MAAYAD(Ampere)

Andari Mariya Ampere(1775 - 1836) wuxuu ahaa sayntiiste ku soo caanbaxay
cilmmibaadhis dheer oo uu sameeyay kadib markii uu ogaaday qulqulka maayada.

Waxaa se jiray hortii Nin la-oranjiray Jaarlas Angistin Kuulam ( 1736 - 1806 ) intii lagu dhexjiray barashada danabka neg ayaa wuxuu ogaaday xoogaga danab isjiidadka iyo fogaant xoogagaas u dhexeeya kaas oo soo saaray xeer loo bixiyay xeerka kuulam, wuxuna sameeyay halbeeg lagu cabiro marka la baranayo laxaadka danabowga iyo qulqulka elektaroonada loona soo gaabiyo kul. markaasna 1 Kul = 6.25 X 10^18 elektaroon.
Danabka halka elektaroon bixiyaana waa:

Waxaa kale oo aynu oran karnaa kuulam waxa uu saamigal quman ku yahay taranta qulqulka maayada iyo amminta(seken). 1 Kul = 1A . 1s.
Kuulam waa cabir wayn sidaa darteed waxaa la'adeegsadaa mikaro kuulam oo loo qoro ( ) maxaayeelay.

Haddii aynu dib u milicsano Andari. M. Ampere wuxuu sumad iyo halbeegba u sameeyay qulqulka maayada.
· Sumada qulqulka maayada waxaa loo qoraa ( I ).
· Halbeega qulqulka maayada waxaa loo qoraa ( A ).

Tusaale:-
Haddii qulqulka maayada dhex maraya gudbiye uu yahay 1A, waqti dhan 1sek, waa imisa xadiga elektaroonada maraya gudbiyahaas, haddii halka elektaroon danabka uu sidaa dhan yahay ?

Jawaab:
Qulqulka maayada I = 1A, kaas oo racaya marka danabwga 1A sekenkiiba uu gudbayo jeexgudubka xaasawda ( conductor crossection ), taasoo xadiga elektaroonada gudbaya xaasawdu(gudbiye) noqonayaan:-

Laxaadka danabka ee 1A wuxuu u dhigmaa danabka ay sidaan elektaroon, seken kasta. Waxaan u akhrin karnaa tiradan elektaroonada sidan:-
6250 000 000 000 000 000.

Waxaa kale oo muhiim ah in aynu barano Qormo saynis oo luqadaha kale loo yaqaan Prefix oo hoos ku muujisan waxaanan ku muujinaa cabiraada aadka u yar iyo kuwa aadka ubadanba waayo marka aynu baranayno Danabka iyo tignolojiyadaba waxaynu adeegsanaynaa tirooyin aad u yar iyo kuwo aad u badanba sida 0,0000000000001 ilaa kor markii loo wadana 1.00000000000000000 taas oo qormada saynis ee hoos ku muujisani inoo sahlayso in aynu akhrino soo gaabinta cabiraadaha .


Tusaale:
Haddii maayad dhan 0,015A (ampere) iyada oo aynu looxa qormo saynis fiirinayna waxay u qormaysaa taas oo loo akhriyo milli, markaa maayadii ahayd 0,015A waxaynu u qoraynaa 15mA(shan iyo toban milli ambiyer).

Gabi ahaan sadexdan halbeeg ee kala ah, foolt(Volt), Ohm iyo Ampere, waxaa loogu yeedhi jiray ama ay ahaayeen magacyada saynisyahanadii ogaaday macnaha ay xambaarsan yihiin isla markaana sharaxay halbeegyadani qiimaha wayn ee ay inoogu fadhiyaan marka aynu baranayno Danabka (elektriga) iyo elektroonigaba.

Saynisyahanka la oranjiray Georg Simon Ohm wuxuu ogaaday in sadexdan halbeeg ay isku xidhan yihiin oo mid hadii uu maqanyahay laakiin aad haysato qiimaha labada kale aad ka dhex heli karto midan kaa maqan.

1. Tijaabada xeerka Ohm

Saabaan: 2 xabo. Batari 1.5 V
2 xabo. Guluubka tooshka
2 xabo. Galka guluubka

Haddii labada Batari aan u xidhno si isdabayaal ah(serial), markaa guluubka waxaa soo gaadhaya tamar-kayd dhan 3 V. guluubku wuxuu leeyahay gal uu ku xidhmo sida shaxanka sare inoo muujinayo sidaa darteed galkaas ayaad ku xidhaysaa gudbiyeyaal dhererkoodu dhanyahay 10-15 cm. Marka galka aad ku xidhayso labada gudbiye, waa in aad mid ku laxaamado xaga hoose ee galka mida kalena dhinaca galka sida jaantuskan ka muuqata.

hadda soo qaad labadii batari oo si tax ah isku saar, markaa batariyadu waxay u xidhanyihiin si isdabayaal ah, sidii aynu horay u soo tilmaanayna tamar-kaydkoodu way isku darsamayaan oo waa 3 V. Intaa kadib waxaad ku xidhaa guluubkii oo gudbiye-yaasha mid ku xidh qotinka togan, gudbiyaha kalena ku xidh qotinka taban sida jaantuskan hoose ina tusayo.

waxaad ka furtaa hal batari, oo labada gudbiye ee guluubka ka yimaada ku xidh halka batari. Markaa guluubku wuu iftiimayaa mar kale, laakiin wuxuu u iftiimayaa si diciifa. Waxaynu oran karnaa hadda, waxaa guluubka dhex maraya maayad diciif ah.
Waxaana ugu wacan in ay labadan mareegood kala duwanaadaan, mida hore waxay heshay tamar-kayd dhan 3V, laakiin mareegtan danbe waxay heshay 1,5 V.

sida aynu ku arki doono jaantuka soo socda ee c), waxaynu isku xidhaynaa laba guluub oo danabka ka qaadanaya 2 batari oo si tax ah isugu xidhan, sidaa darteed tamar-kaydka dhexmarayaa wuxuu noqonayaa 3 V. tamar-kaydku way jibaarmaysaa marka 2 batare la'isugu xidho si tax ah, waxaa isna jibaarmaya Caabiga markii laba guluub la'isugu xidho si tax ah. Haddaba marka aynu gudbiyihii guluubyada ka imanayay ku xidhno batariyada, guluubyadii waxay u iftiimayaan si diciif ah. Waxayna u iftiimayaan sidii aynu ku soo aragnay tijaabadii b) ee ahayd hal batari iyo hal guluub.

tijaabadan yar iyo kuwo lamid ah ayaa uu sameeyay G.S.Ohm isaga oo xisaabinaya una arkay sidan soo socota:

· Tamar-kaydka dhabta ah iyo xamuulka mareegtu waa 3V iyo hal guluub, waxaana dhex qulqulaya maayad xadidan xamuulka mareegta.
· Haddii aynu tamar-kaydka qaybino oo aynu labo u kala qaynino waa 1.5V sidaa darteed mayadiina labay u qaybsamaysaa dhexmaraysay xamuulka (guluubkii wuxuu u ifayaa si diciifa).
· Haddii Caabigu labo noqdo sida labada guluub ee isdabayaala, markaa maayadii way qaybsami.

Waxaan ogaanay haddii maayadu qaybsanto macneheeda waxaynu qaybinay tamar-kadka isha-danabka ama waxaan labo ka dhignay caabiga. Ugu danbayntii Georg Simon Ohm wuxuu layimid xeerkan, kaas oo qiimo wayn ku yeeshay horumarka elektarooniga, xeerkan oo layidhaa Xeerka Ohm(ohms lav).

Tamar-kaydku waxay lamid tahay maayada oo lagu dhuftay caabiga.
Ama waxaan u qori karnaa sidan:

Tamar-kayd = Maayad X Caabi

· Tamar-kaydka halbeegeedu waa Volt.
· Maayada halbeegeedu waa Ampere.
· Caabiga halbeegiisu waa Ohm.

 

HAWSHA KA DHEX SOCOTA MAREEGTA DANABKA

Waxa aad muhiim u ah in aynu marka hore barano arimahan soo socda si aynu danabka (electric and electronic ) aqoon ugu yeelano maxaa yeelay shay waxaa aqoon fiican loo yeeshaa marka laga bixiyo tusaale,tusaalehaasoo la'ag dhigayo shay la yaqaan oo shaygan labaranayo u aragti dhaw sidaa darteed aynu soo qaadano shaxan inaga caawiya habkii aynu aad ugu fahmi lahayn hawsha ka dhex socota mareeg xidhan.

Haddii aan sharaxaad kooban ka bixiyo shaxankan hoos ku muujisan waxaynu ku aragnaa biyo kasoo dhacaya meel sare kuwaas oo rogaya Giraan(taayir), markaa biyuhu waxay u taaganyihiin qulqulka maayada oo lagu halbeego ambiyeer oo looqoro ( I ), sumad ahaana waxaa looqoraa ( A ).

Midda kale biyuhu markay kor joogaan waxaa ku kaydsan tamar maxaayeelay inay kusoo qulqulaan dhulka hooseeya waxaa sobobay cuf-isjiidadka dhulka, markaa cuf-isjiidadka dhulku wuxuu u taagan yahay markaynu danabka ka hadlayno, Tamarkayd isdheerida danabka, tamarkayd isdheeriduna waatan sobobtay in danabku ka tago meel oo uu meelkale tago, sida biyuhuba ay cuf-isjiidadka dhulka awgood ay ugayimaadeen meesha sare oo ay u yimaadeen hoos. Waxaana lagu halbeegaa foolti oo looqoro (U), sumad ahaana waxaa looqoraa (V).

Waxaa kale oo aynu shaxanka ku aragnaa qasabad biyaha laga maamulo in ay xoog u qulqulaan iyo in ay aayar u socdaan, mareegta danabkuna sidaas ayay u leedahay meel laga maamulo kolba maayada iyo tamarkaydka dhexmaraya, taas oo loo yaqaan Caabbi loona qoro(R), taas oo lagu halbeego Ohm, sumad ahaana waxaa loo qoraa (? ).

Midda kale waxaan ku aragnaa shaxankan, Taayir ay biyaha soo dhacayaa rogayaan wuxuuna u taagan yahay dhaqaajiye(motor) kaas oo danab ku shaqeeya oo wareegaya, haddaba awoodaas dhaqaajiyuhu ku shaqaynayo oo loo yaqaan Power loona qoro (P), waxaana lagu halbeegaa watt, sumad ahaana waxaa loo qoraa ( W ).

Mareeg :
Mareegtan aynu hoos ku muujinay waa mareegta aynu doonayno in aynu u ogaano hawsha ka dhex socota si qotodheer, maadaama ay tahay mareeg danab, haatana ay wax inooga bilaaban yihiin oo aan filayo in ay ina caawiyeen duruustii aynu soo qaadanay.

Mareegtan aynu ku muujinay jaantuskan sare waxay inooga turjumaysaa oo ay u aragti dhawdahay shaxankii aynu kor ku muujinay, waxaanan ogaanay in ay isku aragti yihiin oo maadaama ay adagtahay in ardaygu horay u fahmo mareegta danabka ay hadda u fududaanayso ogaanshaha hawsha ka socota mareegta danabka.

Waxaynu si tafatiran ugu sharxidoonaa sida ay isugu xigaan magacyadani aynu hoos ku tilmaami doono, waayo waa tubta aynu u marayno in aynu adeegsano danabka, markasta oo aqoon loosii yeesho adeegsiga danabka waxaa lagaadhaa in la daboolo baahiyo jiray, sida aynu wada ogsoonahayna xiligan aynu marayno ayaaba markhaati inooga ah in uu yahay xiligii baahidiisa intiisa badan ay dabooshay adeegsiga danabku, oo haddii aad jaleecdo(daymooto) geesahaaga waxaa kuu muuqan saabaan baddan oo ku shaqeeya danabka.

Awood:
Waxaa iyadna loo baahanyahay in aynu si qotodheer u ogaano Awooda oo looqoro ( P), waana tamarta ay bixiyaan qalabka danabka ku shaqeeyaa sidaynu horeba usoo tilmaanay, waxaana lagu cabiraa waad = watt ( W ).
Si aynu u sii ogaano Awooda la adeegsaday ( watt waxaa lagu helaa: Joul x seken),
Haddaba sida ugu fudud ee aynu ku ogaanayno tamar 1 joul ah ee luntay Tusaale ahaan waa inagoo kor u qaadnay culays dhan 100g joog 1m ah sida jaantuskan hoose inooga cad, markaynu culayskaa 100g dhan kor u qaadno waxaan luminay tamar dhan 1 Joul!
Haddii aynu adeegsano 1 kii seken in aynu ku qabano 1 joul hawsha aynu qabanay darteed waxaan bixinay awood dhan 1 watt.

Halkaa waxaan ka fahanay in awoodaa aynu luminay lamidtahay 1 joul seken kiiba.
1 watt macnihiisu waa 1 joul seken kiiba. Haddiise aynu adeegsano mudo ½ seken ah si aynu 100g kor ugu qaadno joog dhan 1m waxaa laman-laamay awoodii oo hadda waa 2 watt.

Waxaan shaxdan hoos ku muujisan uga faa'iidaysanaynaa adeegsiga xeerka OHM.

Xeerkana wuxuu inoo suurto galinayaa in aan ka jawaabno su'aalo badan oo ku saabsan adeegsiga tamarta danabka.

CAABIGA
(Resistor)

Marka aynu doonayno in aynu dhisno ama samayno aalad ka samaysan elektroonik, waxaynu u baahanahay saabaan(komponenter). Markaa mida saabaankan aan marnaba ka maqnayni waa Caabiga.

haddaba caabiga waxaynu u isticmaalaa sidii aynu u xadayn-lahayn Qulqulka maayada, oo maayadii halkii ay badnaan-lahayd ayaan ku kala qaybinaa. Waxaa kale oo aan caabiga uga faa'iidaysanaa sidaynu tijaabooyinkii hore ku soo aragnay Guluubku markii uu iftiimayo waxaa kululaada siliga loo yaqaan tangistan oo caabi ah, sidaas oo kale ayaa caabiyada mareegaha elektarooniguna u kululaadaan, laakiin kulayl aad ah oo aan dareemi karno maaha, haddii caabigu yeesho kulayl la dareemi karo oo kulul mareegtaas qalad ayaa jira. Caabigu wuxuu leeyahay caabin, kaas oo lagu cabiro inta Ohm. Waxaanad soo iibsan kartaa inta caabi ee aad rabto, laga bilaabo 1 ohm ilaa 1000,000 ohm iyo kabadan, waaxan ku muujinaynaa shaxdan soo socota.

Haddii aynu soo qaadano calaamadaha ama qaabka shaxda caabiga loo adeegsado waa: 27 ohm, 270 ohm, 2,700 ohm iwm. Oo tirada 2 iyo 7 is agdhig sida 27 kadibna ku dhufo 10, 100 iwm.ama aynu nidhaahno tobnaad, boqlaad, kumaad weeyi qiimeyaasha caabigu.

Shaxda qiimaha Caabiyada, E12 waa qaab loo dajiyay ee ku xidhan caabbiyada la soo saaro(la sameeyo).

10 100 1000 10,000 100,000
12 120 1200 12,000 120,000
15 150 1500 15,000 150,000
18 180 1800 18,000 180,000
22 220 2200 22,000 220,000
27 270 2700 27,000 270,000
33 330 3300 33,000 330,000
39 390 3900 39,000 390,000
47 470 4700 47,000 470,000
56 560 5600 56,000 560,000
68 680 6800 68,000 680,000
82 820 8,200 82,000 820,000

Caabbiga iyo noocyadiisa kaladuwan

Saabaankan waxaa laga sameeyaa waxyaaba dhawr ah oo u gaar ah taas oo loobixiyay caabbi, habkan uu u shaqeeyo oo ah in uu xadeeyo qulquka maayada, tamar kaydkana uu hoos u dhigo, bal haddaba waxaynu qaabka uu u shaqeeyo caabbigu ku muujinayna shaxankan hoos ku muujisan.


Guud ahaan caabbigu wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah:
" Caabbi madoorsoome ah.
" Caabbi doorsoome ah.

Haddaba caabbiga waxyaabaha laga sameeyo kuwa ugu badan waxaa ka mid ah:
" Dhuxul
" Dhoobo
" Bir (nikel iyo chrom)
" Silig la duubay iyo dhoobo isku jira.

Caabbiga dhuxusha
Caabbiga noocani ah waxaa laga sameeyaa dhuxusha oo cadaadis lagu sameeyay iyada oo la cabirayo inta ohm ee ay noqon doonto, taas oo laga buuxiyo dhuxusha gal magudbiye ah, taas oo labada gees ee caabbiyahaasi laga taagay laba silig(gudbiye) sida aad shaxankan hoose ku aragtid.

" Faa'iido: qiime jaban.
" dhibaato: xaga isbadalka adkaysiga laga bilaabo iyo wixii ka koreeya.

Caabbiga dhuxusha wareegsan ama birta wareegsan
Caabbigani waxaa laga sameeyaa dhoobo iyo dhuxul ama bir la'isku dhex duubay sida aad shaxankan hoose ku aragtid, sidaa darteed haddii laga sameeyo dhuxul iyo dhoobo waxay la sharci noqon caabbigan dhuxusha ee aynu ka soo hadalay haddii kale oo bir iyo dhoobo laga sameeyo waxay la sharci noqon caabbiga birta.

Caabbi qarayar
Caabbigan ah mid qarayar wuxuu ka samaysan yahay dhuxul oo waa SMD(surface Mounted Device) oo maanta loo adeegsado qalabka Elektrooniga siiba moobilada iyo qalabyada aadka u fartayar. Caabbigan oo xamila awood dhan 1/16 W, oo leegna kaliya 1x0.5mm lanayidhaa Melf.Jaantus ahaana waa sidan.

Caabbiga birta
Halka aad ka adeegsanayso caabiga dhuxusha waxaad ka adeegsan kartaa caabbiga birta(nikel iyo chrom), kan oo waxa uu ka samaysanyahay uu aad u fiican yahay. Xagga isbadalka adkaysigana waa 0,1% iyo wixii ka sii hooseeya, xaga kululaantana mararka qaar wuxuu leeyahay kulayl aad u yar.

Caabbiga siliga duuban
Caabbigani siliga duuban ahi waa ka ugu da'awayn, xaga samayntana ugu dhibyar. Qaabka uu u samaysanyahayna waa tuumbo dhoobo ah oo lagu kor duubay siliga caabbiga ah tusaale ahaan siliga konistantan. Caabbigan waxaa lagu dahaadhay dhoobo ama sibidh . Caabbigani wuxuu u adkaysan karaa kulayl aad u sareeya, xaga saaqniinkana wuu ku sareeyaa waayo waa duub silig ah.

Caabbigani hoos ku muujisani waxaa lagu dahaadhay sibidh ama dhoobo caabbigisuna waa ama waxaan u qori karnaa sida ku muujisan caabbigan wuxuuna xamili karaa 5W.

Astaanta Midabka Caabbiga
Si loo helo qiimaha caabbiga ayaa lagu muujiyaa midab, sidaa darteed ayaa midabka lagu muujinayo caabbiga korkiisu aanu ka badnayn 4 wareeg iyo qaar ah 5 wareeg sida hoos ku muujisan.


Tusaale:
Haddii caabbigu leeyahay 4 wareeg si aynu u ogaano qiimaha caabbigaas, waxaynu ka bilaabaynaa midabka midigta xiga, oo sida jadwalkan hoose aynu ku baran doono tusaale ahaan haddii uu midabku yahay cagaar(green), casaan(red), cinab(violet) iyo dahabi(gold) waxaynu u qoraynaa sida ay isugu xigaan inaga oo midigta ka bilaabayna waana sidan 520,000,000 +/-5% waxaa kale oo aynu u qori karnaa .
Sidoo kale haddii caabbi leeyahay 5 wareeg waxaynu u qoraynaa tusaale ahaan haddii midabadu kal yihiin Jaale(yellaw), bluug(blue), caddaan(white), cawl(brown) iyo silfar(silver). Haddaba qiimaha caabbigan waxaynu u qoraynaa sidan: 4690+/-10% ama waxaa kale oo aynu u qori karnaa .

JADWALKA ASTAANTA MIDABKA CAABBIGA


Tusaale:
Haddii caabbi lagu calaamadeeyay midabbo kala ah Cagaar(green) ,Buluug(blue) , Madaw(black), Dahabi(gold).waa imisa qiimaha caabiga iyo adkaysigiisuba?
Eeg jadwalka kore ee qiimaha midabka caabbiga, waxaynu helaynaa jawaabta oo caabbigaasi qiimihiisu wuxuu noqonayaa sidan;

Sidaynu horeyba u soo baranay waxaynu midabka ka ogaanay qiimaha Caabbiga iyo adkaysigiisaba sidaynu kor ku muujnay qiimaha caabbigu waa; 56 ohm +/- 5% .

Caabbiyeyaal ku xidhan Kulaylka, Iftiinka iwm.

Waxaa kale oo jirta Caabbiyeyaal ku xidhan Kulaylka(Negativ Temperature Coefficient) waxaana loo soo gaabiyaa NTC iyo mid ka soo horjeeda oo kulaylka la korodha(Positive Temperature Coefficient)waxaana loo soo gaabiyaa PTC iyo caabbiga Iftiinka(Light Dependent Resistor) oo loo soo gaabiyo LDR, macnaha caabbiga caabbiyuhu hoos ayuu u dhacaa ama kor ayuu u kacaa marka midba xaaladiisa la kulmo, waxaanan shaxankan iyo jaantuuska soosocda ku muujinaynaa caabbiga caabbigiisu ku xidhanyahay kulaylka NTC oo marka la kululeeyo ayuu caabbiga caabbiyuhu hoos u dhacaa kadibna sidaas ayuu danabku ku dhexmari karaa.

Bal u fiirso saabaankan NTC

Bal u fiirso mareegtan NTC

Haddii aynu soo qaadano caabbiga ku xidhan iftiinka(Light Dependent Resistor) oo aynu soo tilmaanay in loo soo gaabiyo LDR, ayaa waxan si muuqaal ah halkan uga fahmaynaa waxqabad-kiisa. Tusaale haddii aynu u soo qaadano wax tarka mareegtan, waxaynu u adeegsan karnaa in nalalka daarada guriga ama kuwa jidadka magaaladu damaan marka qoraxdu soo baxdo, ayna shidmaa marka qoraxdu dhacdo.

LDR

ISKU XIDHKA CAABBIYADA DANABKA
(connections of electrical resistances)

Caabbiyada waxaa la'isugu xidhi karaa siyaabo dhawr ah sidda:. Isdabayaal(tax), Barbaro iyo mareeg ka kooban labadaba(isku-dhafan). Markaa waxaynu ka bixinaynaa sharaxaad buuxda sida ay u kala horeeyaan:.

ISKU XIDHKA MAREEGAHA TAXA AH
(series connection)

Haddii aynu tusaale ka bixino mareegta u xidhan sida taxa ah sideeda badan lama adeegsado waayo caabbiyadu way isku taxanyihiin, isla markaana danabku midba midka kale ayuu ugasii dhex gudbaa. Tusaale haddii aynu usoo qaadano sadex guluub(nal) oo si isdabayaala( taxan) isugu xidhan oo mid ka mid ahi gubto mareegtaasi waxay noqonaysaa mid furan oo labadii guluub ee kalena way damayaan.

Tijaabo -1-:.
Tijaabadan waxaynu ku baranaynaa dabeecada qulqulka maayada marka mareegtu u xidhantahay si' isdabayaal ah. Bal aynu soo qaadano sadex caabbi oo u xidhan si isdabayaal ah qiimahooguna kala yihiin, R1 =10 R2 =20 iyo R3 = 50 Waxaanan siinay foolti dhan:.

U =16V

Haddaba qulqulka maayada ee dhexmaraya caabbiyada, markaynu ku cabirno ambiyeer beeg waxaynu helaynaa sidan soo socota:.

Waxaan ogaanay in qulqulka maayadu si iskumida uu u dhexmaro caabbiyada isdaba yaalka ah, caabbiyadaasi haba kala qiimo duwanaadaane, markaa waxaynu oranaynaa cufnaanta qulqulka maayada ee dhexmaraysa mareegta isdabayaalka ahi waa isku mid:.
It = I1 = I2 = I3


Tijaabo -2-:.
Tijaabadan waxaynu ku baranaynaa dabeecada tamarkayd isdheerida marka mareegtu u xidhantahay isdabayaal. Waxaan soo qaadanaynaa sidii tijaabadii horeba sadex caabbi oo qiimohoogu kala yihiin R1 = 10 R2 = 20 R3 = 50 una xidhan si isdabayaal ah ama tax ah fooltiga mareegta lasiiyayna waa U =16 V.

Haddaba markaynu ku cabirno fooltibeeg tamarkayd isdheerida dhexmaraysa caabbiyada waxaynu helaynaa sidan soo socota:.

Markaa waxaynu cabiraadan ka fahanay in tamarkayd isdheerida dhexmaraysa halkii caabbiba ay ka yartahay tan guud ee mareegta la'siiyay. Haddaba waxaynu aqoonsanay in tamarkayd isdheerida dhexmaraysa caabiyada u xidhan habka isdabayaalka ay noqonayso sidan soo socota:.

Ut = U1 + U2 + U3

MAREEGTA BARBARADA AH
( Parallel connection )

Mareegtani barbarada ahi waxay inoo suurto galinaysaa in saabaanka ku shaqeeya danabka aynu midba gaarkii u xakuno, kasoo qaad guryaha iyo meelaha kale ee shaqadu ka socoto waxaa lagu xidhaa nalal badan, nalalkaa haddii si tax ah la'isugu xidho waxaa dhacda in marka nal xumaado ama loo baahdo in mid ladamiyo ay kuwa kalena damayaan. Sidaa daraadeed waxaa haboon in nalalka loo xidho si barbaro ah oo mid kastaaba kan kale shaqayntiisu aanay ku xidhnaan. Waxaa kale oo mareegtani inoo suurto galinaysaa in saabaanka mareegtaa ka koobani helaan foolti isku mid ah.


Hanaanka mareegta barbarada ah


Mareegta barbarada ahi waa mareegta laba xubnood ama in kabadani ay ku wada xidhan yihiin laba barood oo ay wadaagaan oo mareegta ka mid ah, si ay u helaan marino kala gaar ah oo danab hayaanku kala raaco.
Waxaynu adeeg-sanaynaa tijaabooyin kuwaas oo aynu raacidoono xeerka mareegta barbarada ah iyo inaga oo adeegsanayna Saabaankii iyo qiimihii aynu ku soo samaynay tijaabooyinkii mareegtii taxa ahayd, waxanan ogaandoonaa faraqa u dhexeeya labada mareegood ee aynu kor kusoo xusnay.

Waxaynu ku horaynaynaa fooltiga mareegta barbarada ah:
Diyaarinta mareegta:
Qiimaha caabbiyadu waa, R1 = 10 R2 = 20 iyo R3 = 50 kuwaas oo u xidhan si barbaro ah, fooltiga guud ee dhex maryaana waa, Ut = 16V.


Hanaan:
Fooltiga guud ee aynu siinay mareegta Ut, Danab hayaanka dhexmaraya mareegta It iyo fooltiga dhexgudbaya midkasta oo caabbiyada kamid ah marka aynu cabirno waa:


Tijaabadeena waxaynu ku ogaanay caabbiyada u xidhan si barbaro ah in ay helayaan fooltiyo isku mid ah.

Fooltiga mareegta barbarada ah.
Ut = U1 = U2 = . . . = Un.

DANAB HAYAANKA DHEXMARAYA MAREEGTA
U XIDHAN SI BARBARO AH

Haddii aynu mareegta u meerarno sidan soo socota:-


Fooltiga guud ee mareegta, danab hayaanka guud ee mareegta iyo danab hayaanada dhex maraya caabbiyada ay mareegtu ka koobantahay ee sida barbarada ah u xidhan marka aynu cabirno waxaynu helaynaa sidan:-


Tijaabadani waxaynu ku soo ogaanay xiriirka ka dhexeeya danab hayaanka guud iyo danab hayaanada dhexmaraya saabaanka mareegtu ka koobantahay.

Haddii aynu dib u jaleecno xeerkii koowaad ee Kirijoof, Xeerkani wuxuu dhigayay in danab hayaanka guud lamidyahay wadarta danab hayaanka dhexmaraya saabaanka mareegtu ka koobantahay ee barbarada u xidhan.

Danab hayaanka guud ee mareeg ka kooban sadex caabbi oo u xidhan barbaro, habka aynu ku raadinaynaa waa wadarta danab hayaanka dhex gudbaya caabbiyada oo ah:-

It = I1+ I2 + I3

Haddii caabbiyada ay mareegtu ka koobantahay aynu biirino waxaan iyadna ogsoonaanaa in danab hayaanka guud (It) ee mareegtaasi dhex gudbayaa ay kordhayso. Qaybsanka danab hayaanka ee aynu kor kusoo tilmaanay wuxuu ku qaybsamaa kalabaydhyo, kulanka kalabaydhyadu waa bar, haddaba kalabaydhyada waxaynu ku soo koobi karnaa laba barood oo kala ah baraha A iyo B.
Xeerkii koowaad ee Kirijoof (xeerka barta kalabaydhyada) wuxuu inoo tilmaamayaa sidan:-

Barta kalabaydhka A
Barta kalabaydhka B
It = I1+I2+I3
I1+I2+I3 = It

Waxaa kale oo jirta in wadarta danab hayaanka abaaray barta kalabaydhyadu ay lamidyihiin wadarta danab hayaanka ka gudbay barta kalabaydhyada waxaana inoo cadaynaya xeerka barta kalabaydhyada oo ah:

Sida jaantuskan kor ku muujisani ina tusayo danab hayaanka It wuxuu ku kala qaybsamayaa barta A, isaga oo u kalabaxay I1,I2 iyo I3 oo ah kuwa maraya caabbiyada R1,R2 iyo R3, wuxuu isugu yimaadaa barta B.
Markaas:
It = I1 + I2 + I3.

Hase yeeshee danabku meelkasta ha soo maree tamar kayd isdheerida A iyo B waa intii uun. Sidaa darteed.
Ut = U1 = U2 = U3.

Danab hayaanka laamaha kala duwani waa in uu saamigal quman ku noqdaa rogaalka caabbiga xubnaha kala gaarka ah, waayo tamar kayd isdheeri isku mid ah ayuunbaa jirta laamaha barbarada ah ee mareegta.

Xeerkii Oom haddii aan qaadanno:

Markaa caabbiga guud Rt waa:

Caabbiga guud ama Rt waxaa layidhaa caabbiga u dhiganta, waxayna u dhigantaa caabbiyada kale oo dhan.

Tusaale:
Haddii tamarkayd isdheerida mareegtu dhantahay U = 16V, mareegtaas oo ka kooban sadex caabbi, danab hayaanka guudna dhanyahay It = 2,72A. soo saar caabbiga guud?.

Inaga oo xeerkii Oom adeegsanayna ayaa waxan ognahay in:


Haddii laba caabbi oo u xidhan si barbaro ah, aanan rabno in aan soo saarno caabbigooda guud waxaa jira hab fudud oo aynu ulasoo bixi karno habkaas oo ah sidan soo socota:


MAREEGAHA ISKUDHAFAN (group connections).

Haddii aynu soo qaadano mareeg ka mid ah mareegaha Fogaan araga ( Tv ) waxaynu arkaynaa saabaanka (components) mareegtaasi ka koobantahay oo iskugu xidhan hab barbaro ah, tax ah, shabaq ah iyo mid iskeed u taagan.

Mareegta iskudhafanii waxay ka kooban tahay isdabayaal (tax) iyo barbaro, hadaba si aynu u barano mareegtan shabaqa ah aan soo qaadano sida ay u kala horeeyaan mareegaha ay ka koobantahay.

FIDINTA MAREEGTA TAXA AH (extended series connection).

Mareegtan shabaqa ah marka aynu raadinayno caabbigeeda guud ( Rt ) waynu fududaynaynaa marka hore oo waxaynu u kala qaadaynaa si talaabo talaabo ah.


Fududaynta mareegta shabaqa ee taxa ah

Sidaynu ku muujinay jaantuskaba talaabada hore ee aan qaadaynaa waa inaga oo mareegta u kala qaadna labadii hab ee aas-aasiga ahaa sida barbaro iyo tax. Haddii aynu eegno jaantuska ( a ) R2 iyo R3 waxay isugu xidhanyihiin si tax ah, bal aynu raadino qiimaha labadan caabbi R2,3 eeg jaantuska ( b ) inaga oo raacayna xeerkii mareegta taxa ah.

R2,3 = R2+R3
R2,3 = 12 + 8
R2,3 = 20

Sidaynu jaantuska ku aragno R2 iyo R3 waxaynu u soo gaabinay R2,3.
Waxaynu ogaanay habka aynu u adeegsanayno mareegta shabaqa ah, waxanan aragnaa in ay mareegtu barbaro noqotay. Markaa caabbiga guud ee mareegta waxaynu ku soo saari karnaa sidan:


FIDINTA MAREEGTA BARBARADA AH ( extended parallel connection )

Fududaynta mareegta shabaqa ee barbarada ah

Sida jaantuska ( a ) inoo muujinayo mareegta barbarada ahi waxay ka koobantahay R2 iyo R3, waxanan soo saaraynaa mareegta guud ee labadan caabbi waana sidan soo socota.

Markii aaynu ogaanay labadii caabbi ee barbarada isugu xidhnaa qiimahooga guud, waxaynu jaantuska ( b ) ku aragnaa in caabbigii R1 uu si tax ah ugu xidhmay caabbigan R23 ee u taagan labadii caabbi, taasina waxay inoo sahlaysaa jidkii aynu u mari lahayn caabbiga guud ( Rt ). Waxaynu naqaanaa xeerka mareegta taxa ah, waana midka aynu kula soo bixikarno mareegtan guud ee aynu raadinayno.

Rt = R1 + R23
Rt = 60 48
Rt = 180

MAREEGAHA SHABAQA AH ( networks ).

Mareegaha shabaqa ahi waxay lamidyihiin sidii mareegihii isku dhafnaa ee aynu horeba u soo aragnay hase ahaatee mareegta shabaqa ahi way ka sii qaybo badantahay midan isku-dhafan, mararka qaarkoodna fooltiyada mareegaha shabaqa ah lasiinayaa wayba kala duwanyihiin.

Fududaynta mareegta shabaqa ah


Mareegta shabaqa ah ee aynu jaantuskan ku muujinay waa mareeg hal meel laga siiyay fooltiga, haddii aynu u galo qaybaha mareegtu ka koobantahay runtii waa mareegihii aas-aasiga ahaa ee aynu horeba u naqaanay.

Marka hore haddii aynu soo qaadano mareegta ka kooban caabbiyada kala ah R4,R5 iyo R6, waxaynu aragnaa in ay isugu xidhanyihiin si taxan waxanan adeegsanaynaa xeerkii mareegta taxa ah.

R456 = R4+R5+R6
R456 = 4 + 9 + 3
R456 = 16

Waxan shiki inoogaga jirin in R3 iyo R456 ay u taagan yihiin mareeg barbaro ah sida uu inoo muujinayo jaantuska b) sidaa darteed:

Caabbigan R3456 wuxuu taagan yahay meeshii ay horey u taag - naayeen R3 iyo R456 waxana inatusaya jaantuska ( C ), sidaynu ognahay mareegtan shabaqa ahi waa adagtahay waxayse inoo fududaataa markaynu ula dhaqano habka mareegta taxa iyo barbarada ah sidaynu horeba ugu soo furfuray.

Marka aynu isku dayno in aynu soo saarno caabbiga guud ee mareegtii shabaqa ahayd waa:

Rt = R1 + R3456 + R2
Rt = 6 + 9,6 + 6
Rt = 21,6

Sida aynu mareegahan u soo furfuray ayaa tusaale ah in aad marto marka aad ka shaqaynayso layliyo habkan oo kale ah. Waxaase aan dhacayn in aad isku daydo in aad xaliso talaabada horeba adiga oo aan furfurin.


 

Hordhac Cutubka 1 Cutubka 2 Cutubka 3 Cutubka 4 Cutubka 5 Cutubka 6 Cutubka 7 Cutubka 8 Cutubka 9