheeri isku mid ah ayuunbaa jirta laamaha barbarada ah ee mareegta.
Xeerkii Oom haddii aan qaadanno: Markaa caabbiga guud Rt waa: Caabbiga guud ama Rt waxaa layidhaa caabbiga u dhiganta, waxayna u dhigantaa caabbiyada kale oo dhan. Tusaale: Inaga oo xeerkii Oom adeegsanayna ayaa waxan ognahay in:
MAREEGAHA ISKUDHAFAN (group connections). Haddii aynu soo qaadano mareeg ka mid ah mareegaha Fogaan araga ( Tv ) waxaynu arkaynaa saabaanka (components) mareegtaasi ka koobantahay oo iskugu xidhan hab barbaro ah, tax ah, shabaq ah iyo mid iskeed u taagan. Mareegta iskudhafanii waxay ka kooban tahay isdabayaal (tax) iyo barbaro, hadaba si aynu u barano mareegtan shabaqa ah aan soo qaadano sida ay u kala horeeyaan mareegaha ay ka koobantahay. FIDINTA MAREEGTA TAXA AH (extended series connection). Mareegtan shabaqa ah marka aynu raadinayno caabbigeeda guud ( Rt ) waynu fududaynaynaa marka hore oo waxaynu u kala qaadaynaa si talaabo talaabo ah.
Sidaynu ku muujinay jaantuskaba talaabada hore ee aan qaadaynaa waa inaga oo mareegta u kala qaadna labadii hab ee aas-aasiga ahaa sida barbaro iyo tax. Haddii aynu eegno jaantuska ( a ) R2 iyo R3 waxay isugu xidhanyihiin si tax ah, bal aynu raadino qiimaha labadan caabbi R2,3 eeg jaantuska ( b ) inaga oo raacayna xeerkii mareegta taxa ah. R2,3 = R2+R3 Sidaynu jaantuska ku aragno R2 iyo R3 waxaynu u soo gaabinay R2,3.
FIDINTA MAREEGTA BARBARADA AH (
extended parallel connection )
Sida jaantuska ( a ) inoo muujinayo mareegta barbarada ahi waxay ka koobantahay R2 iyo R3, waxanan soo saaraynaa mareegta guud ee labadan caabbi waana sidan soo socota.
Markii aaynu ogaanay labadii caabbi ee barbarada isugu xidhnaa qiimahooga guud, waxaynu jaantuska ( b ) ku aragnaa in caabbigii R1 uu si tax ah ugu xidhmay caabbigan R23 ee u taagan labadii caabbi, taasina waxay inoo sahlaysaa jidkii aynu u mari lahayn caabbiga guud ( Rt ). Waxaynu naqaanaa xeerka mareegta taxa ah, waana midka aynu kula soo bixikarno mareegtan guud ee aynu raadinayno. Rt = R1 + R23 MAREEGAHA SHABAQA AH ( networks ). Mareegaha shabaqa ahi waxay lamidyihiin sidii mareegihii isku dhafnaa ee aynu horeba u soo aragnay hase ahaatee mareegta shabaqa ahi way ka sii qaybo badantahay midan isku-dhafan, mararka qaarkoodna fooltiyada mareegaha shabaqa ah lasiinayaa wayba kala duwanyihiin.
Mareegta shabaqa ah ee aynu jaantuskan ku muujinay waa mareeg hal meel
laga siiyay fooltiga, haddii aynu u galo qaybaha mareegtu ka koobantahay
runtii waa mareegihii aas-aasiga ahaa ee aynu horeba u naqaanay. R456 = R4+R5+R6 Waxan shiki inoogaga jirin in R3 iyo R456 ay u taagan yihiin mareeg barbaro ah sida uu inoo muujinayo jaantuska b) sidaa darteed:
Caabbigan R3456 wuxuu taagan yahay meeshii ay horey u taag - naayeen
R3 iyo R456 waxana inatusaya jaantuska ( C ), sidaynu ognahay mareegtan
shabaqa ahi waa adagtahay waxayse inoo fududaataa markaynu ula dhaqano
habka mareegta taxa iyo barbarada ah sidaynu horeba ugu soo furfuray. Rt = R1 + R3456 + R2 Sida aynu mareegahan u soo furfuray ayaa tusaale ah in aad marto marka aad ka shaqaynayso layliyo habkan oo kale ah. Waxaase aan dhacayn in aad isku daydo in aad xaliso talaabada horeba adiga oo aan furfurin.
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||